Warmurtiyeed Wada Jira, (Joint Communiqué) Oo Ay Soo Saareen Djibouti Iyo Somaliland
Hordhac:Safarka weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku yimid Caasimadda Dalka Djibouti, waxa ay la xidhiidhaa in ay u muujiyeen Xukuummadda iyo Shacbiga Dalka Djibouti in ay la garab taagan yihiin, hiil iyo hoo-ba.
Is xog warraysi iyo wada tashi dheer ka dib, waxay labada dhinac isla qaateen qodobada hoos ku xusan:
1. Waxay si wada jir ah u cambaaraynayaan duulaanka qaawan ee gardarrada ah ee Xukuumadda Ereteriya ku soo qaaday Xuduudaha Djibouti.
2. Waxa ay si wada jir ah ugu baaqayaan Labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti, in Xukuumadda Ereteriya si deg deg ah u joojiso collaadda ay ka dhex hurinayso labada shacab ee derisk ah (Djibouti & Eretria) iyo Gobolka guud ahaan.
3. Iyadoo ay Gobolka soo daashadeen colaado iyo dagaalo sokeeye oo illaa manta aan damin, looma baahna in dagaalo iyo colaado loo geysto Djibouti oo nasiib wanaag hore uga badbaaday Colaadaha naafeeyay Gobolka. Taas oo ay masuuliyadeedu gaar ku tahay Ereteriya
4. Labada dhinac waxay isla qaateen in dar dar hor leh la galiyo xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah dhinacyada:
a) Dhaqan-dhaqaale iyo Ganacsi,
b) Nabadgelyada iyo Difaaca (gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, Arrimaha qaxoontiga iyo isu socodka).
c) Siyaasadda.
5. Si loo fuliyo arrimahaa kor ku xusan, waxa la isla qaatay:
a). In dib loo hawlgeliyo guddigii wadajirka ahaa ee heerka Wasiir ahaa.
Kullanka ugu horreeyana uu ka dhaco Djibouti bisha October 2008.
b) Xidhiidhinta Guddigaasi, waxa loo xilsaaray sidii ay horeba u aheyd labada Wasiir e Arrimaha Gudaha ee labada dhinac.
c). In dib loo hawlgeliyo Xafiisyadii Xidhiidhinta labada dhinac sida ugu dhakhso badan.
Allaa Mahad Leh D
Djibouti, le 24 Juin 2008
Cali Cilmi Geelle
Afhayeenka Wefdiga ,
Ahna Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland
Filed Under: News




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















