“Saylacnews” Oo Xayeysiis ku Raadianaya Been Ka Sheega Bulshada Reer Awdal
Shabakadaha qaar oo u guntaday dagaal hooseed mar hore laga baxay ayaa waxay arintu ka fursan wayday in aan warbixin toos ah u gudbino ninka isku magacaaba “Abwaan Maxamud Roble Colombo” oo ka masuul ah shabakada da’da wayn ee manfaca yar: “saylac.com.”
Waxaan waydiinay sobobta uu u doortay magaca saylac.com – sobobtoo ah maxamud naftiisu waa nin aan ku dhalan Saylac, sida ay noo sheegeen dad aqoon dheer u leh oo degan Charlotte, NC, iyo gobolka Main ee isla Maraykanka ah. Sidaasi darteed waxay iluhu noo sheegeen ku dhalasho la’aanta Saylac inay keentay dagaal hooseedka uu la galay umada uu magacooda wato ee reer Saylac.
Waraaq aan kaga codsanay inuu ilaaliyo sharafta bulshada uu magacooda sito iyo guud ahaan ardayda waxbarashada loo dirsaday ee uu soo dhexgalinaayo dagaal hooseedka marhore laga baxay ayaan u dirnay:
Ardayda reer Malaysia oo shabakada ‘saylac.com” magaacdooda kasoo naqileen tacsidii ay u dirayeen dhalintii ku hoobatay bada dhexe ee Libya bishii aan soo dhaafnay.
Waraaqdii aan u dirnay ‘saylac.com’ sidan ayey u qornayd:
Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano waxyaalaha keenay in Saylac.com la gasho dagaal bulshada reer Awdal markaa fadlan waxaan kaa codsanaynaa inaad warbixin naga siiso ujeedada ugu wayn ee aad u furatay shabakadan magaca saylac.com ciwaankeedu yahay oo dad badani aaminsan yihiin in laga filaayey inay ku hadasho afka mujtamaca reer Saylac.
1-goorma ayaad bilowday saylac.com – waxaan moodaynaa in 2003 aad furtay markii ugu horaysay?
2-sobobta aad u dooratay saylac.com?
3-sobobta ugu wayn ee aad shirka AACNA uga soo horjeedo.
4-iyo inaad nagala soo qayb gashaan inaan samayno “standard” aan isku ogaano ama xeer aan umada ku hor kacno.
iyo Inaad sida ugu dhakhso badan uga saarto magaacda labada gabdhood ee ‘H’ iyo ’X’ oo noosoo cadeeyey in magaacdooda si khaldan aad u isticmaasheen – iyagoon waxba ka ogayn siyaasada ka dhex socota dalkii iyo dibadaba; iyagaoo daacadnimo badani ka muuqato waxay qoraalka ku cadeeyeen in kaliya iyaga losoo dirsaday in ay wax bartaan oo waalidkoodii aad uga xumaanayaan hadii ay ku arkaan magaacdooda meelo aan loo baahnayn. Arintan gabdhaha ayaana nagu kaliftay in haddii aan si toos ah midho uga wayno shabakada aan si buuxda u daabici doono baadhitaankayaga. Gabadhi waa sharafta iyo tiir dhexaadka bulshada soomaaliyeed ceebna ma gayaan markaa fadlan si masuulnimo ah wax uga qabta arintan aad ku dhaqaaqdeen.
qoraalkii gabdhahu waa sidan – magacooda ma rabno inaan halkan ka iclaamino ee maamulku wuu og yahay gabdhaha an ka hadlayno:
Salan ka dib:
walaal aniga o ka mid ardayda ku nool malaysia ma maqal shirka mana la socdo arimaha ka socda qurbaha gaar ahaan Usa and canada , mana la socdo siyaasada gobolka. laakiin waxa aan ogaaday markii qof aan is naqaana igu yidhi magaacaga ayaa halkaa ku jira waanan u qaadan waayay. markaa walaal website kaasi ha daayo been abuurkaa… wixii uu qoranaayo isaga ayay u taala lakiin magacayga iyo inta aan la socon magacdooda fadlan ha ka saaro. waayo waalidiintayada na qabsan ardaynimo uunbaa la noo soo diray, laakiin waxaas kama shaqayno. waana ku ceeb rag masuuliyad sheeganaya in aay been naga sheegaan.”
