Sheekadu Ma Kow iyo Kun Habeen Mid Socotaa: AACNA
Nabadgelyo iyo naxariisi korkiina ha ahaato If iyo Aakhiraba meelkasta oo ad joogtiinba dhammaantiin reer Awdal iyo soomaaliba. Ururka AACNA ee mar kasta laga hadlo ayaan qormo kooban ka bixinayaa.
Walaalayaal inaga daaya, oo inaga daaya Ilaahaybaan idinku dhaarshaye hadalada naxliga ah, wax faa’iido ah oo an ka gaadhaynaayi ma jirtee. Ururkan la yidhaahdo AACNA waa urur reer Awdal ah, xaqna wuu u leeyahay inuu dan Awdal ka hadlo. Ciddii an rabin waxay samaysan karaan oo xaq u leeyihiin urur kale oo la mid ah oo isku taxalujiya horumarinta Awdal. Ilaa iyo haatan an wax qorayo kuma arag ururkan hadalku ka dhashay ee AACNA inuu yahay urur qooys iyo jilib gaar ah u qoolan, xitaa hadduu u qoolan yahay oo ay jiraan wax aniga an ii muuqan dee huunno waa urur reer Awdal ah oo uma arko wax ceeb ah. Aniguba kuma jiro urukaas isaga ah kamana ahi xubin, oo waxan ahay uun taageerayaashiisa guud.
Sidaa iyo si la mid ah ayaanan u taageeraa dhammaan ururada kale ee samafalka ah ee reer Awdal, sida Amoud Foundation, IQRA, Gargaar, Gurmad, Awdal Development Org, iwm. Hadana midkoodna kama ahi xubin joogto ah, oo Ilaahay iyo iyaguba waa iigu markhaati, dad badan oo sidaydaas ahina way jiraan. Dan iyo muraad toonana oo gaar ahna kama lihi hadduu jiro urur u qaybsan qoomiyad guud iyo haduu jiro mid qooys gaar ah oo wax tara. Maxaa yeelay, badiyaaba waa bahday, oo waan ku qab weynahay inuu Ilaahay iga dhigay Awdal Samarroon, Soomaali, Afrikaan Muslim, iwm. Yaa i odhan kara intaas midna ma tihid?
Awdal malaha urur siyaasadeed, una malayn maayo inaad ku heshiin doontiin inuu yimaado xusbi siyaasadeed. Sidii ad ka yeesheen SDA, ayaanad ka yeeli doontiin xusbi kasta oo siyaasadeed oo Awdal keensato. Horey uma socotaane waxad ku daasheen inaad eegtiin hoostiina uun sida guunta Xabashida oo kale. Waana waxa maanta laynoo quudhsado ee an marnba Awdal ula tartami karin Hargeysa iyo Jabuutiba. Waa wax laga kabuubyoodo inaad ururo Samafal ah isku xag-xagatiin, isla mar ahaantaana aynu u keen san karin xusbiyo siyaasadeed.
Aynu isla yaabno, Ilaahayna u toobad keenno, wixii hore ee aynu tacadib gaysanayna aynu ka waantoowno. Qaladka mar la galo ee Ilaahay laga weydiisto danbi dhaaf isla mar ahaantaana an dib loogu noqon, dee Ilaahay korreeye wuu aqbalaa. Balse is weydiiya, ciqaabta uu leeyahay qalad lagu noqnoqdo oo lagu noqnoqdo, oo hadana lagu noqnoqdo.
Nabad iyo Caano
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDanYare





