What Makes You Feel Somali? Maxaa Kaa Dhiga Soomaali?
Barnaamijyada ay dalka Canada Radio-ga ugu afka dheeri umada waydiinaayey ayaa ahayd; Maxaa Kaa Dhiga Canadian? Waxay ka hadlayeen waxyaalaha aad tabto marka aad dalka dibada uga dhoofto ee marlabaad kusoo noqoto adigoo soo arkay umado kale, dalal kale iyo hab nololeed kale.
Hadaba Hadii aad u dhalatay Somaliland ama Soomaliya ama Djibouti - Dhalashadaadu waa Soomaali iyo Djiboutian (Reer Jabuuti).
Maxaa kaa dhiga Somalilander (Somali)? Waxa dadka qaar ka dhiga dagaalkii sokeeye sida ururkii beesha dhexe u dagaalamayey ee SNM iyo cadho ay u qabaan Soomaali waynta -halka dadka beelaha darifyada ay Somaliland ku diidaan dagaalkii sokeeye iyo ururka SNM oo ay iyaguna aaminsan yihiin in Somali Democratic Allaince (SDA) iyo USP ay yihiin sobobta ay u dareemaan Soomaalinimo.
Hadaba dalka Canada tusaale ahaan waxa dadka soo galay ka dhiga Canadian - nabada, hadii ay wacaan 911 waxay helaan jawaab iyo caawin ay u fidayaan ciidanka amnigu, guryahooda cidi kuma soo weerarto, beero la’iskuma haysto, Halka dadka dhalasho ahaan ku dhashay dalkan Canada ay wadaniyada ku muujiyaan heesta calanka (O! Canada, ama Forever Maple Leaf), Tim Hortons (maqaaxida shaaha ee ugu caansan), Canadian Tire (tukaan qalabka iibiya), iyo sida dadka qaar sheegeen radio-ga CBC oo dha’dhan gaar ah u leh dadka qaar. Dhinaca maraykanka Walmart iyo StarBucks Coffee (National Icon).
Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa ka dhiga dadka reer Somaliland - Soomaali u dhalatay Somaliland?
Adigoon indho gaar ah ku eegayn dhabtii ma’jiraan wax ka’ baxsan dagaalka iyo nacaybka umada dhexyaala iyo cadhada ay isku qabaan midba midka kale. waraabaahintu ma’ bisla’ oo aad ayey u kala qaybsan tahay dhinac walba.
Awdal oo kaliya ayaa dhawr waji isku hor fadhida - dadka wax soo qora ayaa aad u kala qaybsan. Sidee ayaa loo heli karaa wadan jacayl run ah oo ku salaysan wax-qabad iyo run arag - How to achieve a real Somali or Somaliland Patriotism based on true love for the land?
Waa in la’ helaa siyaasiyiin iyo fikrado fayoob oo umada ka saara mugdigan iyo jahligan ku habsaday. Waa in dhaxalkii dagaalkii sokeeya sida jabhada ubadka laynaayey lagu faanin oo laga faano. waxa jirtay maalin uu abwaanka Gaariye BBC somaliga ka shegaayey inuu ka mid ahaa dhaqdhaqaaqii SNM - dhabtii waa shay laga xishoodo oo dhabtii dadka aqoonta leh ee caafimaadka qabaa ay ka faanaan inay muujiyaan inay kasoo qayb galeen dilkii shacabka soomaaliyeed. Siyaasigu waxa laga yaabaa inuu dadkiisa taageero kaga helayo laakiin abwaanku waa inuu noqdaa mid caafimaad qaba.
Hoos u dhaadhac: Reer Awdal waxa kaa dhiga reer Adal - dhigta boorame, seeraha, buuraha EELO, Libaaxlay, Maar-mar, Libaaxley, Madax-dadleey, Siimoodi, Aloog, Xeebta Saylac, Lughaya oo ay bada iyo cawskii is hayaan, Carada cas (red soil) ee Baki leedahay, Gabiley iyo cawskii Caada ka baxaayey, Beeraha Wajaale, Cali xaydh iyo biyihii waraqii dhigta. Banka Giriyaad oo subax hore qoraxdu soo baxayso;
Photo - Saylac, Awdal -Banka Giriyaad
Ugu dabayn dhegaysiga heesaaha afsoomaaliga ah oo runtii ah arinta kaliya ee midaysa bulshada soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yihiinba Somaliland, Somaliya, Djibouti, Ogaden, NFD - sida khadra daahir iyo qaraamiga; Hibo nuura - Samatar (Beledwayn), Amina Cabdilahi Xirsi (Wiishbay ila sare Tagay)…. Iyo Fanaaniin badan oo qaali ah:
Khadra: Jacaylkaygii Borame kii bulaale iyo Herer -
Berberiyo Hargeysaa - kii Banaadir igu Helayeey!Hibo: Gu’gay waa yaryee
Gabow haygu ridineey
Ruxa gala abaal
Marbaa loo gudaa
sida gacal labaa -
Aan is garabsanee!!! Hibo -nuuraAmiina Cabdilahi: Wiishbay ila sare tagay
Waxba hay dabiibinaa wadka aan is aragnee
Caashaqu wadaad ma leh …!Samatar: Sidii Bare yarow rooob
Bidha waaga subaxdiii
Badda kaaga soo kacay
Burco iyo banaan hawd
Boosaaso iyo Bari
Boramiyo Hargeysiyo
Beerihii WajaaliyooXamar baalaheediyo
meel baadle ku onkoday
Baryaan kala maqnaynoo waan idiin basaasee
Bulshoyahay ma nabadbaa?
Hadaba Waxaan rajaynaynaa kadib maalinta Canada ay u dabaaldegto calka iyo maalinta Kow-da Luulyo ee Soomaalidu xusto ayaa isku beegma sidaasi darteed ayey Radio-CBC Canada uu dhegeysatayaashooda u waydiinaayeen - maxaa ka dhiga inay yihiin Canadian! We all hope that we will have peaceful and prosperous country oneday.
Sawiradii ugu danbeeyey ee markii xulka Jarmalku ay gacan qaadayeen haweenayda dalkaa imika ka talisa iyo boqortooyada iyo prime-ministerka Spain ayaa dad badan oo kubada daawanyey ay aad uga qiiroodeen - sida umada soomaaliyeed ay cidlada u taagan yihiin mudada aadka u dheer - iyo sharafta uu qaranku lee yahay;
16 wadan oo lahaa “16 nations with the same goal = to win” inaguna kun lafood oo u tartamaya sidii midba midka kale u dumin lahaa.
SayliciPress - Patriotism is in our blood!



