Baaq ku socda dhammaan bulsha waynta reer awdal
“Umad waliba aayeheega inay [garato] kataliso iyadaa leh” Aniga oo ka dhaqaaqaya hadalkaas waxaan jeclaaday inay kahadlo arimaha gobolkayaga awdal aniga oo ku cabiraya qaab maansaysan.
Iyada oo ayna jirin cid aan ku weerarayo oon wax ugu dhimayo kaliya ay tahay waano iyo dhiiri galin aan xaq uleehay inaan usoo jeediyo dadka aan ka dhashay ee uu ilaahay iga beeray. Waanan ku faraxsanahay taas; qofkastana xil ayaa ka saaran dadkiisa iyo dadkiisa.
Maansadan waxaan sameeyay 20 bishan 5aad ee 2008. Hadaba hadii aan kamid ahay dadka suugaanta xiiseeya amaba isku daya inay wax curiyaan ayaan jeclaaday inaan maansadan aan ugu magaca daray Daaci qaran usoo gudbiyo bulsha waynta reer awdal. Maansadu kolay waa maanso dheer inaan faahfaahiyo macnaheega maahin muhiim waayo waa ereyo inila da’ah amaba aad inigu ka wayntihiin waxa aan ini dheer ahayna majiro aan idhaahdee. Waa luqada maxilaga looyaqaano ee kuwada hadashaan.
Waxa ay maansadu ku baxayso hadiiba ay dhacdo inay jiraan waxyabo macno ahaan wanaagsani waa in la’isdultaagaa. Dhammaan maansadu way ufurantahay dhalinta in lasii naaxnaaxiyo macnahana waxaa kujirta hadafka ah wax qabadka bulshada reer awdal markasta oo an usii dhaba galno dulucda maansadana inkabadan intii hore inaad dareemaysaan ayaan hubaa.
Akhriste danraadis maansadu waxay kakoobantahay 500 oo bayd lagayaabaa inaan hadalka badiyay; khalad iyo saxna waan u diyaarshay ; lagamana waayayo markaas inta wanaagsan ee runta waafaqsan dadkeena ayay anfacaysaa intakalana waa aniga iyo shaydaan waanad iga saamaxantihiin kolay hada wixii aan ini odhan lahaaba maansada ayaan ku idhi ood kaheli doontaa fahan wacan.
1-Waxaan ahay daaci qaran
2-Dadkaygoo waxan ku idhi
3-Salaam diib lagu rushiyo
4-Xariir lagu duubaybaan
5-Dushiinani saarayaa
6-Salaam diineedna weeyi
Asalaamu calaykuma waraxmatullaahi wabarakatuhu
7-Waxaan ahay daaci qaran
8-Dadkaygoow waxaan Ni, idhi
9-Halkii dani taala iyo
10-Dantaydu waxay itidhi
11-Dantiinu waxay utimid
12-Dantii loo wada socdaa
13-Dantii Dana ugu habboon
14-Markay dani toosan tahay
15-Dan raadis markuu ukaco
16-Dantiisa marku udhigo
17-Inuu danta qaran kadhigo
18-Dantii danihiisa.oo
19-Dantii wax taraysa, uun
20-Danteeda halagu tashado
21-Danays taha dayran dhaha
22-Waxaan ahay daaci qaran
23-Dadkaygoow waxaan Ni, idhi
24-Dunidu waa geed hadhkii
25-Ayaamaha doorka.ee
26-Dusheeda lasaaran yahay
27-Hadaan isku duubni, iyo
28-Danteena midayninoo
29-Hadaan tala la, isku darin
30-Miyay doqoniimo hayn?
