Holland iyo Daraasad Lagu Sameeyey Arimaha Bulshada

Waxaa la ogaaday in (40%) 100-kiiba 40 baabuurta safarada loo isticmaalo ayna ahayn kuwa lagu shaqo tago – baabuurtaas oo ay inya badan HAWEENKU marka laga reebo gaadiidka dadweynaha iyo baaskiilada, sida ay shaacisay “The Social and Cultural Planning Office of the Netherlands (SCP)”  oo ah urur dawlada u qaabilsan arimaha bulshada.

waxa kale oo la ogaadey in dadka DUTCH ah ee kuxiran wadanka dibadiisa inta badan xarigoodu la xiriiro DRUG ama maandooriye lagu qabtay iyadoo dadka lahayaa gaarayaan ilaa 2194 qof ayaa 100kii 80 yihiin dad doroogo lagu hayo sida ay warisay wakaalada wararka ee ANP. Tirada dadkaas oo sii kordhaysa marka la agdhigo wadamada kale ee yurub sida UK, GERMANY IYO FRANCE.

Hadaba dadka soomaaliyeed ee kuxirxiran jeelasha dibada iyagana waxaa lagu haystaa isticmaalka baasaboor qofkale, wadamo badan oo farahiisa laga helo iyo walaashii  ama walaalkeed oo xaaskiisa/keeda mataleysa ama matalaya.

Waxa hadana taas dheer dhulkii hooyo oo imika ahaan ay ka socoto tahriib xoog leh oo dhulkii laga yaacay rajo la’aan darteed. Mana jirto urur dawli ah oo sida Yurub ama wadamada hore u maray u qaabilsan in baadhitaan lagu sameeyo ama la xaliyo waxa keenay rajo la’aanatn aan is badalayn ee umada haleeshay.

Yassin Meraneh

Holland
 

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.