Maxaa ugu wacan in qiimaha cuntada laga qayliyo?
Culimada iyo indheer-garatada gaar ahaan, kuwa darsa dhaqaalaha ayaa waxay ku macnaynayaan qiimo korodhkan cuntada aduunka inay sabab u yihiin dhibaatooyin fara badan oo la soo darsay aduunkan aynu ku noolahay. sobobahaas waxa ka mid ah.
1-shidaalka oo qaali ku noqday gaadiidleyda taas oo keentay in gaadiidleyduna ay kordhiso qiimaha ay ku qaadaan xamuulka iyo alaabaha kala duwan
2-dhulkii hore looga beeri jiray bariiska iyo cuntooyinka kala duduwan ee la quuto oo dhamaantiis lagu beeray galey ka dib markii lasheegay in galeyda loo rogi karo shidaal(biofuel) .midaasina waxay keentay in lagu tartamo galey beerid oo la iska dhaafo cuntooyinkii kale
3-dhibaato deegaanka uga timid xaga cimilada aduunka oo xumaatay darteed bilihii ugu dambeeyay sida,baraf laxaad leh oo ka da”aya wadanka china iyo hawada oo kululaatay wadamada qaar sida AUSTRALIA oo kale.labadaas masiibana waxay dhib gaarsiiyeen dhul beereed aad u baaxad leh
4-dalabka cuntada ee wadamada hindiya iyo china oo sii kordhaysa ,iyada oo ay ugu wacan tahay tirada dadka oo sii kordhaysa iyo kobaca dhaqaale ee wadamadas gaadheen.
hadaba marka la isku soo xooriyo mushkiladahaas aan soo tilmanay iyo kuwa kale oo fara badan oo aan ka xusi karno nabadgalyo daro iyo siyaasad xumo kajirta wadamada qaarkood waxay qiimaha cuntada ka dhigayaan mid aan la goyn kari hadii ay sidaas ku sii socotan waxa keeni kartaa nabadgalyo xumo marka dambe sababta qax ,burbur iyo in qaran maanta jira in barito la waayo meel uu marey .qalalaasihii ugu dambeeyay oo aan xusuusan karo waxa uu ka dhacay wadama kaladuwan sida,HAITI, SENEGAL,SIMBABWI IYO kuwa fara badan. waxaan ku soo koobayaa maqaalkaygan hadii wax laga qaban waayo ama qorshe lala imaan waayo looga baxi karo mashaakilkan waxaan sugnaaba waa xeerkii kaynta oo soo laabta iyo in laguu dilo shaley baad qadaysay inta farahaaga laga ursado.
Yasin M. Geele (Obama)
SayliciPress Holland



