Hanbalyo: Jamhuuriyada Djibouti!!! 27 June 2008
Dabaaldega maalinta snadguurada jamhuuriyada Djibouti oo si wayn looga xusay magaalooyin badan oo dalalka qurbaha oo ay ugu badan yihiin shacabka kasoo jeeda Djibouti. Waxaana la’isku diyaarinayaa xaflad lagu xusayo sanadguurada habeenka caawa - habeenka wayn ee jamhuuriyada jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumaystihii faransiiska.
Waxa la filayaa inay kasoo qayb galaan bulsho aad u badan oo iskugu jirta reer Djibouti iyo taageerayaashooda aadka ugu faraxsan in Djibouti ay noqotay isha ka iftiinta geeska Africa.
Waxaana Djibouti amaanta ugu wacan. Jabuuti oo uu hogaaminayo hogaamiye u heelan sidii uu Jabuuti kor ugu qaadi lahaa ee ay ula tartami lahayd wadamada gacanka carabta ee ilaahay ku manaystay hantida dabeeciga ah.
Wadanka Jabuuti oo gacan qabad faro badan u fidisa walaalaha ay xuduuda ka leeyihiin dhinaca Bari ee Awdal.
Labada qoomiyadood oo aad iskugu dhow oo runtii ah dad isku mid ah ayaa marar badan soo kala dhex galeen dagaalo aan micno badan ku fadhiyini; Imikase waa laga bogsaday oo dadku walaalo.
Shacabka reer Djibouti oo u badan dad daacad ah oo aan marnaba iloobin garabkii umada Soomaalidu siisay markii ay u halgamayeen xornimadoodii.
Hanbalyo - Republic of Djibouti - Viva la Djibouti
SayliciPress


