Mahadnaq ku Socda Maamulka Degmada Borama
Isdhiib iyo dhoof ma doono
qaxooti ku dhaadan maayo
anigu dhaqankayga fiican
wax aan cuno dhaafsan maayo!!! (Gandhle -Djibouti)
Mumin Gadid oo kaalin laxaadle ka qaatay sidii loo baraarujin lahaa dhalinta badaha isku qubtay. Mumin Gadid iyo guud ahaan gudida degaanka magaalada Borame oo qabtay kaalintii dawladnimo.
Dhamaan akhristayaasha SayliciPress ayaa muujiyey geesinimo iyo hawlkarnimo dheeraad ah iyagoo garab jooga markasta oo uu dhib lasoo darso shacabka dalka hooyo – iyo waliba da’yarta oo ah mustaqbalka dalka iyo dadkuba sugayo.
Dadka qaar waxay ku timaameen arinta ka taagan dhulkii hooyo mid ay siyaasiyiintu is eeg eegeyaan oo ayna runtii lahayn khibrad ama kalsooni ay ku muujiyaan inay waxka qaban karaan wixii kolba wadanka ka dhaca.
Ilo ku dhow mucaaridka iyo dawlada ayaa sheegay in dhabtii dawladnimo laga sugayo xaga galbeedka Somaliland oo mucaaridkan iyo muxaafidkan badhtamaha fadhiyaa ay u haystaan in dalka laga xakumo galbeedka oo ay is leeyihiin armay idinla yaabaan hadaad tidhaahdaan aan idin caawino.
Halka dadka horkaca kacdoonka isbadal ay aaminsanaayeen in dawladu fadhido Hargeysa oo ay dhaliilayeen.
Hadaba kaaf iyo kala dheeridan ka muuqata maamulka iyo mucaaridka iyo shacabka Somaliland ayaa soo shaac baxaya kolba marka arini lasoo daristo dadka shacabka ah. Markasta shacab wuxuu filaa in uu yeesho waxgarad iyo siyaasiyiin haga oo tusa dawga saxda ah.
“Shacabka Somaliland ayaa immika ahaan wax hagaya oo siyaasiyiintu waa shaqaale u shaqo tagay qoysaskooda gaarka ah” waxa hadalkaa cadeeyey Maxamed Ismaciil oo ah arday waxka barta dalka Canada:
Arintu ma’aha qabiil ama wax qorshaysan oo sidan aan u aragno ee aan moodayno inay wax u dhacayaan uma dhacayaan. Waa mucaarid iyo dawlad ku jira “Biitoy Biito – biitoy laabo” wax qorshaysan oo meel u yaala ma jiro. Xitaa hab qabiil haku shaqeeyee. Waa ciyaaartii caruurnimadii aan ciyaari jirnay maamul raba inuu umad ku horkaco.
Waxa maamulka ka daacad ah hadalkii madaxwaynaha kasoo yeedhay ee uu yidhi markii aan ka daalnay wadamadii aan ku noqnoqon jirnay ayaan is nidhi aan isku dayno inaan aadno xaga Afrikada. Qorshe iyo maareyn ayey umadaha qarbigu ku dhaafeen qayrkood – waxa aaminsan qof kasta oo inaga mid ah.
Waxa mudan in bulshadu ogaato inayna jirin wax u maqani oo ay iska samraan inta ilaahay faraj furayo. Waa talooyinka la’isku dhaafsado boga doodaha ee shabakadaha dalka maalmahan lasoo dhaafay.
Dadku waxay ka socdaan qalbiga; Shaqsiyada uu qofku leeyahay waa quwada siisa kalsoonida uu shacabkiisa kusoo hor-istaago oo uu la’qaybsado waxtar iyo waxyeelaba.
Baraarujinta maamulka degmada Borame ku dhaqaaqay ayaa ka qiimo badan waxkasta oo laga filayey maamul qaran oo hanta maaraynta bulshada. Aqoonyahanka qurbuhu wuxuu shacabka kula taliyey inay is diyaariyaan oo ay isku diyaariyaan jid dheer oo qodax badan.
Dalka hooyo iyo wadaninimadu waa sharaf aan marnaba la hilmaami karin. Wixiia ad ka qabsan kari waydo dalkaaga hooyo. Oo ah meesha qof kastaa ku garanayo ee magacaaga laguugu yeedho waa in da’yartu noqdaan kuwii nolol ka abaqaali lahaa. Hormoodka iyo ururada bulshaduna ay sii kordhiyaan waxtarka ay markasta rabaan inay wax u qabtaan dadkooda. Sidii maamulka degmada Borame kula taliyey dugsiyada ay booqdeen maalmaha dhow.
Waxaan marnaba la’ilaawi karin sida qurbo-jooga iyo dhamaan dadka dalkii joogaaba ay uga qayb galaan horumarka wadanka.
Iqra/Read laga soo bilaabo ilaa Ayado – qof kastaa wuxuu rabaa in uu wax qabto halka siyaasiyiinta shikiga laga qabaa uu isa soo tarayo. Barafkii galbeedka Somaliland ku dhacay ayaan ogayn sida maamulku uusan gacan uga gaysan – Maanta oo dhalintii dalkii ka yaacadan ayaan wali dawladu toosin.
Goorma ayaa la’is waydiinayaa oo uu maamulku arki dhibka umada haysta. Hadii laba musiibo ayna ahayn musiibo dawladu xitaa warbaahinta ka hadal qaado -
Ma’marka Ceerigaabo ilaa Saylac ay Heroshima u eekaato ayey toosi doonaan.
Markaana lama filayo inay maamulku heli doonaan cid ay maamulaan oo aan qabuuraha ka ahayn.
SayliciPress USA
Filed Under: News




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















