WAXAAN MAHAD GAARA U DIRAYNAYAA DHAMAAN GUDIYADII REER AWDAL EE SIDA HABSAMIDA LEH UGU GUNTADAY DHIBAATADII DHAWAAN KA DHACDAY AWDAL.
Anagoo ah reer ottawa soona dirnay lacag dhan afar iyo tobonkun oo dollar, waxaan aad ugu qanacsan nahay habka ay u maamuleen iyagoo si hagar la’aana u huray waqtigoogii iyo maalkoogiiba. Ninka maanta ka dabahadlaya ama dhaliil shegaya waxaan u aragnaa in uu yahay nin markiisa horeba rabay ku faraxsanaa dhibaatadda walaalihii ku dhacday rabina in umadaa dhibaataysan loo gurmado, waayo wuxuu ka xun yahay kuna noqotay arin layaableh lacag oo noqotay lacag ku dhow boqolkun oo dollar , noqotay lacagtii u horaeysay ee si wadajir ah dadka reer awdal gargaar ku bixiyaan.
Marlabaad waxaan hanbayo u diraynaa dhamaan gudiga maamushay lacagtii qyrbo joogu soo direen , waxaanan balan qaadaynaa hadaan reer ottawa nahay inaan kala soo xidhiidhno gudigaas waxkasta oo dhib ama horumar ah ee ay qabanayaan gobolka awdal.
Waxaanan mahad leh dhamaan jacliyada reer awdal ee suurta gelyey si hagar la,aana u huray maalkooda iyo waqtigooga si ay uga qeyb qaataan sidii wax looga qaban la,aan dhibaatada kadis leh e ka dhacday gobolkooda , waxaanan aad ugu faraxsanahay iyadoo noqotay tii ugu horeysay ee si wadajir ah qurbo joogu iyagoo isu duuban ku muujiyey wax qabadkooda ,kuna balan qaadeen in aysan noqon tii u horeysay una danbeysay, ee ay noqon doonto hadii eebe u saamaxo dhibkasta iyo horumar kasta in ay si wadajir ah wax u wada qabsan doonaan.
si gaara waxaan mahad ugu celinayaa dhamaan gudiyadii qaban qaabiyey ottawa oo hormood u ahaayeeyn howlwadeena ADO (AWDAL DEV ORG) oo si habsamileh howshaa u gutay.
Hadaan nahay reer ottawa hambalyo ayaan ini leenahay dhamaantayo.
hassan ali
ihassan8@hotmail.com
ottawa



