OBAMA, madaxwayne reer Mareykan raadinayeen mudo badan balse waa hadii…..?
Mudo badan waxaa adkayd in wadanka ugu dhaqaalaha iyo awooda badan aduunkan aynu ku noolahay, dadyowga ku dhaqan inay maruun helaan madaxweyne katurjuma dhamaan baahidooda xag jinsi,xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xag nabadgelyo.
Arimahas oo mudo badan dalka iyo dadkaba kala qaybsanaan badey, tuhun iyo kala shaki badana kala dhexdhigay dadka kuwada dhaqan dalkaas ilaa hadana ay la il daran yihiin ayaad moodaa inuu soo dhowyahay madaxweyne aanay dadku horey u arag ama aan taariikhda mareykan soo marin intuu jirey wadanku.
BARAK XUSEEN OBAMA oo aad moodo inuu koobsaday waxyaabo badan oo dadka maraykan aaney marqura wada heli karin ayaa ah musharaxa ugu dhow doorashada xisbiga dimuquradiga dhexdiisa iyo tani guud ee dalka ka dhici doonta bisha november,ka dib markii uu duqdii hore CLINTON kaga adkaadey inta badan statesyada codkooda la qaaday halkaasna ku hantiyay DELEGATE ugu badan.
Inkasta oo HILLARY ku adkaysanayso inay dagaalka tartanka ay ku sii jiri doonto ilaa inta la gaarayo magacabida xisbigu magacabayo musharaxooda. Hadana waxaa iska cad inuu guusha ugu badan haysto barak, dadka badan oo xisbiga magac kulihina hillary kula talinayaan inay joojiso ololaheeda, waxaana ugu dambeeyay dadkaas duqa cusub eemagaalada NEW YORK oo ku tilmamay damaca HILLARY ee aqalka cad mid niyadjab ah(desperate).
Hadaba maxay dadka reer mareykan ku jecelyihiin BARAK?fikirkayga.
1-BARAK waa nin madow oo hooyo cadaani dhashay(diin ahaan ka soo jeeda aabo islaam ahaa sida ka muuqata magaciisa dhexe iyo hooyo christian ah.
2-waa nin aftahana ama yaqaan sida dadka loola hadlo ,waxaanay dadka mareykan kudoodaan inuu soo xasuusiyo hogaamiyayaal taariikh ku leh wadanka sida JOHN F.KENNEDY IYO MARTIN L. KING iyo kuwa badan oo kale, oo uu inta badana ereyo ka soo xigtaa.
3-waa nin aqoonsare u leh cilmiga sharciyada iyo maamulka.
4-waa nin aan jeclayn dagaalka, diblomaasiyadana ka doorbida iyo isfahanka ,waxaanu jecelyahay in lalahadlo cadowgaaga iyo sadiiqaagaba
5-waa nin jecel sida khudbadihiisa ka muuqata in uu isku soo dhaweeyo dadka mareykanka ah oo aad moodo inay kala fogyihiin xaga dhaqaalaha iyo nasiibyada kala duwan.
Hadaba hadii uu Barak ku guulaysto aqalka cad waxaa dadka reer mareykan ay daaha ka rogayaan taariikh cusub ,dimuquraadiyad dhab ah iyo is-ku-kalsooni dhextimaada qoomiyadaha kala duduwan ee ku wada dhaqan dalkaas.
Yassin m. Gelle
Holland