31-Waxaa ahay daaci qaran
32-Dadkaygoow waxan ku idhi
33-Dabraayoow waxaan ku idhi
34-Dubaayoow waxaan ku idhi
35-Waxaan dumiyoow ku idhi
36-Waxaan kala dire ku idhi
37-Waxaan isku dire ku idhi
38-Waxaan isku Daye ku idhi
39Dantayadu waxay natidhi
40-Damiirku wuxuu nayidhi
41-Dalbooloow waxaan ku idhi
42-Dadkii wuu toosayoo
43-Da, dii way baraarugtoo
44-Warkii wuu daalacoo
45-Daruurtii way da, doo
46-Wakaa doogii bexee
47-Wakaa daaqiina arag
48-Daymada soo jiidayee
49-Dabaal deg wakaa dhecee
50-Durmaanada loo tumee
51-Ayaa noodiidi Kara?
52-Waxaan ahay daaci qaran
53-Dadkaygoow waxaan ku idhi
54-Danbaan udhawaaqayaa
55-Daliilbaan sheegayaa
56-Daweeyana waan ehee
57-Hadaan erey taa kudaro
58-Waxay tahay dooristeed
59-Waxay tahay duur xulkeed
60-Inay hawl daadsan tahay
61-Inay dayacmeen wax badan
62-Inay diirmeen wax badan
63-Intuu duufaanku helin
64-Dabayshu intay ku dhicin
65-Intuu daad qaada helin
66-Difaaca inaa lagalo
67-Maxaa lagu diidayaa?
68-Waxaan ahay daaci qaran
69-Dadkaygoo waxaan ku idhi
70Mar uun damqa.oo imaqal
71-Dhegtaada mar, uun kuduxi
72-Mar uun dikrigayga maqal
73-Dabuubta aan sheegayiyo
74-Dantayda mar uun ifahan
75-Mar.uun dulucdeeda eeg
76-Dusheeda mar, uun istaag
77-Dufkeeda mar uun dhadhami
78-Dareenka mar, uun bal kici
79-Dubkaaga qanjiidhiyoo
80-Maxaa daran yara su,aal
81-Maxaa duban yara su,aal
82-Maxaa dadan yara su,aal
83-Maxaa dilan yara su,aal
84-Maxaa noodana su, aal
85-Dalkayga anaa jeclaan
86-Miyay dood badan kataal?
87-Waxaan ahay daaci qaran
88-Dadkaygoow waxan nidhi
89-Dadkaaga ayaa umaqan?
90-Ayaa dugsiyada umaqan?
91-Miyay dawladi jirtaa?
92-Duruufta ayaa ka kaba?
93-Miyaad roob dahaba sugi?
94-Naftaydaa daalaniyo
95-Ninkii da,a lama dhibiyo
96-Anigu dumarbaan ahiyo
97-Maxaa la iga doonayaa
98-Danteena miyaan badnaa?
99-Waxaan ahay daaci qaran
100-Dadkaygoow waxaan nidhi
101-Dookhaagu ayuun ahaan
102-Inaad dibaduun jirteee
103-Dalkaad soodegi kartaa
104-Dal xiisbaad iman kartaa
105-Inaad daaraha dhistaan
106-Miyay gacma duub ay tahay?
107-Diyaarad hadaad ku iman
108-Halkeed soodegi markaa?
109-Miyaad damqanayn markaad
110-Dadkale meeshood kudegi?
111-Daryeelka inaa lagalo
112-Maxa lagu diidan yahay?
113-Waxaan ahay daaci qaran
114-Dadkaygoow waxaan nidhi
115-Dalkii wuu baahan yahay
116-Boorama way doorsan tahay
117-Degmooyin warkooda daa
118-Xasuus dib markaan ugalo
119-Waxbaa idubaaxiyoo
120-Darteedban u, ooyayaa
121-Dadkaygoow waxaan ni, idhi
122-Dariiq yadii booramana
123-Majiro daw qudhoo lamaro
124-Dalcadihii aad ogayd
125-Dhulkii tirridee darnaa
126-Dhagaxdii digantahaa
127-Siday daranyadu ahayd
128-Miyaad damqanayn markaad
129-Xasuus dib uraac tidhaa?
130-Inaan dekadaha xidhxidhan
131-Dib loosoo furo markale
132-Maxaa lagu diidan yahay?
133-Waxaan ahay daaci qarandad
134-Dadkaygoow waxaan Ni, idhi
135-Dir kiisoow waxaan ku idhi
136-Waxaan diiriye ku idhi
137-Kuwaa da, da sheegan iyo
138-Shabaabka da, dayda oow
139-Waxaan dumaroow ku idhi
140-Hal doolar miyay kudhibi?
141-Bishii adigoo kudara
142-Dadaalku miyuu kudhibi?
143-Dadoow kaca may kudhibi?
144-Waxaan ahay daaci qaran
145-Dadkaygoow waxaan Ni, idhi
146-Halkii dirhamee baxaa
147-Markuu dawgiisa maro
148-Markii daacadi timaad
149-Dalbaa lagu dhisi karaa
150-Daynbaa lagu bixin karaa
151-Dawaa lagu bixin karaa
152-Daryeelbay noqon kartaa
153-Dugsiyaa lagu dhisaa
154-Dalagaa lagu korshaa
155-Darkaa lagu dhaamiyaa
156-Durdurbaa lagu xidhaa
157-Bulshaa lagu daadahshaa
158-Ducaa lagu hanan karaa
159-Dayrbaa lagu dhisi karaa
160Buurbaa lagu dumin karaa
161-Markii laga dacad yahay
162-Waxaan ahay daaci qaran
163-Dadkaygoow waxaan Ni, idhi
164-Dantaan ku idhaan ku idhi
165-Aqoon dayax lagu tagiyo
166-Gartaa dooxa lagu hayana
167-Aduu daayinkay kubaray
168-Duruusta adaa udhiga
169-Cadaanka dadkaa ah iyo
170-Dubkaa nala nooc ahayn
171-Duleedkii booramiyo
172-Camuud darmadaa dhex taal
173-Diktooro hadaad tihiin
174-Ayaa inii diidi Kara?
175-Waxaan ahay daaci qaran
176-Dadkaygoow waxaan ku idhi
177-Istaaga bal meel dugsiya
178-Dalaayad bal qaata oo
179-Wixii dayacmee haligan
180-Diciifnimo keena wada
181-Dabraacyada nagu dhex jira
182-Inaan dib ujoojinana
183-Maxaa lagu diidan yahay?
184-Dadkaygoow gala dadaal
185-Dabshaanimo waan necbahay
186-Danteenaan doob u, ahay
187-Dadkaygoow gala dadaal
188-Waxaan ahay daaci qaran
189-Dadkaygoow waxaan ku idhi
190-Inaan kugu daalin hadal
191-Bal dooxo warkaan ku idhi
192-Bal eeg dariskaaga badan
193-Bal eeg dunidaa tagtayna
194-Bal eeg damacaaga ba,ay
195-Bal eeg duulaanka jira
196-Bal eeg doorkaaga maqan
197-Bal eeg raga duubtay madax
198-Bal eeg raga duurka galay
199-Sidaad udambayso eeg
200-Sidaad udayawday eeg
201-Sidaad doc u, eegi eegi
202-Siday dudadaadu tahay
203-Siday dasadaadu tahay
204-Sidaanad udaaran Karin
205-Iftiinka dushaada sudhan
206-Sidaad isku dayayso eeg
207-Sidaad isku diiran eeg
208-Halkuu qayrkaa ka degay
209-Sidaad uga dayrin eeg
210-Wixii lagu daamuree
211-Duliga keenaaya eeg
212-Ninkii kuu dawlisiyo
213-Ninkii danta wada bal eeg
214-Waxaan ahay daaci qaran
215-Dadkaygoow waxaan ku idhi
216-Halkaan udan leehay eeg
217-Bal deelaydayda fahan
218-Bal daanku gacanta saar
219-Daqiiqad isii walaal
220-Digniin kartidaada bixi
221-Dadaal waqtigaga gali
222-Dadbaa ceebtaa u, arkee
223-Ninkii taa diidanoow
224-Bal diinteenana ka, eeg
225-Waxaan ahay daaci qaran
226-Dadkaygoow waxaan ku idhi
227-Damiinka ninkaad kadhigi
228-Inuu kuu dihin yihiyo
229-Inuu kuu dabacsan yahay
230-Distoorkaa lagu xusaa
231-Dibloombaa lagu xidhaa
232-Haduu waan diiday dhaho
233-Maxaa daadajin kaxiga?
