Magacayga oo Been Laga Sheegay - Waxaan Ahay Kulmiye Sooc Ah
Magacahayga ninka Siciid Samale isku magacaabay oo aan garan waynay intayada reer London ayuuna moodin inuu beesha maxad-case wax u dhimi karo. magaacda waxa ka dhex muuqda Cabdale Farax Sigad oo ah nin Riyale adeer u yahay oo aan moodayo in magiciisa lasoo xaday.
Waxa soo raaca labada nin ee wada saylac.com (maxamud colombo) iyo harowo.com (Axmed sh. farax - khaliif) waa laba nin oo Dahir Riyale (Jaadle) uu adeer u yahay mana matalaan beesha maxad case markaa wax kasta oo ku qoran labada shabakadood ayaan la rumaysan.
Taariikhda xidhiidhka ka dhexeeya reer Sh. Farax iyo Rayale: Magaca Axmed Sh. Farax waxaa lahaa axmedkan washington degan walaalkii oo Dahir Rayale jaadka ay wada iibin jireen markaa xidhiidhka labada reer ee reer Sh Farax iyo Dahir Rayale qabiilka marka laga yimaado waa mid baayac mushtar oo ah dhinaca jaadka.
Axmed Washington, oo runtii aan ugu yeedhi jirnay Khaliif markii uu noogu yimid Borame wuxuu ahaa nin aad u caqli badan oo waxaan rumaysan waayey sida uu ninku isku badalay ee uu dagaal ula galay reer awdal. Axmed wuxuu ahaa nin ka mid ah macalimiintii biibiida la odhan jiray. Runtii waa nin aad ugu fiicnaa waxbarashada dalkana aad u jeclaa wali waan qaadan waayey waxa sidan u badalay mar labaad.
Maxamud Colombo: Waa nin Rayale uu adeer u yahay oo ka mid ah nimankii duleedka magaalada borame kasoo lugayn jiray ee dugsiga sh. cali jawhar iman jiray kadib markii ay soo guureen.
Danbiyada ay shacabka reer Awdal ka galeen labada shabakadood ee Saylac iyo Harowo iyo nimanka wadaa:
1-Lacagtii barafka axmed (khaliif) iyo colombo way diideen
2-waa nimankii ka hor yimid shirkii AACNA ee Toronto
3-Waa nimanka kasoo hor jeestay Shirka AACNA ee Minneapolis
4-Waa niman aaminsan in Riyale 14 gobol magacaabo oo reer Awdal laba kaliya ay ku yeeshaan.
5-Waa niman siyaasadan jaadlaha ee ogolaatay in adhiga Berbera lagu cashuuro $2 ka Saylacna lagu cashuuro $6 dollar aaminsan in lagu sii jiro.
6-Waa niman raali ka ah in 82 xubnood ee paarlamanka lagu yeesho 13.
7-Waa niman horumar oo dhan kasoo horjeeda; AACNA maxay u dhimaysaa?
8-Waa niman u adeegsada shabakadaha dagaalka xaafadaha
9-dagaalkii shiidka iyo toocsiga oo ay kasoo boodeen ayey qurbaha ka bilaabeen
10-Waa niman hore loogu taag waayey ha la’iska ilaaliyo
dagaal reer maxamed iyo maxadcase ka dhexeeyaa ma jiro. Reer xaaji dahir anigaa ka mid ah waxaan aaminsanahay in la’iska ilaaliyo in la’isku keen diro. Lughaya iyo ismaaciil sida ugu dhakhso badan ha’uga saaraan qoraalkaa reer xaaji daahir. dagaalkeenu waa horumar. dadka ku qorani waa been ma jiraan.
Ya ayyuha allatheena amanoo in jaakum fasiqun binabain fatabayyanoo an tuseeboo qawman bijahalatin fatusbixuu AAala ma facaltum nadimeena:
Al-Huaraat: 49:6 O ye who believe! If a wicked person comes to you with any news, ascertain the truth, lest ye harm people unwittingly, and afterwards become full of repentance for what ye have done.
Sida quraanka kariimku sheegay - kuwa ilaahay iyo nabigiisa rumeeyayow ka foojignaada warka ay idiin keenaan kuwa namiimata ah ee fasiiqiintu oo ay idinku haleelaan idinkoo is moog kadibna aad ka qoomamootaan waxaad samaysaan.
Micnaha waan wada garanynaa aayadan quraanka ah markaa wallaalayaal ka foojignaada labadaa nin iyo kuwa magaacda beenta ah wata sida saciid samaale ee cabdale oo xitaa aan ogayn kusoo darsaday xitaa qabiil uu u dhalan - inkastoo aanan cabdale waydiin u malayn maayo in cabdale sigad reer maxamed yahay.
Walaalayaal siyaasad aan markasta og nahay “up hill battle” harowo iyo colombo ma’ku guulaysanayaan ceeb iyo dhegxumo ayaa kasii raaci ka badan intay ay isku gaysteen. nin guri quraarad ah ku jiraa dadka ma shiido.
Waa bilow jawaabteedaydu wali qofna shakhsiyadiisa wax uma dhimin. warka guud iyo mawjada ay ka hadlayaan colombo iyo harowo kaliya ayaa muhiim ah in dadka reer awdal ogaadaan.
waxa run ah ninku markuu arko inuu micno samaynayn ayuu qabiil isku xoqaa. wali ma aragteen qof hore u maray oo qabyaalad ka hadla? qof waxgaradkii caawinta wuu jecel yahay
ugu danbayn ayaan la iloobin waxan aan ka arkayno harowo iyo saylac wax cusub ma’aha ayeyse dadka inta wanaagsan aafayn. Waa dadkii gumaystuhu jeclaa taariikhdii laga soo gudbay. waa dadka dantooda gaarka ah ka horumariya umada muslimka ah oo dhan. namiimka ilaahay ma jecla.
Salaamu Calaykum
ha’ lais cafiyo - ilaahayna danbigeena ha dhaafo. hadaan qaldamay ha’lay cafiyo waxaan rabaa wanaag iyo walaaltinimo siyaasada ka xoog badan in aan abuuro. Tacaawinuu calal biri wa taqwa sadaqalaahu cadiim.
Warsame Yusuf Iidle




July 30th, 2008 at 3:10 am
ilaahay haku asturo hana kaa abaal mariyo in nimiim oo dhan laíska ilaaliyo. qof gaar ah ma sheegayo ee wixii umada kala dilaya ilaahay haynaga qabto////aaamiiin