Taariikh Nololeedkii Xaji Jamac Muxumed Ugaas Cilmi
Alaha u naxariistee waxa maanta magaalada Borama ku geeriyooday Xaji Jaamac Muxumed Ugaas Cilmi waxan isku dayaaya bal inan wax yar oo kooban Xaajiga taariikhdiisa idinka xasuusiyo.
Runtii xaaji Jaamac taariikdiisa maqaal laguma soo koobi karo oo kutub baa laga qori karaa mudadii hal qarni ah ee uu noolaaa. habase ahaatee anoo soo koobaya ayaan jeclahay inan Xaaji jaamac idin xasuusiyo noloshiisii iyo taarriikhdiisi oo kooban.
Waxa xajigu ku dhashay Degmada Awbare qarnigan awelkiisii waxana uu ku barbaray degaanaka gobolka reserve Area oo ka mid kedinka shaanad iyo Borama. Xaaji jaamac waxa uu ka soo jeeda qoys ah ugaasyadii talda gobolkan gacanta ku hayey qarniyaal badan. Kuwasoo ay ugu caansanayeen awowgii Ugaas Cilmi ugaas Rooble iyo awoowgii kale oo ah Ugaas Nuur ugaas Rooble.
Xaaji jaamac isagoo ku hiranaya kana shidaal qaadanaya qoyskaas taariikhiga ee uu ka soo jeedo ayuu isagoo da,diisu yartahay qarnigan awelkisii bilaabay inuu dusha sare u rito hawlo umadiisa uu wax wax ugu qabanayo iyo hogaamin casri oo la hana qaaday wakhtigii gobanimo udirirkii oo ka soo bilaabmayey sanadihii 19330s.
Waxa uu Xaaji Jaamac ka qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii xisbiyadii gobanidoonka sida xisbigii Somali National Society Borama ( SNC ) oo uu u aaha gudoomiye magaalada Borama sanadadii 1940-1957.Waxa uu xaaji Jaamac ka mid halgamayaashi sameeyey Xisbigii United Somali Party (USP)ee dhaliyey gobanimada gobolada woqooyi iyo midnimada umadda soomaliyeed1960.
Waxa uu Xaaji Jaamac ka mid golihii barlamaan ee uhoreeyey ee laga dhiso somaliland markii ay gobanimadu soo dhawaatay 1957 oo loo yaqaanay majlisu tashriici (legeislative Council) waxana loo xilsaaray inuu noqdo xoghaya Waxbarashada (Secretary of Education) xilkaas oo uu hayey ilaa wakhtigii gobanimada la qaatay 1960.
Markii gobanimadii la qaatay Xaajigu waxa uu soo waday hawshiisii odeynimo isagoo bulshadiisa ka caawain jiray halka uu marwalba wax ka qaban karo gaaar ahaan dhinacyada nabadgelyada iyo waxbarshada isagoo mar walba dugsiyada iyo ardeyda xoogga saari jiray.
Waxa dhniacii siyaasadda xaaji halkisii galay sanadadii dambe inamadiisii oo jagooyin sare ka qabtay xukuumadihii somaliyeed.
Habase ahaatee waxaa xaajiga marlabaad loo baahday markii ay xukuumadii somaliyeed 1990.waxa uu ka mid oo uu safka hore ka galay sidii wakhtigii gobonimdoonka shirarkii nabadeynta ee salka loogu dhigay Jamhuriyadda Somaliland ee maanta ee ka dhacay Burco, Sheekh, Hargeysa, iyo Borama.
waxa uu ahaa tiirarkii salka udhigay shirwenihii Borama ee lagu dhisay Dawladii president Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal uu madax u haa .waxana mar labaad isagoo cimrigii uu sagaashan kor udhaafay uu ka qeyb galay golihii barlaamanka ee Soomaliland.
Waxa kaloo xaajigu ka qeyb qaatay dhismihii Jamacadda Camuud (Amoud University) oo uu noqday hogaamiyaha guddiga caamacadda (president of board of directors Amoud University).
Waxa kaloo Xaaji jaamac ahaa muddo dheer xidhiidhiyaha Borama city iyo Henlay city oo ku taal cariga ingiriiska.waxa uu booqashooyin iyo martiqaadyo dhowr ah uu ku tagay mudadii uu xilkaas hayey London iyo Henlay city.
Xaaji jaamac waxa uu ahaa taariikh yahan waxan a uu noloshiisa oo dhan isku taxalujin jiray ururinta taariikha iyo keydinteeda waxa aan ku tilmaami karaa inuu ahaa National historical Archieve.waxa ugu qiimo badnaa waxa yabihii Xaaji Jaamac keydiyey Saantii taariikhiga aheyd aheyd ee reer Awdal la saxeexdeen Igiriiska oo uu ka dhaxlay Awoowgii Ugaas Cilmi Ugaas Rooble oo ka mid ahaa hogamiyeyashii heshiiskaas sexeexay oo loo yaqaanay(Anglo-Gadabuursi treaty of 1884).
Waxa uu xaaji Jaamac saatan heshiiskani ku qoranyahay soo bandhigay 1974 ayadoo la dhigay academiyaddii cilmiga iyo dhaqanka soomaaliyeed (Somali national Academy of culture and Arts ) si taariikh qorayaahsu ay uga faaiideystaan.iyadoo warbaahinta lagu shaaciyey sida jaraaidka iyo raaiyaha.
Xaaji jaamac muxumed Ugaas Cilmi halkan kuma soo koobi karo taariikdiisi iyo wax qabadkiisii waxa ay buxin kartaa kutub hase yeeshee in yar ogaalkeyga ayuun baan jeclahay inan idinka xasuusiyo halyeeygan.
Waxa uu xaaji Jaamac ahaa nin dabacsan oo raxmad badan oo dadka kiisa yar iyo ka weyn intaba qadariya.waxan sidaa uleehay anigu shakhsi ahaan baan xaaji aqaanay waanan kulanay anigoo qoraya Buug tariikhda ummadda somaliyeed garahaan dawladii Awdal wax ka qoraya 1980s si fiican oo hagar la’aana ah ayuu wixii uu usoo joogay iyo wixii uu maqlay ba iigu sheegay isagoo waliba documents tariikhi ah oo uu hayeyna isiiyey koobi .Xaaji jaamac waxa uu ahaa muwwadin wadankiisa iyo dadkiisaba jecel oo wakhtigiisa u huray inuu wax ugu qabto ummadiisa ( great puplic figure like Kennedys) isagoo noqon karay qof baayacmustari ama Ganacsade ah.
Xaaji jaamac dhaxal iyo magacba wuu inoo tagay waana tusaale aan ku dayan karno kuna faani karno, inkastoo ay adgtahay inan jagadiisii buuxino.
Maqaalka dambe waxan idiin soo bandhigi doonaa warqado iyo taarar muujinaya wakhtigii ingiriiskii oo xaajiga iyi rag kaloo udhashay gobolkani ay uqoreen United nations iyo Uk (United Kingdom) oo ku saabsan gobonimodoonkii umadda soomaliyeed oo laga diray Borama la soco .ugu dambeyntii waxan Xaaji jaamac muxumed Ugaas Cilmi u rajeynayaa Janadii fardowsa inagana samir iyo imaan. amiiiiin
Mohamed Dhiirane
mohameddrn@yahoo.ca
Edmonton, Alberta



