Qabiilada Lagu Sameeyay Cilmi Baadhista
Qab-qablayaasha kala qoqabay dadka ee maanta ka jirra Dalka badankoodu kaaraha ( Tanks ) Ethiopia ayuu midna horsocday midna daba socday Dalka cida laga xoreeyay iyo Cida loo xoreeyey midna lama yaqaano ?
Dadka qaarkoodna ma garanaayan waxa laysku haysto iyo halka laysla marayo. Hadaba Soomalida oo ka mida Qoomiyadaha lagu tiriyo kuwa ugu Deegaamada badan ee Geeska Africa oo dhulkuna ka badanyahay kuna coloobay Qabyaalad iyo Qabiil. waxaa lama huraan noqotay mar hadii Qabyaallada aan la dhaafayn in la xuso oo Cilmi baadhis lagu sameeyo Qabiilada.
Hadaba waxaan qiimaynaynaa Qabiilada iyo qaabka ay u kala duwanyihiin, Qabiiladii hore iyo kuwa maanta. Qabiiladii hore waxay dhalan jireen iyagoo Islaam ah oo Soomaliya waxayna ku kori jireen Dal jaceyl, Diin jaceyl iwm. Qabiilada maanta Jiraana waxay dhashaan ooy ay koraan oo waliba ay dhintaa iyagoo Qabyaalad ku faanaya oo u qushuucsan.
Hadii maanta uu qof dhinto waxaa la yiraahdaa Qof reer hebel ah ayaa dhintay oo lama yidhaahdo qof Islaam ah ama Soomaaliya ayaa dhintay
inta uuna qofku guursan waa nus ( badh ), marka qofku uu gursadana wuxuu noqdaa Reer ku soo biiray Reeraha. Waxaan la yiraahdaa Reerkii reer Hebel.
Qabiilkuna markuu kalidii joogo waa qabiil marka uu la bahoobo Qabiilada kalana waxay noqdaan Bulsho is bahaysatay oo loo yaqaan Ummad, sidaa darteed Soomaliya Gobanimada waxay qaadatay Soomaalidii oo wali Qabiil ah oon midoobin. Waxaana dhalatay Dawlad 1960kii oo Qabiil ku salaysan oo Reer baadiye ah. Waana halka sartu ka qudhuntay.
Qabiil kaliya oo ma manaafaacsaday Dalka ma jiro waxayna ku kala duwanyuhiin korsiinta iwm. waayo? qofna kuma korin somalinimo iyo wadaniyad, hadaba Qabiilada Qudhmuunkooda iyo Qudhunkooda aan qiimaynay waxay kala yihiin sidan:
Daarood: Wuxuu soo dhashaan Isagoo Somaliya wuxuuna koraa isagoo Dawlada wuxuuna dhintaa isagoo dambiile ah.
Waxaana Xaal ka raba Dawladnimo
Hawiye: Waxay soo dhashaan isagoo Somaliya, wuxuuna koraa isagoo dadaallaya, wuxuuna dhintaa isagoo waxba aan fahmin
Waxaana xaal ka raba Nabad & Hub
Isaaq: Waxay soo dhashaan isagoo Somaliya, wuxuu ku koraa Isaaqnimo, wuxuuna dhintaa isagoo hadlaya
Waxaana Xaal ka raba Hadal, Hubsiimo & Qabyaalad
Digil & Mirifle: Waxay soo dhashaan iyagoo Soomaliya, waxayna koraan iyagoo tabcanaya( muruqmal ah ) waxayna dhintaaan iyagoo tuugsanaya.
Waxaana Xaal ka raba wax soo saar
Gadabursi: Waxay soo dhashaan isagoo Somaliya, wuxuuna koraa isagoo wadaniya, wuuna dhintaa isagoo aan la fahmin wuxuu rabo
Waxaana xaal ka raba Aqoon
Madhibaan, Midgaan, Tumaal, Yixir, Jareer,Baajuun
Gabooye: Waxay soo dhashaan iyagoo Somaliya, waxayna koraan iyagoo dulman, waxayna dhintaan iyagoo islaama (muslim ) aakhirana aan Soomaali abaal u hayn.
Waxay xaal ka rabaan Soomali oo dhan
Dir-konfureed: Waxay soo dhashaan isagoo Soomaliya, waxay koraan iyagoo is cajabiyey, waxayna dhintaan iyagoo aan raysamaal haysan
Waxaa xaal ka raba Xoolo iyo Biyo
Cadcad, Reer Xamar, Barawaani, Shaashi, Gibillcad: Waxay soo dhashaan iyagoo xadaarad leh, waxayna koraan iyagoo Ajanabi isku haysta, waxayna dhintaan iyagoo is lugoynaya.
Waxaana xaal ka raba is dhexgal
Qabiilada Cusub: Amxaar iyo Tirgree: marka hore aan macnayno Amxaar: labo xaraf iyo weedh aan u ka dhigno.
AM = American + Xaar = Amxaar: Waxay soo dhashaan iyagoo Islaamka neceb, waxayna koraan iyagoo Soomali neceb, waxay dhintaan iyagoo is jecel.
Tigree: Wuxuu dhashaa isagoo Tuuga wuxuuna ku cayilaa Somaliland, Puntland, Gaajoland Daaduunland, Qabiilland, wuxuuna dhintaa isagoo Eritrea saamaxay.
Yaa Somali u maqan ?
Yaa u maqan Kilinka 5aad ?
Afeef: maan jeclayn inaan Qabiil ka hadlo, ee raali ahaada
Wakhtiga maanta lagu jiro ayay ka turjumaysaa
*********************************************************************
Fiiro gaar ah:
Dalkii Soomaliya ayaa Qabyaaladii ka dacwooday Xaalna ka raba Qabiilada Somaaliyeed.
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Holland



