saylac | Mar 12, 2008 |
0 comments
Xuseen Aw Jaamac Jabriil – BBC Hargeisa: Guddiga doorashooyinka Somalilanda ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf u dhexeeya xubnaha guddigaasi oo ka kooban toddobo xubnood. Weriyaha BBC-da ee Hargeisa ayaa kusoo waramaya in walaac weyn ay dadku bilaabeen, kadib markii la maqlay khilaafkaasi u dhexeeya xubnaha guddiga. Lix xubnood oo ka tirsan guddiga ayaa waraaq ay u direen Madaxweyne Daahir Rayaale ku sheegay in aanay la shaqeyn karin xubin ka tirsan guddiga o uu soo magacaabay xisbiga mucaaradka ee UCID.
Guddoomiye ku xigeenka guddigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in aanu jirin khilaaf weyn balse, ay diidan yihiin xubnaha guddiga la shaqeynta qof ka mid ah guddiga.
Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacaan halkaasi.
Halkan ka dhegayso:
Source: BBC
Filed Under: News