Waari-meyside War ha kaa hadho (war fiican dabcan)

Waxa aan ciwaankan u doortay arin la xidhiidha maqal aan todobaadkii hore soo qoray oo ka hadlayey  taariikh nololeedkii Ugaas Jaamac Muxumed Ugaas Cilmi.

Waxan Aminsanahay in Ugaas jaamac taariikdiisa iyo magaciisu aanu ka yareysan hadaanu baro dhaafin Ugaasyadii caanka ahaa sida Ugaas Nuur. Ugaas Cilmi, Ugaas Doodi iyo Ugaas Rooble. Waxana igu maqaaalo ah inu  Ugaas cilmi ku tufay gabay duco iyo tirtirsiin ah   Jaamac oo yar. Waxay u egtahay in gabaeygaas ilaahay aqbalay Jaamacna hal garaadka ku  heystay ereydaas noloshiisa oo dhan.

Waa wax lagu dayan karo,lagu faani karo, laguna  hiran karo (inspirational).
Haddaba waxan idiin balanqqaday maqaalkii  todobaadkii hor inan idiin soo gudbin doono qoraalo la xidhidha wakhtigii  gobanimodoonkii oo ay ku jiraan Taarar iyo warqado loo diray UN (United Nations)  iyo UK (United Kingdom). Kuwaasoo  Borama laga diray oo ay direen xisbigii Somali National Soceity (SNS) Borama.

Markii dagaal wenihii labaad dhamaaday waxa dhulka soomalida oo dhan gacanta ku qabay Dawladda ingiriiska oo Talyaaniga jebisay. Waxa markaa gobolada somalida oo dhan ka bilowday halgan gobonimo doon ah.Dhinaca Koofurta waxa hogaaminayey Xisbigii SYL . Gobolada waoqoyiga Xisbigii SNS Somali national Society Jaboutina xisbigii African national Movement. Hadaba wakhtigaas waxa doodi ka socotay Uruka qaramada midoobay UNO lagu eegayey Arinta gobolada Koonfurta Somaliya. Shirkaas oo ay ka qeygaleen wadfdi u hogaaminayey Cabdilaahi ciise ayaa taar usoo diray Boroma uu ku dalbanayo taageero. Taarkas  wefdigda Soomaliyeed ee Mareykanka New York  joogay ay soo direen waa kan :

To: Somali National Society Borama /./.
SEND IMMEDIATE HELP TO YOUR MASSACRED BROTHERS IN MOGADISHO AND OTHER CENTERS  ITALIAN SOMALILAND STOP/./.
RECOMMMEND ALL SOMMALIS TO CONTRIBUTE MORALLY TO SRTUGGLE FREEDOM OF SOMALILAND STOP/./.
IN THIS SERIOUS HOUR REMIND ALL SOMALIS PREPARE THEMSELVES JIHAD OF OUR MOTHER LAND STOP /./.
SIGNED SOMALIS USA.293 WEST 112 STEET NEW YORK 18 OCT 1949.

Jawaabta taarkan oo isla mariiba ay celiyeen reer Borama waa sidan:

To: SECRETARY GENERAL
WE ALL SOMALIS ARE ONE AND WISH TO BE UNITED STOP/./
WE ARE INTIRELLY OPPOSE RETURN ITALY TO SOMALIA STOP/./
IF ITALY RETURNS LIVES OF SOMALIS ARE RAEDY TO BE ANNIHILATED STOP/./.
UNO SHOULD ATTENTIVELY CONSIDER OUR CASE STOP/./.
SIGNED SOMALI NATIONAL SOSIETY BORAMA   20 OCT 1949.

Turjamadi laban Taar ooSomaali ah waa sidan:

KU:    SOMALI NATIONAL SOCIETY BORAMA.
USOO DIR TAGEERO WALAALAHAAGA LAGU XASUUQAY MUQDISHO IYO XARUMAHA KALE EE KOONFURFTA SOMAALIYA  EE TALYAANIGU  GUMEYSTO STOP/./

U DALAB INAY NAF IYO MAALBA U HURAAN DADKA SOOMALIYEED XOREYNTA DHULKA SOMALIYEED STOP/./

WAKHTIGAN HALISTA AH XASUUSI SOMAALIDA OO DHAN INAY ISU DIYAARIYAAN JIHAAD  LAGU XOREYNATO DHULKOODA HOOYO.STOP/./.

                                  SAXEEX.  SOMALIS USA 293 WEST 112 STRET
                                                          NEW YORK. OCT 18 1949.

                          
Jawaabtii taarkan:

KU: XOGHAYAHA GUUD EE URURKA UMMADAHA MIDOOBAMAY( UNO)

DADKA SOOMALIYEED WAA MID WAXAN  RABNAA INAN MIDOWNO STOP/./
WAXAN KA HORJEEDNAA INUU GUMEYSIGA TALYAANIGU  KU SO NOQDO DHULKA KOONFURTA SOOMALIYA STOP/./

HADII TAYAANIGU KU SOO NOQDO GOBOLADA KOONFURTA SOOMALIYA WAXAN DIYAAR UNAHAY INAAN NAFTAYADA UHURNO JIHAAD STOP/./
URUKA UMMADAHA MIDOOBAY QADDIYADAYADA WAA INAY TIXGALIYAAN STOP/./
                                                            
             SAXEEX  SOMALI NATIONAL SOCIET BORAMA 20 OCT 1949
Taarkani  iyo waraaqo kale oo aan aan idin soo gudbin doonaa waxa u qeyb  ka yahiin maclumaad aan ururiyey oo aan ku soo qoray Buugeygii Awdal iyo qannigii 19aad  oo aan helin dabacaad caam .inkastoo aan koobiyo kooban siiyey tariikh yahano iyo isaxaab ii gaar ah .waxana igu cawaiyey dhokomantkan Ugaas jaamac Muxumad ugaas Cilmi oo ahaa gudoomihii Somali national Society Borama wakhtigaas.
la soco qeybaha kale oo aidiin soo bandhigidoono waraaqo iyo documents kale oo tariikhi ah.

Mohamed Dhiirane
mohameddrn@yahoo.ca
Alberta .Edmonton

Filed Under: Opinion

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.