Tahriibta Libiya iyo tahriibtii Yemen ee maamulka Puntland xidhiidhka ka dhexeeya (investigative report)
Waxaan ognahay dhawaan dhiiladii muragada laheyd oo dhalinyaro reer Soomaliland oo ku waayey naftoodii tahriib badda ah oo ka dhacday xeebta liibiya iyo talyaaniga u dhaxaysaa waxay ka mid aheyd falal dambiyeed ay geysteen kuwa ku shaqeysta Tahriibta oo ka soo bilaabmay Maamulka Puntland sanado ka hor. Waxan ognahay tahriibta Yamen oo dad badan oo somali iyo ethiopan ay naftooda ku waayeen in laga fulin jiray Gobolka Puntland. waxay arintaasi ay gaadhay heer caalami ah tasoo ay dad shishheya ahi ay isku dayeen badhitaan ku saabsan arinkaas cidda ku lug inay ogaaden .waxan ka mid ahaa weriye Faransiis ah oo arintaa baadhis ku hayey in lagu Afduubo Bunland inkastoo ciidamada Mariinka Faransiisku ay markii danbe xoog ku soo furteen.
Danbiilayaashii lagu qabtay falkaas Afduubka oo la horkeenay maxkamad ku taal dalka faransiisku waxay qirteen inay falkan ay xukuumadda Puntland ay lug weyn ku laheyd oo ay iyagu maamul ahaan ay fulin jireen. Tasina waxay keentay inay xukuumaddu ay eedeymahaa iska difaaci kari waayeen balse ay ku eedeyso sarakiil iyo wasiiro ka mid maamulkaas oo iscasila qaarna xukunka laga eryo.taasi waxay keentay inay istaagto tahriibtii Yemen iyo Puntland.Waa guul wax ku ool ah inkastoo ay kumaanan dad somaliyeed oo ku qudh baxay falkaas aadaminda ka baxsan aan la soo celinkareyn.
Haddaba waxtigan xaadirka waxan ku baraarugnay Tahriib kale oo muddaba ka socotay Liibiya iyo Talyaaniga oo dadbadan oo somali ah ay ku nafwaaueen oo ay ugu danbeysay dhiiladii ay inka badan 20 dhalinyaro ah oo reer Awdali ay ku nafwaayeen.hadaaba waxa soo baxaya Warar lagu kalsoonyahay oo laga soo xigtay ku geeriyootay ehelkoodii iyo intii ka badbaday iyo inta sugeysa tahriibtaas oo sheegaya warar laga argagaxo . warar sirta ee aan helay waxa ka mid in Safaaradda somalida ee liibiya ay arintan lug weyn ku leedahay sidii Puntland oo kale oo ay iyagy ka baayacmushtareeyaan tahriibta liibiya .waxa la ii sheegay in xidhiidh toos ahi uu ka dheexeeya tahriibtii Buntland iyo Yemen iyo tan Liibiya iyo Talyaaniga.
Wax la ii sheegay in dadka safaaradda soomaliya ay yihiin dad ka soo jeeda Buntland oo xidhiidh toos ah la leh Puntland. Kuwaas oo is ka kaashada fulinta falal danbeeydka ay ummadda somaliyeed ay ka galayaan sida Tahriibta iyo budhcad badeeda (somali pirates). Waxa kaloo la ii sheegay in dhiilintii intii ka badbaaday ay qof walba ay weydiisteen lacag madax furasho oo dhan qofkiiba $1000 si ay jeelka uga badbadiyaan iyagoo iska dhagaya inay dawladda liibiya ay lacagta siinayaan. Taaso aanay jirin inay liibiya dadka lacag madaxfurasho ka qaadeyso.
Waxa intaa dheer inta sugeysa dhoofka oo ay iyagu waa Safaaradda eh ay doonyaha lacag intay ka ururiyaan tahriibayaasaha ay usoo iibiyaan ka dib ay badda dhigaan. Waxa kaloo jirta inta sugeysa inay guryo ukireeyeen oo ay lacag ka qaadaan noloshooda kiradooda iyo badbaadadooda. Waxa kaloo la ii sheegay inay qofkiiba lacag madax furasho ka qaadan oo ay yiraahdaan Poliiska ayaan siineynaa oo qofkiiba ugu yaraan sadex jeer poliiska loo dhiibo lagana soo daayo oo ku kacda markiiba $1000. Waxa aan shaki ku jirin in poliska liibiya la baray musuqmaasuqa safaaraduna ay ka dhex bayaacmushtareyso. Waxa la ii sheegay inaan lacagaha la diray qofkana la qorin qofka soo direyna lagu qorin ee lagu hagaajiyo wakiil jooga Suudan si loo raad gado Dabagal iyo badhitaan lagu ogaado cidda lacagta qaadata oo ah masuliyiin ka tirsan safaardaa soomalida. Waxa soo dhan waxa ka daran in walidiintii la xidhiidhay safaaradda oo weydiistay in caruurtoodii la soo celiyo loo sheegay in aanay taasi dhici kareynin iyadoo loo soo faray caruurtoodii oo anay dooneynin inay waalidka si toos ah ula xidhiidhaan safaaraddu.
Waxa kaliya ee loo sheegay caruurta ama tahriibayaasha inay u furantay oo kaliya badda oo ay taas uun ka caawinkarayaan kolba intii udiyaar ah. inta kale ay ehelkooda soo bixiyaan kharasha guryaha masriifta iyo hawlfududeynta dhinaca amaanka oo ay safaaraduu masuulka ka tahay. inta ay udiyaar garoobayaan safarka badda.isku soo wada xoori waa habkii Puntland waxa ka socda liibiya iyo safaaradda soomali iyo tahriibayaasha.
Maxaa looga baahanyahay walidiintii tahriibayaasha ee reer Soomaliland.
1-inay la xidhidhaan xukuumadda Soomaliland gaar ahaan wasaaradda arimaha didadda oo ay usheegaan
in caruurtoodii ay hostage u yihiin budhcadda safaaradda empagheti ee liibiya.
2- In ay dalbadaan ayagoo magacyadooda qoraya inta nool in ayagoo bad qaba laga badbadiyo budhcadda oo lagu celiyo wadankoodii Somaliland.
3-inta dibada ku nool in ehelkoodu ay la xidhidhaan sidoo kale wakiilada Soomaliland ujooga dibadaha oo ay gadhsiiyaan arinkaas iyo xaaldda caruurtoodii ku sugan tahay.
4- inay dalbadaan in baddhis wada jir ah lagu sameeyo cidda falkan geysatay oo ay safaaraddu kow ka tahay oo arinka laga gaaddhsiiyo dawladda liibiya iyo ururka midowga yurubsi falkas aanu dib udhicin sidii Buntland.
5-in waalidku caruurtooda usheego ujeedad tahriibta oo ah fal dambiyed cidkale ka fadeysaneyso sidii ay ujoojin lahaayeen.
Khadar Dahir







