Rabshadihii Hargaysaad (Geeraar)

Regime Koontara Baana (Geeraar)
 
Horaantii bishan waxa Hargaisa kadhacay  mudaharaad  layaabl leh. Dhacdadan oo ku luglahayd gaadhi biyaha qodo waxay ahayd mid xaasaasi ah marka laga eego dhinacyo badan oo ay kamid yihiin

(1) sida fudud ee ay qulquladani u dhacday iyo waxa sababay oon wali daaha laga qaadin (2) weedhaha naxliiga badan xambaarsan ee kasoo yeedhay qaar kamid  ah odayo dhaqameedka beelaha hargaysa  iyo kuwa siyaasada ku gabraarta. (3) tuhunka qotada fog ee arintani ku kordhisay  bulshada reer awdal iyo gobolada beriga ayagoo awalba  tirsanayey hagardaamo iyo xaq duudsiimo aan geed loogu soo gaban marka loo eego saami qaybiga  maamulka iyo arimaha dhaqan dhaqaale ee laxidhiidha Hargaysa. Isku soo duub oo arrintani waxay dad badan oo rajo kaqabay maamul yagleelka SL (de facto regime) ku noqotay  afkalaqaad. Geerarkani wuxuu cibirayaa dareenka dhabta ah ee reer awdal badidoodu  ka qabaan.arintan . Maaha mid dhalyalsanaya dadkii kunafwayay mashaqada meesha ka dhacday haba yaratee.
 
Hargeisa ruxanaysa
rabshadaa kadillacy
riig biyo dhaansha  oo
redh koroostu kudeeqay
reeraha oo dhan kadhexeeya
ayey xoog ku rabaan
 
waar marunbaa mariyaa
waar mariwaad jinbaa
arinkan waan rogiwaayey
oo rayiga wuu galiwayday
ee Riirashow marunbaa
 
Rasaas baa ka qarxaysa 
raxan baa ku nafwayday
boliiskii baa rogi waayey oo
hawshoodii  ku rafaaday
waa la raali sabaa oo
ramaash baa loo balanqaay.
raskoodii bay gubayaan
oo wadooynkii bay rafaceen
oo ruuxii ay arkaanba
dhagax bay kurushayn
Faysalkii runta  sheegayna
dhegba loo  raaricinyaan
 
caaqilkii reerku lahaa 
ee xalka raadin lahaa
ee dhibta raari lahaa
ayaa raaxeeye ciyaaray
sharaftii dhooqada ruubay
oo galbeed baa loo rarayaa 
waar ka riiday ka ridaay
iyo rooxaani ka yeedhay  
rubcadiii hore raacay.
 
war marunbaa mariyaa
waar mariwaayad jinbaa.
arinkan waan rogiwaayey
oo rayiguu gagaliwaa
waar Riiraashow marunba
 
rooxaantii Kulmiye iyo 
rag  xumaantu ku raagtay
oo qabiilku ragaadshay
qalbigoodu rigaaxmay 
ayaa u riyaaqay warkaas
oo raadkisii daba jooga 
run ahaantii  ka maqsuuday
Rayaale oo ku go’doomay
rugtii waagu ugu gadoomay
iyo raaskii u deganaa oo
reer Awdal ka quustay 
qofna raadco su’aalin
ayaa reenkii iyo cadhadii
dusha looga ridaa
 
malaha waa aduun rogmadkii
ruuxba  ruux uu qalanaayey
mar haday xaajo ragaaday
ribatay oo ay rajabeeshay
runta ayeynaan ka wareegin
hadakayga waxan ku rogaalin
rag maseegto dardaaran ah
ee dhagahaga u raarid
 
reer  hargaysa midhbaan la goboon
reer awdal midhbaan la guboon
Rayaalena midhkale la gudboon
 
reer hargasa  waxaa la gudboon
roob samaasho iyo gaajo
waa rugteeda madhaafto
raadkiinaa ku ekaada
raas raas wuxuu ugu dhaafo
oo argdaagiisa uga raamsan
waa rag magaydo iyo ceeb
 
reer awdal waxaa la gudboon
regime kontrara baan  ah
waxba yaan loo rugo oodin
ra’yul caalka aduunka
waxba yeynaan ranjiyeyn
calan u rag gaar ihi sheegto
waxba yaan loo rucukaabsan
risiqa ilaahay baa bixiya 
dhulkiinu waa rays iyo beero
raaskina bismilaysta oo
rasamaal ka samasyta
 
Rayaale  waxaa la gudboon
waar raac ama diid
nimankaa reer isaxaaq
reer awdal wuu biyo diiday
oo rubuc  kaama sugaayo
nin ragaa rabi kaa dhigee
risiqaaga u meelday.
 
Note: Cinwaanka “regime Kontrabaan” or illigimate regime waxaan kasoo xigtay jawaab u bixiyey nin kamid ah dadwaynaha  yaaban ee  awdal  ku nool oo  nin wariye(Boramenews.com) wax ka wadiiyey aragtidooda
 
* redh koroos means Red Cross, Konrabaan means Contraband
 
Mohamed A. Awale
Moe-awale2@hotmail.com

Filed Under: Suugaan

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.