Dad Ku Dhintay Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay Hargeysa
Hargeysa-(SP)-Labo Qof ayaa ku dhintay 6 kalena waa ku dhaawacmeen mudaharaadkii maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa, dhimashada Labadan Marxuum ayaa waxa sabobay ka dib markii ay ku dhacday rasaastii ay ridayeen Ciidamada Booliisku agagaarka Xaafadaha Calaamadaha ee magaalada Hargeysa.
Dhanka kale Lixda qof ee dhaawaca ah ayaa waxa loola cararay Cusbitaalada Manhal iyo Kan guud ee magaalada Hargeysa, ma jiraan warar intaasi dheer oo faah faahin ka bixinaya sida ay wax u dhaceen.
Xiisadii uu ka tagay Mudaharaadkii Maanta barqadii soo bilaabmay ayaa waxa ay tahay mid siyaabo kala duwan ugu fiday Magaalada Hargeysa guud ahaana magaalada waxaa dhex ceegaga Ciidamada Booliiska oo taageero ka helaya Ciimada Millatariga isla markaana ay ujeedadoodu tahay inay Amniga iyo kala dambayntii sideedii ku soo celiyaan.
Mudaharaadkan maanta dhacay ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd mudaharaadayaasha oo diidanaa in Riig ceel ka qodayay agagaarka Masalaha loo qaado Magaalada Borama si uu shaqo ku meel gaadh halkaasi uga soo qabto.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Xigasho: Lughayanews-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com







