Shirka Lagu Qabanaayo Toronto, Canada Si-Buuxda Ayaan u Tageerayaa - Harowo Magacayga Ha’ka Saraan Qoraalka Beenta Ah
Asalaamu calaykum waraxmatulahi wa barkatahuu: Wuxuu ilahaay amaanay sadex kulan ama shir oo la’iskugu yimaado; kuwaas oo kala ah:
1) in la faro dadka wixii khayr ah oo xumaanta laga reebo
2) in dadka la faro in ay sadaqada bixiyaan, oo ah in dad baahan wax ha loo qabto;
3) in la’iskugu yimaado in la heshiisiinayo: labo qof, laba reer, laba qabiil ama laba dalba - ilaahay aad ayuu u amaanay.
Taasi oo micnaheedu yahay in dadka la taageero marka ay wadaan wax khayr ku jiro walow aad siyaasad ahaan ama arimo shakhsiyeed darteed aad qofkaa wanaaga wada aadku nacayso.
Nabigu wuxuu xadiis, ku yidhi (scw) ilaahay dadka uu ugu jecel yahay waxa ka mid ah, dadka wax u qabta dadka dhisa waxyaalaha bulshada ugu faa’iidada badan oo ay ka mid yihiin: sida dhakhtar umada loo dhiso, macalinka oo la caawiyo, qof dayn lagu leeyahay qofkii ka guda, gaajada oo qof laga saaro haysay, dadkana waxa fiican loo horseedo.
Nabigeena suubani wuxuu isla xadiiskaa kore ku cadeeyey (SCW) “inaan masjidka Madiina aan bil ku ictikaafo waxaan ka jecelahay in walaalakay oo dan leh dantiisa usoo dhameeyo”
Aniga oo Xaamud Cali Cilmi oo ah dadkii sanadkii, hore shirkaa lagu qabtay maraykanka, dadka ku guubaabinayey in wax la’wada qabsado; kunaa raacsaanaa shirkii lagu qabtay Maraykanka oo aan tagin duruufo awgeed; kuna raacsanaa wixii ka soo baxay, sidii fiicnayd ee la’iskugu yimid waxna loo wada qabsaday.
Waxaa dhacay markaa in, shirka sanadkan lagu qabanyo, magaalada Toronto ee dalka Canada oo waliba ka codsaday Alla-bari inuu Toronto noogu yimaado oo shirka halkan lagu qabto Hadii Alla yidhaa.
Kaliya dhaliisha dadka qaar qabeen waa in warka shirku si dhamystiran usoo gaadhin bulshada reer Toronto arintaasna waxa ka muhiimsan danta guud ee ay wadaan walaalaha is xil qaamay wayna kumahadsan yihiin.
Waxaan mar kale ku celinayaa Danta Guud ayaa ka muhiimsan shakhsi nacaybka ee taas ha la’ogaado. Ibnu aadanku wuu gafaa wuuna is khilaafaa laakiin waxa haboon in si ilbaxnimo leh loo xaliyo wixii ina dhexyaala oo laga xishoodo hadalka qaarkiis.
Hawshan waxa qabad ee ay wadaan Ibrahim Absiye iyo Nur Bahal iyo rag kale oo badani waa arin dad badani kariwaayeen oo ay is xil sareen, markaa waxay naga furteen hawshii way ku mahad san yihiin.
waxaa dhamaan dadka gaadhisnaya in aad ogaataan dadka qoraalka soo qoray waa dad warxumo tashiilnimo ku caan baxay oo fitno la’da’ ah. Website-ka Harowo oo had iyo jeer ka shaqeeya dhibka iyo xumaanta umada iyo kala foganyta bulshada waxaan farayaa inay ka saaraan magacayga list-ka beenta ah ee ay qorteen.
Maqaalka Harawo maanta ku qoran waa been ee ha’la ogaado. Dadka qorayna waan wada naqaanaa hadaan nahay reer Toronto iyo reer Awdal oo dhanba - markaa hadii loo baahdo waan cadayn doonaa.
Waxaan leehay wax is khilaafsan ma jiraan oo shirkan diidayaa. Dadka qaar listka ku qorani waa dadkii diiday inay aafadii gobolka ku dhacday ay bixiyaan lacagtii loo guraayey; maxay maanta uga hadlayaan arimaha bulshada oo ay iskaga dhigaayaan niman wax qabta.
Dad shirka wadaa waa dadkii lacagihii diray meel kastaba laga diray ee soo qaban qaabiyey intiii ay awoodaayeen. Waa dad is xil qaamay oo aan mishaaro iyo sharaf iyo lacag midna ka raadinayn walaalahooda dhibaataysan. Waany ku mahadsan yihiin.
Ilaahay ayaa yidhi runta sheega. Hadaba waxaan leehay dadka leh waxaa jira dad is haysta oo looma dhama shirkan waa beentood - waan is naqaanaa ee ilahaay ka baqa.
Warka xun dad ka dhaafa. Nabigu wuxuu yidhi (scw) Hadii aydaan dadka waxba u qabanayn aamusa oo sharka dadka ka haysta. Waxaan leehay shirkaa waan raacsanahay, insha Allaah waa la qabanaya midhona way kasoo bixi doonaan insha allah.
Labadii dar ilaahay iskugu timaadaa ee wanaag wadaa way guulaystaan.
Asalaamu calaykum
Xaamud Cali Cilmi hamud13@hotmail.com
Toronto, Cadana