Ardayada reer malaysia
Maamulka SayliciPress.net – 16 July 2008 – 11:16 pm Eastern
Hadaba mudo laga joogo bilooyin ayaa shabakadu soo qortay been abuur ay ku tilmaameen inay waraaq heleen jaamacada Camuud ay ku dalbanaysay in jaamacada EELO dawladu horistaagto. Warkaas oo dad badani ku khaldameen oo ay run moodeen in saylac.com awood u leeyihiin inay war qarsoon soo helaan. waxa dhici karta in xurgufi dhextaalay labada masuul ee camuud iyo EELO laakiin ma’ayna jirin wax cadayn kara kalsoonida ay saylac.com ku heli karto warkaas beenta noqday.
Taasi kadib waxay saylac.com in badan lacag ka gureen bulshada reer Awdal oo ay sheegeen inay garoon ku dhisayaan taasina wali dhicin ayey shabakadu waxay soo qoreen in Marwada madaxwaynuhu Huda Barkhad kasoo horjeedo horumarka bulshada iyo dhismaha garoonka. Warkaas oo markan cid ka’ hoos qaaday ayna jirin ayaa kuu cadaynaaya in maamulka shabakadu warba uu war ku iibanaayo. Shabakadan laga aamin baxay – ee kaliya uu raadinayo xayeysiis loo sameeyo in shabakadu soo noolaato.
Waxase ka maqan in horumarka ayna keenin been abuur ee ay keento kartida iyo difaaca qadiyad sax oo si qabwayni leh aad ugu xaragoon karto.
Waxa ku dayasho iyo amaan mudan habka sharafta leh ee shabakadaha kale ee Somaliland ay uga gudbeen la dagaalanka shacabkooda ee ducfiga iyo kalsooni darada xanbaarsan.
Waxa dad badan iskaga qaldan tartanka siyaasada, casabiyada iyo falqaynta siyaasiga doonaya inuu umad horkaco.
Qof kasta oo raba inuu umad horkaco waxa xalaal ah in sidii la doono loo weeraro oo dadka la’baro khalad iyo sax waxa uu yahay.
gabdhaha lagu xad gudbay waxaan u sheegaynaa inay xaal ka qaataan sida khaldan ee loo isticmaalay magacooda waxaanan ugu baaqaynaa gabdhahaa da’da yar ee usoo kacaya dalku inayna raacraacin dadka lunsan ee marin habowsan ee sida sharafta iyo daacadnimadu ku dheehan tahay ee ay usoo jawaabeen ku dadaalaan.
Waxaanan magaacdooda u gudbinaynaa ururka Somali Canadian Organization/ Youth Ressettlement Program -ka inay waxbarashooda kasii wataan dalka Canada. Barnaamijkan oo shantii qof ee ugu horaysay aan filayno inay Canada yimaadaan sanadkan gudihiisa haddii eebo idmo. Gabdhahan lagu xad gudbay haddii ay u baahan yihiin caawin waan caawin doonaa anagoon wax aqoon ah oo gaar ah u lahayn ardaydaa kaliya isku dayeyna inay ahaadaan arday fikrado cusub keena oo ka madax banaan hawsha fidnada ee dadka qaar ku jiraan.
Ujeedadayada arday keenistu waxay ahayd markaan bilownay sanad ka hor; in 2 sano gudahood aan bulshada ka caawino 25 dhalinyaro ah oo jaamacadaha dalalkan waqooyiga maraykanka wax ka barta oo dalkii anfaca.
Sida ardayda dhinaca dhismaha (Engineering), caafimaadka ilkaha (Dentistry), iyo dhakhtarnimada (Medicine) oo aad loogu baahan yahay. Dhinaca ardayda oo shuruuduhu ka kala maqnaadeen iyo xeerarka dalalkan oo sii adkaanaaya dartood uu qorshahaygii uu wax yar dib u dhacay oo shantii qof ee ugu horaysay ay sanadkan soo galayaan Canada.
SayliciPress Canada








July 18th, 2008 at 2:30 pm
ninkan aad ku daasheeni waa nin kaniisad seatle ku taala dhex fadhiya oo aduunkii ka dhacay markaa waxba haku daalina. dagaalkan uu la galay smaraoona waa jibril yonis oo il kale male. waxay moodayaan in wadanka laga saarayo