Gobolada Rayale Magacaabay Weli Hawshoodu Way Dhiman Tahay
Gobalada 13ka kor u dhaafay ee maamulka Dahir Rayale lafo hooseedka hadyada uga dhigeen “weli hawshoodu ma’dhawa” Waxa hadalkaa noo cadeeyey masuul ka tirsan maamulka gobolka Awdal oo ka gaabsaday magaciisa in la cadeeyo.
Masuulku wuxuu noo sheegay in la sugayo mudo sanad ah in marka hore goloha wakiiladu ansixiyaan in gobolada la aqbalo; marka ay u codeeyaan ayaa gobolada maamul loo sameynayaa ayuu noo sheegay. waxa kale oo uu intaa ku daray in ay qaadan doonto mudo sanad gaadhaysa. Sidii maamulka Rayale sheegay goboladani kuma jiraan doorashada imika inagu soo foodle hadana waa shay uu Rayale ku gorgortamaayo oo uu rabo in cod lagu siiyo - ayuu sheegay masuulku.
Waxa kale oo wararku sheegayaan in tirokoobti la bilaabi doono bisha Ramadan ee inagu soo foodle leh iyadoo la rajaynaayo inay ku dhamaato si aan turxaan lahayn si dalku uu ugu tooso dayactirka iyo waxwadqabsi. Waxay dawladu ku guulaysatay in bulshada ay ku daaliso doorasho marba dib loo dhigayo arintaasina waxay keentay in dad badan oo umada wax u qaban lahaa ay sii jeestaan ayuu masuulku hadalkiisii kusoo gunaanaday.
SayliciPress Borama



