Odhaahda Akhristaha: Lixda gobol Huda Barkhad ayaa magacowdee lixdii Dahir miyey danbeeyaan?
Wararka naga soo gaadhaya Dalkii ayaa sheegaya in xaalada dalku cakiran tahay. Shaqada kaliya ee loo xayd-xaydtaa waa siyaasad. Qaar jeebka loo buuxiyo oo dawldau ku shaqaysato iyo qaar daba jooga. Shacabku in wax loo qabto wuxuu ka jecel yahay in nin reer hebel ah meel loo geeyo. Tafaraaraqa ka dhex muuqda jufa hoseedka marwada madaxwaynahu waxay ka turjumaysaa sawirka guud ee siyaasada dalka. Tusaale ahaan degmada Dilla waxa magacaabay Marxuun Cigaal - Rayalena wuu ka qaaday oo waxay huda magacowday Magaalo Cad oo ay kasoo jeedo - sida ay noo cadeeyeen dad aqoon dheer u leh degaankaasi.
Hadaba haddii arintu marayso xitaa jufada qoyska huda maxaa laga sugayaa in dalka ay ka hirgalaan? waa su’aalaha ay qabaan dad badan oo waraaqo noosoo diray. Dalalka Africa ayaa lagu eedeeyaa haddii uu qof hogaanka qabto marnaba sida uu uga degaa way adag tahay. Dadku waxay u baahan yihiin in la baro “Political Culture” ku salaysan horumar iyo meel dheer wax ka arkid. Dadka xukunka ku jira si loola xisaabtamo waa in “Standarda-ka” kor loo kiciyaa ama sida qofka loo qiimaynaayo.
Doorashada ayaa dadka qaar ka walwal qabaan inayna qaboosamyn oo ay noqonayso mid dib loo dhigo. Sida laga soo wariyey hogaamiyihii hore ee komishinka ee is casilayey ayaa sheegay in uu yidhi:
“Doorashu haddii ay ugu soo horayso waxay qabsoomaysaa sanadka danbe bishaa afraad (April 2009) tiro koobtuna waxa laga yaabaa inay bilaabanto bisha sagaalaad (September 2008).”
Warbaahinta Somaliland ayaa wuxuu siiyaa ixtiraan aad u badan qoyska madaxtooyada oo xitaa warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadha dalkii waa laga gaabsadaa. Haddase waxa nagu kalifaya in immika wixii ka danbeeya kaalinta aan gabnay ee warka siduu yahay usoo gudbinta aan usoo jeedsano anagoon qofna meel kaga dhacayn.
Astaamaha ugu cad ee aan qarsoomayni waxay yihiin sobobta Dilla ay u noqon wayday degmadii la siiyey oo Magaalo cad loo caleemo saaray? Waxa lagu sharxay arintan gobolada ee lagu eedaynaayo in ay Huda Barkhad magacowday mid ka baxsan xeerarka dhul bixinta u yaala ee aduunka.
Daraasad cilmiyeysan laguma samayn sidii loo magacaabi lahaa kaliya waa loo kala badiyey. Dadka qaar waxay sheegayaan in Dawladu isku dayeyso inay shacabka jeediso oo ay ku mashquuliso arintan gobolada iyo raxan wasiiro ah oo la sheegayo in ay soo socdaan.
Waxa lagu tilmaamayey siyaasada Somaliland ee maanta mid si dhab ah uga soo qalin jabisay Dawladii Siyaad Bare oo qolo walba horjoogu ka dooran jiray si uu u socodsiiyo kala jajabinta bulshada “Qaybi oo Xukun” Haddii bulshada la kala jajabiyo waxa u suurto galysa in maamulku laga mashquulo oo loo jeesto sidii reer hebel looga wax badsan lahaa.
Sida immika loo iloobay in la’ raadiyo Ictiraaf oo lagu mashquulay gobolo aan jirin oo dadka qaar arinta ku timaameen:
Tuulo Tuulo hoos joogta
oo gobol lagu tilmaamaayo
Oday turub ciyaaraaya
oo taliye lagu tilmaamaayo
Tolanaha laysku soo yabyabay
ee laysku tirinaayey
Tiro mutuxan buu rabaa
in loo tiriyo meelmeele
Tusaalaha ragii noqon lahaa
ee tiirka dhexe joogay
Tusmada haloo dhiibo baan
Talo kusoo goynay.
- Dadka waa in aqoonyahanku xanbaaro si mar dhow dadku gooni iskugu taago.
- Rayale inuusan mar danbe ku dhaqaaqin siyasad fool xun oo lagu qoslo - waayo goboladan ay iska magacabeen waxay dad badani ku tilmaameen “Qosol”
- In qoyska siyaasiyiintu dibada ka joogo siyaasada dalka oo Rayale isaguna uusan magacaabin tuulooyin kale oo xitaa aan maaliyad loo hayn.
- Dawlada cusub ee dalka ka dhalataa waa in ay goboladan la’iska magacaabay “Cancel” ku dhufataa. Tirada dadka ayaa loo baahan yahay in lagu saleeyo meeshii noqon lahayd gobol ama tuulo.
Arimahaas oo dhan oo la’isku soo duubay ayaa waxa noo cadaatay sida maamulku uu ugu nugul yahay farogalin dhinac walba ah oo xaalku ka maraayo sidii loo maal urursan lahaa inta hadhay oo aan laga xishoonayn ama laga cabsanayn in “Legecy” madow umada loo reebo. Sidaasi darteed shacabka waxa la gudboon in ay diyaar garoobaan oo kor loo qaado miisaanka la saarayo ka ku jira siyaasada. Muxuu qaban karaa muxuuse soo kordhinayaa? fursad ha’ la siiyo kuwa inoogu cilmiga badan si aan uga baxno jahligan ina duleeyey. Arinta ugu wayn ee siyaasad saaran laaxada ka danbeysaa waa si loo iloobo arintii Komishinka oo lagu mashquulo waxyaalo aan muhiim ahayn sida gobolo aan cilmi ku fadhiyin iyo wasiiro juhla’ ah.
Saylicipress - Alberta Canada