234-Maxaa in ladiro kaxiga?
235-Maxaa inladabo kaxiga?
236-Madiiqbuu nagu xakumi?
237-Dadbaa dheg qudhaatalee
238-Ogow daahir anuu ma odhan
239-Tusaale dulbay ahayd
240-Waxaan ahay daaci qaran
241-Dadkaygoow waxaan ku idhi
242-Hadaan danta loo dhaxmoon
243-Hadaan loo daadin dhidid
244-Hadaan daaradeed lagaran
245-Hadaan lagu deeqin lacag
246-Qabiilka hadaan ladayn
247-Hadaan dabarkii lajarin
248-Ayaa tahay aan ladayn
249-Hadaan ladabaaxin taa
250-Haduun dubeheegu jirin
251-Haduun dilaheedu jirin
252-Ayaa lagu daawan taa?
253-Waxaan ahay daaci qaran
254-Dadkaygoow waxaan ku idhi
255-Ninkaan tiisiisa daran
256-Ninkaan ka dabaalanayn
257-Haduu daadkaa la tago
258-Dardaaran muxuu ka tagay
259-Dadkiisa muxuu ka yidhi
260-Degtiisa maxaa ku raran
261-Waxaad doorkani tahaad
262-Dadkaaga ku biirisaa
263-Dabnuhu kugu hadal hayaan
264-Waxaan ahay daaci qaran
265-Dadkaygoow waxaan ku idhi
266-Dalkeenii anuu majiro
267-Inina darafbaad jirtaan
268-Daafyada qaarbaa fadhiya
269-Dareenku midbuuse yahay
270-Daljire waad wada tihiin
271-Daahbaase dhexdeena yaal
272-Nin duuduubaa rabnaa
273-Nin fura dunta baan rabnaa
274-Nin kala daadshaan rabnaa
275-Markaa dabadeed wanaag
276-Dadkoo isku duuban gabi
277-Samaanta kudaajiyoo
278-Ducada qaataan rabnaa
279-Waxaan ahay daaci qaran
280-Dadkaygoow waxaan ku idhi
281-Doobkiisoow waxaan ku idhi
282-Da, daydaay waxaan ku idhi
283-Ninkii dhegta duubayoow
284-Daloolka furbaan ku idhi
285-Kadaa gacantaan ku idhi
286-Ninkaa digdig laynayoow
287-Cagaha dejibaan ku idhi
288-Dadkana raacbaan ku idhi
289-Dukaanloow waxaan ku idhi
290-Dawaarloow waxaan ku idhi
291-Degmaaloow waxaan ku idhi
292-Dabiiboow waxaan ku idhi
293-Doobiiloow waxaan ku idhi
294-Dameerloow waxaan ku idhi
295-Dimloomloow waxaan ku idhi
296-Waxaan dibadgale ku idhi
297-Waxaan qurba dege ku idhi
298-Dalkii wuu baahan yahay
299-Dadkii wuu baahan yahay
300-Danbay Ina moodayaan
301-Waxbay naga doonayaan
302-Maxaan ugu diidaynaa
303-Majiro door naga banana
304-Majiro daraja aan wax tarin
305-Dadkood kicisa wax Tara
306-Dacwada ayaa waxtara
307-Murtidu waa danab ka dhaca
308-Dabnaha ruuxii udhaxa
309-Hadii aanan doolar hayn
310-Waxaan ahay daaci qaran
311-Waxaan ahay daaci qaran
312-Dadkaygoow waxaan ku idhi
313-Hal doonaan saaranahay
314-Badbaan dul sabaynaynaa
315-Hirbaan ka dulboodaynaa
316-Kuwii dusha fuushanaa
317-Haday biyahood udarin
318-Kuwii hoostuna damcaan
319-Daloolyar inay furtaan
320-Miyaan ladegayn dhamaan
321-Halaagu miyuun dambayn
