Jawaab Kusocota Arimaha Shirka Toronto

Waxaan doonayaa in aan talo siiyo rag ama niman shabakadda HAROWO ku soo qoray maqaalo ay waxa kaga sheegayaan shirka reer Awdal ee magalada Toronto ka dhici doona, haddii ILLAAH idmo.

Soomaalidu waxay tidhaa AF XUMO NABAD WAY KAA GAYSAA COLAADNA WAXBA KAMA QABATO.  Horta waxaan idiin sheegayaa dadka karaamada iyo sharafta ( Decent people) lihi waa dadka aamusan ee aan dadka ILLAAH abuurtay wax ka sheegin.

Qofku wuxuu yahay dadka ayaa yaqaan ee wax uu qof kale ka sheegay laguma qiimeeyo. Midda kale qofka qof kale wax ka sheega dadka ayaa daalacda shaqsiyaddiisa iyo waxa uu yahay marka uu isa soo bandhigo. Dadku in ay is khilaafaan waa dhacdaa oo qofna qof kale la aragti maha, waxaana fiican in fikirka aad qabto aad si caafimaad qabta oo sharaf leh u dhiibato ee ma aha in aad dadka iska caydo.
 
Ragga iyo dumarka sharafta leh aad caydeen ee aad shabakadda HAROWO ku soo qorteen ma aha   kuwa aad sharaftooda wax u dhimi kartaan oo dad sharaf iyo karaamo ku dhex leh dadka ay ka dhasheen, laakiin waxaad sheegteen idinku waxa aad tihiin. Waxaan og nahay in dadka kale oo magac leh oo la yaqaan oo beesha aad sheeganaysaan idinla wadaaga ay fakirka aad qabtaa idinla qabaan oo ay xagga dambe idinka joogaan. Bal waxaad waydiisaan dadkaas fakirka idinla qabaa in ay afkaartooda shabakadaha ku qoraan.

Waxaan hubaa in aanay idinka yeelayn waayo waxay u tudhayaan ama ilaashanayaan magacooda. Markaas idinka ayey idin isticmaaleen ee ogaada, dadna waxaa u liita qofka qof la mid ahi adeegsado.
 
Midda kale haddii aad beel ahaan saluugteen shirka reer AWDAL oo aad aaminsan tihiin in la idinka qadiyey, ururka kale samaysta oo tarmaya oo ficiltan wax qabana sameeya. Dad wax baan dhulkii qabanaynaa leh waxay u qalmaan in la taageero ee maha in la dumiyo. Dad wax qabana qofkii ka hor yimaada waxaan u arkaa XAASID. Qofka dadka xaasidaa weligii meel ma gaadho, kan la xaasidaana darar iyo barwaaqo ayuu ka sii qaadaa.
 
Anigu shaqsi ahaan waxaan u arkaa in qabiilku CUDUR xun yahay, qofka ku hadaaqaana uu jiran yahay. Kala saaridda Samaroon waa arrin aad fool xun, qofka ku kacaana waa qof guha hoose ka jiran Qofkasta oo dumar ama rag ahi wuu melaa Samaroon beeshuu doono ka soo jeedo,

meeshana hunguri ma yaal ee hawl baa taal oo qofkii hawshaa aqbala ama dusha u ritaa waa qof karaama iyo duco dalbaday oo dhulkii iyo dadkii baahnaa ayaa u soo ducayn. 

Beelaha Samaroon qaar baa ficil badan oo ficilkoodu wax qabad leeyahay oo dadkoodii iyo dhulkoodii wax taray. Haddii qabiilku idinku dheer yahay oo aad sidaa u jeceshihiin, beeshiina isugu yeedha oo wax qabsada.
 
 
Ahmed Kamil
Columbus, Ohio
Kamil56@hotmail.com

Filed Under: Opinion

About the Author

Comments (1)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. oldnoah says:

    thank you very much Kamil, si fiican ayaad wax noogu sheegtay waxaanan leeyahay runtu dadka ma disho ee way ka nixisaa waxaad noo sheegtay runtii, waxaan intaas ku darayaa walaalayaal maanta lama joogo maalin hoos la iskugu noqdo ee dadka in uun damqanaya ee leh waxbaan qabanaynaa yaan laga hor iman wax la isku qabtana waxaa ka mid ah in wax wanaagsan la isku sheego, hadii qofkasta oo wax qabo isleh la dhaleeceeyo waa ayo cida la rabo inay wax utaraan dadkeena iyo gobolkeena dhibaateysan, waxa kaloon usheegayaa ninka websiteka ufurtay xumaanta iyo qabyaalad inuu kala dhexdhigo dadkiisa waxaan kaa codsanayaa walaal inaad soo qorto oo aad dadka usheegto faa’iidada kuugu jirta maqaalada aad soo qorayso ee ay websiteyada kale iska fogeeyaan iyagoo eegaya sharaftooda iyo wanaaga iyo karaamada ay kuleeyihiin bulshadooda dhexdooda waxa kalood soo sheegtaa faa’iidada iyo danta kuugu jirta kala qaybinta dad walaalo ah oo wada dhashay oo aan sinaba kukala tagayn. waankaa warsugayaa ninka la yidhaa harawowebsite.

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.