Jawaabtii Cabdilahi Muse: Harawa iyo Saylac.com oo ka shaqeeya beenta iyo isku dirka dadka Muslimiinta ah – By Xamud Cali Cilmi
Ilaahay wuxuu yidhi isaga oo la hadlaya dadka iimaanka leh oo ah mumimiinta ah: “cadalad u sameeya Gaalada” waa dagaalkii xudaybiya; Wuxuu yidhaa dadkii iimaanka lage helo oo ah ‘yaa ayuhal ladiina aamanuu’ Cadho cid aad u qabtaan yey daan cadaalada uga tagin ee cadaalad la yimaada; cadaalad oo aad la timadaan ayaa ilaahay agtiisa idiin dhawaynaysa.
Nabigeenu (SCW) wuxuu ku yidhi xadiis: waxaa qofka dambi ugu filan: “Wuxuu maqlo inuuu sheego” waxaad maqashaba ha’ sheegin. Waxyaalaha qaar waa laga xishoodaa. dadku way is khilaafaan ee laakiin afkaaga dhawr oo umada dhibkooda waxba ka faa’iidi mayside is dhawr.
Walaal, Cabdilaahi Muse, labada website oo kala ah Harawa - Axmed Sheikh Farax iyo webside saylac.com oo abwaan colombo wado waxay ka shaqeeyaan hadal in ay badalan, iyo dad in ay waxayna ahayn kushegaan kaliya.
Adiga waxaad is lahayd labada website wax fiican bay dadka gaadhsiiyaan. Wali ma ku aragtay maqaal diini ah shabkada harawa, ama saylac. Ilaahay ka baq cadaalada haka fogaan. Waxaad waliba aad ku dhacday ‘Iftiraa’ ama been abuur.
Waxaan filayaa adiga su’aalo aanad laftaadu ka jawaabi karin, ayaad dadka waydiisay, wuxuu nabigu waydiiyey, asxaabta, ma garanysaa ‘Qiibada’ oo ah xanta, waxay soomalidu u yaqaan qofka oo kaa maqan oo wax laga sheego. Wuxuu rasuulku (SCW) ku jawaabay – xantu waa qofka oo kula jooga ama kaamaqan oo aad ku tidhaa wuxuu dhibsanayo.
Hadii walaalkaa aad ku sheegto wuxuuna ahay waxa layaa iftiraa ama been abuurasho, adiga wax difaac baad is lahayd waxaad hortu ku dhacday xantii.
waxaad ku tidhi nin walaalkaa ee aad u jawaabaysay oo aanad waliba hubin xidhiidhka isaga iyo ilaahiisa ka dhexeeya: ”waxaad ahayd nin wadaada markaad dhulkii joogtay, hada ma ogid wuxuu ku sugan yahay, waa mid kale oo ah iftaraa, ama been abuurasho.
Midaa waxaad ku dartay, dadka ururka shirka wadaa Toronto, waxaad tidhi lacag ayey dhaceen. Hadaan ku nidhaa kaalay masaajidka oo dhaaro oo cadee waxaan filayaa in aad iigu jawaabi sidaas baan maqlay.
Nimanka aad tidhi lacag bay dhaceen waa gafwayn waa been abuurasho, iyo qofku wuxuna ahayn oo aad ku sheegto waa dambi; inay lacag dhaceen ma cadayn kartid.
Sabobtoo ah anaa jooga oo og; dad lacag qaadhan bixi la yidhi, waxay ku jawaabeen nimanka, qaadhaanka ururinaya waa niman hore wax u dhacay.
Waan dhex galay waan baadhay. Waxaan ogaaday in nimanka wax eedaynayaa ay yihiin, niman aan qaadhan laga halin, aflagaado mooye.
Walaal cabdilaahi wax ma ogid, waxaan lacag ururin jiray dhakhtarka boorama oo dhibaataysana. Walaal dad Canada jooga iyo USA waxaan ahay qof aad u kalaya yaqaan. walaal cabdilaahi ilahay ka baqo oo wax hubso. Intii aad odhan lahayd dulmiga iska daaya labada dhinacba oo aan isku hayn wax buuran.