322-Hadiise dagaal dhacoo
323-Kuwaa dabar lagu xidhana
324-Dadoow wuu hadhi badhkeen
325-Waxaan ahay daaci qaran
326-Dadkaygoow waxaan ku idhi
327-Dantaada garaan ku idhi
328-Dilaaci xagaan ku idhi
329-Ninkii xagal daaca wada
330-Ninkaan dambarkeed lahayn
331-Deeganka hashaa ku nool
332-Muxuu naga doonayaa
333-Muxuu isla duubayaa
334-Muxuu isku dayi rabaa
335-Maduul hurda buu arkaa
336-Maduud cidla.uu arkaa
337-Dadoow muu dhoohan yahay
338-Ma duhurbaa guri laxadi
339-Waxaan ahay daaci qaran
340-Dadkaygoow waxaan ku idhi
341-Doolaala fog baan wadaa
342-Ninkii dihinlaase garan
343-Midi dabcanlaa lasocon
344-Duqii fahmayaana wadi
345-Ninkii dulebaa xamili
346-Dugaaga ninbaa ka dhaban
347-Hooyaa duqsigana ka celin
348-Dilaalka anaa inkiri
349-Ninkii dar, allaah wadana
350-Doodayda anaa ufuri
351-Ninkii guushani kadida
352-Miyaan dugsanaa hadhkii?
353-Waxaan ahay daaci qaran
354-Dadkaygoow waxaan ku idhi
355-Intiinaa oodan raba
356-Intiinaa oodad raba
357-Intiinaa oo dal raba
358-Intiinaa oo dab Rabin
359-Diiwaankan hadaad sexeex
360-Hadaan wacadkeen kuduugno
361-Hadaan dalabtana kadhawrno
362-Hadaan dawgeeda qaadno
363-Hadii degdeg la isku raaco
365-Dayaanka hadii labaahsho
366-Dardaaran hadaan rumayno
367-Inaa dayaxaa lagaadhi
368-Inuu dhulka daayin nuuri
369-Tafiirtu inay kudaaqi
370-Damiinka anaa xambaari
371-Waxaan ahay daaci qaran
372-Dadkaygoow waxaan ku idhi
373-Maansadu ila durugtayoo
374-Qalbigu idigleeyayoo
375-Dhulkaa dari yeeshayoo
376-Cagtaa iidegila.oo
377-Fariinta madayni karo
378-Dabraac ma heshiinin wali
379 -Ninkii dawarsigu uyahay
380-Dabeecadna waan nacaa
381-Dulqaadkuse waa sad jira
382-Waxaan ahay daaci qaran
383-Dadkaygoow waxaan ku idhi
384-Da, laydii waan badshee
385-Daraandar wakaa dhecee
386-Halkay deelaydu taal
387-Dadkaygu halkay degaan
388-Dirkii ankasoo farcamay
389-Dixdii aay ku.oon bexeen
390-Degmooyinka saylacbaan
391-Dabkayga kasoo shitaa
392-Waxaan ahay daaci qaran
393-Dadkaygoow waxaan ku idhi
394-Tijaabi bal digasha rogo
395-Tijaabi bal deeqsinimo
396-Tijaabsha bal daanta kale
397-Tijaabsha bal taarka diran
398-Dhegayso bal diraha wada
399-Wuxuu kuu dirayo eeg
400-Siduu kuu dirayo eeg
401-Halkuu kuu dirayo eeg
402-Ka dooro xulkeeda wacan
403-Ka diida inteeda sunan
404-Nin diiday ogaalka fara
405-Inuu ninku diiday yahay
406-Waxaan ahay daaci qaran
407-Dadkaygoow waxaan ku idhi
408-Dalkaaga inaad hantido
409-Dacarbaa loo maraa
410-Kolwaa loo dibad baxaa
411-Durbaan kala daadsanee
412-Goormaan dulucdeed galnaa?
