Gabaygii calanka ee Timocade: Kaana Siib kana Saar!
Gabaygii Macnaha way ku fadhiyey ee raadka maguuraanka ah kaga tagay Soomaali oo qaran noqotay halkan ka akhri. Waxaad ka dareemaysaa kalgacaylka uu Timocade u qabay dalka hooyo 1960 - Kalmadihiisa ugu mudan waxa ka mid ah “Nimankii na siraayey ee - Waax-waax noo kala saartayee; Solonaayey Cadkeena ….Surwaalkii ka yaraaday”
Waxa kale oo Timocade intaa ku daray: Sida uu gumaystuhu uu dalka ugu raaxaysanaayey ee uu u lahaa shaqaale tirada ka badan. Waxaadse moodaa in halkii lixdankii Soomaaliyi joogtay ayna wali soo dhaafin. Qabiil ayaa wali la’isku cunayaa; Bundiqu sidiisii ayuu u socdaa; Qaar inaga mid ah ayaa gumaystaha u adeega oo walaalkii dooxa.
Halkan ka dhegayso Timacade (AUN)
Kalmadaha qaar ayaan sida ugu dhow ee aan u malaynay u dhignay; hadii aad qabato kalmado khaldan fadlan qaybta “comment-ka” ku dhaaf. Kalmado aan qaban kari waynay ayaa jira - qofkii garanaya fadlan kuwaana noo iftiimi. Waxaanad moodaa kalmadaha qaar in abwaanku si ugu dhawaaqayo laakiin qoraal ahaan sida saxda ah ayaan u qornay ee aan moodnay inay tahay.
Gabaygii Kaana siib kana saar - “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan - calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan.
Indhawaydba waataan
Salalaysay arladaydiiyee
Ma samaynin maansooyinkii aan
Saayidka u helaye
[Saankuleer?] ayaamahan ma bixin
soonfur dabadeede
subucii dhamaadaba
marbaan saari jiray luuqad
sidde la qabsaduu leeyahay
iyo subucyo dhaadheere
labadaba markuu seego
wayga sirgacantaaye
Aan sameeyo maansadii
[dixdeey sidatay rabii]?
Anigoo Sabi ah oo
Sita leeb iyo qaanso
[Oo sideedo iskucaano]?
Sabad reer ka fogaaninoon
la’ii aaminin soofkiyo
saacan maanta aan joogno
gabaygu wuygu sugnaa-yoo
suxufiinta dhawaaqdana
anigow ugu sareeyo -e
Hadii aan sixi waayo
aa - ama aan sarsariigo
ama aan sarma seejo
ama aan ka salguuro
ama laygu saluugo
saamiciinta maqlaysaay
isu’aalo hadhowto - ee ee….
Ilaahaan waxba seegine
subuciisa quraankiyo
sabaxooyin ku sheegayoo
saciira iyo naciima
rabigii kala seerayow
marka suurtu dhawaaqdo e
lasoo saaro makhluuqa
shaqiga iyo saciidka
maalintaad kala soocdo
danbigaanu samaynay
rabigayow naga saamax ee ee….ya
Subciyoo ka dukeeyeye
sowt kaleetona waayoo
Soomaaloo calan taagta
Saakaa inoogu horaysoo
Iinsiga inaad tihiiniyo
Inkalaana saxaynine
Sadex wiik iyo maalmo
Hadaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sari mayso naftayda e
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana siib Kanna Saar
Ka’ sideetan Sabaano
Calankaanu sugaynay
een sahankiisa ahaynow
Sermawaydo hilaacdayoo
sagal maanta daroorayoo
siigadii naga maydhayoo
Saqdhaxaanu ahayne
kii soosaaray cadceedow
samada ki u eekaayee
Xidig-gam isa siiyayow
Saaxirkii Kala guuraye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana siib Kanna Saar
Saalixiinta Islaamko
Sirta kay ku arkeenoow
Saahidiinta quraanka
Subcisaa jimcayaashiyo
Sibhantiyo haweenku
Calankeey Sahadsheenoow
Cidina kaanay na siinine
Saatir noogu yaboohayoow
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana siib Kanna Saar
Kaana siib Kanna Saar
Sanku neefle dhamaantii
Khalqiga kii u siinaaye
Mid saaxiib la’ahaynoow
Mid saaxiib la’ahaynoow
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
Kii saciida la keenayoow
Samadu kay ku xidhnaydoow
Salaankii (…..Unknown -masheegi karno)
Sayruukhii afrikaadoow
Siraadkii na’ iftiinshaye
Soomaaloo dhan xoreeyayoow
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
Faralka iyo sunaha
Wixii diinta ku Sahabsan
Isna kii sadexeeyayoow
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
Kii gumaysiga saaraye
isticmaarkii sumeeyaye
seedihii kogsanaa -iyo
Seetadii naga gooyayoow
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
Soomaaloo is cunaysa oo
Isa seegan dhamaanoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysku Cabaystiyo
Hadba soof la xanbaariyo
Sareecyo dami waydiyo
Kii laydhiisu na saaqdaye
Kii safeeyey qabaa-ile
Saf walaalo ka yeelayoow
Saaxirkii Kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
Nimankii na siraayeye
Waax-waax noo kala saaftaye
Solonaayey cadkeena
Inagoo dhexda suunku
Sabarkeena qarqooray
Kii sadkeena cunaayey
Sarartiisa ka muuqdaye
Surwaalkii ka yaraadaye
daaro loo sibidheeyiyo
Sariiraha lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo
Mid baabuurka safeeyiyo
sagaal booyd iyo kuug iyo
Aayad saarta caruurtiyo
Waliba seeska uu lahaa
Sabanka uu labayoow
Saaxirkii kala guurnaye
Sareeyow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eego ee
Kaana Siib Kanna Saar
Sawjada qofka qaataye
Intuu soodhka ka taagay
Uu diyaarad Salaantiyo
Saraakiisha amraysa
Sifiihii isticmaarka
ka siyaadiya maanta
Sibilkeenan agjoogoow
Sibirtiisa istaaga
Ninwalbaa sigib beelo
Sare u taaga gacmahoo
Sacabka isu garaaca oo
Nin walbaa sadex goor
Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow
SayliciPress - Suugaan
Source: Codka waxaan ku xidhnay - hoygasuugaanta