Walaal waxaan filiyaa waxaad noqtay Prof. Togane oo ka xanaaaqay maqaal uu meel kasoo akhristay oo cabdi Ismaciil ama Axmed mid uu ahaa hada ma xasuusto laakiin togane ayaa maqaalkaa soo akhriyey kadib cadhadii is yidhi u jawaab oo cayeey qabiilka samaroon, isaga oo jamacada ka dhiga montreal, waxayna igu kaliftay inaan Togane ku qabsaday oo aan ku idhi raali galin ka bixi oo raali galintiina bixiyey.
Markaa walaal waa talo nin wayn. Ilaahay wuxuu yidhi: naftiina nafkale dambigeeda la saaari maayo. Naftiina ayaa la xisaabin. Markaa dambiga ay rag galeen adigu luguma odhan u noqo afhayeen markaa waxaan la yaabay nin dadka ka xishoonaya oo aan ilaahay ka xishoonay. Waxaan la yaabnay nin is og inuu beenale yahay oo doonaya in dadku u arkaan nin run sheegaya.
Wuxu yidhi nin caraba oo gabya. Waxaa dadka lagu miisaam hadalka. Qof sheeda markaad ka aragto haybada ka muuqata magaratid wuxuu yahay ilaa uu hadlo. Qofku markuu hadlo inuu yahay nin caqlile ama doqon ah.
Markaa walaal maqaalka intiisa hore waad fiicnayd laakin waxaad fashilantay mar kaad ninka ciradigiisa taabatay.
Markaa adiga walaal waxaan kuu raacinayaa xadiiskii nibaga (SCW) oo laga wariyey asxaabigii fiqiga ahaa ee Anas bini Maalik:
Xadiiskaa oo ahaa walaalkaa u gargaar marka laga gardaran yahay iyo marka uu gardan yahayba.
Wuxuu Anas bini Maalik yidhi rasuul allow marka laga gar daran yahay waan agrtee ee laakin sideen u gargaraa markuu gar daran yahay.
Wuxuu ku jawaabay rasuulku (SCW) ka qabo walal dadka in uu ku gardaroodo oo dulmiyo. Walaal adna waxaad la shir timid shabakadahani waxay nosoo gudbiyaan wixii fiican.
Waxaan filayaa waxaa ku raxaysataa xumaanta iyo warka beenta ah iyo isku
dirka ay dadka kula jiraan. Adigu maqaalkaaga dib u akhri. Waraabe waraabe kalahaya layaab ayaa la yidhi.
Walaal ilaahay ka baq ha is odhan u jawaab, oo xadkii haka bixin sidii ninkii prof. Togane dadka ha isku soo jeedin oo lawyer bilaa lacag ku shaqeeya ha noqon ee dib walaalkaa iyo inta aad ku xad gudbtay u raali gali.
kaliya dheh anigu waan ku cafiyey sobobto ah waxaan kuu arkaa nin jecel labada webside ee ah harwa iyo saylac.com
Wuxuu yidhi nabigu (scw) hadii aydaan dadka waxba u qabanayn (sharkiiina) dambigina ka maqnaada meeshaas oo ka aamusa umada. Walaal waa waano igama aha in aan xumaan kuugu jawaabo qaraalkan. Ilaahay khayrka ha’ina garan siiyo. Kuwii waxa wanaagsan isku waaniyana ha’inaga yeelo.
Qof kasta oo inaga mid ah waa loo baahan yahay oo kaalin ayuu ku hagaagaa. Kaalintaada buuxi dadkan shirka wadana iska daa. Wasiiro lama qaybsanayo ee waxaa la rabaa in ay umada wax u qabtaan. Looma baahna in la’ yidhaahdo qabiil hebel ayaa ka maqan. Ninkii awooda ee wakhti haya ayaa imanaya. Qofkii umada caawinaya ee raacsan AACNA wuu kasoo qayb galayaa intiinii kasoo horjeedaa sida aad rabtaan inaad wax u qabataan noosoo sheega waan idiin iman doonaa waanan idin caawin doonaa.
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barkaatu
Xaamud Cali Cilmi hamud13@hotmail.com