413-Goorman dar xumada nacnaa?
414-Goormaan isku diirsanaa?
415-Goormaan isku duba dhacnaa?
416-Goormaan isku dakhar dhaynaa?
417-Goormaan isku duur xulnaa?
418-Goormaan doca docaha iyo
419 -Goormaan dambigaa qabiil
420-Goormaan iska daynaynaa?
421-Goormaan dad walaala, oo
422-Ul iyo diirkeed nunoqon?
423-Waxaan ahay daci qaran
424-Dadkaygoow waxaan ku idhi
425-Dirkii reer awdaloow
426-Dirkeeda ninkaan ahoow
427-Dirkaa an tilmaamayoow
428-Dirkaa laga jeestayoow
429-Dirkaa laga seexdayoow
430-Dirkaa ihor muuqda.oow
431-Dir loo bogaybaan rabnaa
432-Dirkaagu inuu noqdee
433-Dirkiina hadaan kol ahay
434-Diroow kuma dayn karee
435-Diroow ma is kaashanaa?
436-Diroow ma, istiirsanaa?
437-Diroow ma balaadhsanaa?
438-Diroow darmadeena oo
439-Diroow wada hadal miyaan
440-Diroow midhihii cunaa?
441-Diroow waad wada degtaa
442-Diroow wad badantehee
443-Dirkii an ka beermayoow
444-Maxaa noodana diroow?
445-Sidee noodana diroow?
446-Halkee noodana diroow?
447-Waxaan ahay daaci qaran
448-Dadkaygoow waxaan ku idhi
449-Dhulkaaga dalag ku roon
450-Dushiisaa dhaqan kuroon
451-Darmaan indhaha kujecel
452-Diciifka ayaa kunaca
453-Wallee kuma daayo anuu
454-Darkaa Kama ooli karo
455-Abaar Kama dooran karo
456-Bulshooy Kama daahi karo
457-Waxaan ahay daaci qaran
458-Dadkaygoow waxaan ku idhi
459-Dadkaygoow waxaan ku idhi
460-Maxaa dudumada ku dhigay
461-Halkay dibiradu ka timid
462-Maxaa dingaraaro wacay
463-Sawka daalacay warkii
464-Dadkaagii wakaa ku raba
465-Darwiishku wakaa ukacay
466-Haweenku wakaa damqaday
467-Inaan dalaboow hanaan
468-Inaan dalaboow hubsiin
469-Inaan dalaboow habsami
470-Inaan dalaboow hirdoog
471-Inaan dalaboow hugeen
472-Inaan dalaboow hadhkaa
473-Inaan dalaboow lahelo
474-Ayaan dalaboow jeclaa
475-Degtaa waataan jeclaa
476-Waxaan ahay daaci qaran
477-Dadkaygoow waxaan ku idhi
478-Gegooyin diyaaradeed
479-Goormaan dekadaha furnaa?
480-Goormaan doonyaha xadhkaha
481-Maraakiib udaadinaa?
482-Ogow difikaalti maaha
483-Ogow darsi adagna maaha
484-Dudada naar olosha maaha
485-Culays lagu daalo maaha
486-Wax doolar qudhuun hayoo
487-Dadkuna isku raaco weeyi
489-Da, duna isku taagto weeyi
490-Dulqaad lagu darana weeyi
491-Adaa beel daajiyee
492-Allaw nagu deeq nimcada
494-alloow noodoor nimcada
495-alloow nooda rajada
496-alloow dafiraad ay dhicin
497-markaad naga dalabta shay
498-alloow dib ugurasho dhicin
499-alloow darbadaa nahelin
500-alloow isku duubni dhali
By: Abdifatax Dahir Cige
Cairo, EGYPT







