Jaaliyada reer Djibouti ee Canada oo xustan maalinta calanka
31 guurada maalintii umada reer Djibouti iska dul qaadeen heeryadii gumaysiga ayaa maanta laga xusay wadanka Canada. Halkaas waxa iskugu yimid dhalinyar, waxgarad iyo hooyooyin u dabaaldegaya maalinta qiimaha mudan.
Xaflada waxa la maray talaabooyinka caadada u ah reer Djibouti oo reer Awdalna ay garab taagan yihiin iyo dhamaan jaaliyada soomaalida oo dhan.
Calankii ayaa la saaray kadibna halkaan waxa lagu ciyaaray wilwile iyo ciyaarta caanka ah ee Sayliciga.
Xafladii waxay kusoo gabagabowday farxad iyo raynrayn ka muuqata wajiyada bulshada reer jabuuti iyo walaalhooga dariska la’ah.
SayliciPress Canada





