Shabakadda Saylici Press Oo Tacsi U Diraysa Ummad Waynta Samaroon Ee Dhulkeedii La Qaatay
Shabakadda saylicipress waxa ay tacsi tiiraanyo xanbaarsan u diraysaa dhammaan beelaha Samaroon Siciid meel kasta oo ay joogaanba, dadkaasi oo ay u soo hoyatay dullinnimo iyo dhagxumo taariikhi ahi kadib markii duhur cad laga qaatay goobtii ay xuddun toodu taallay ee gobolka Selel.
Waxaaney shabakaddu dadwaynahaasi la dulmay ee dalkoodii lagu dul xaraashay u sheegaysaa in aanu Dahir Rayaale si gaar ah u matalin beelaha Samaroon ee uu yahay madaxwayne qaran oo dadka ka dhexeeya islamarkaana shacabka Samaroonku ka diidi karaan go`aan kasta oo quudhsi ah oo iyaga xuquuqdooda lagaga faro maroojinayo.
Sida la wada ogyahay kursiga madaxtooyada S.land waxa uu noqday marmarsiinyo mar kasta loo adeegsado dullaynta beelaha Samaroon, iyada oo ay waliba intaasi u dheer tahay anigaa kuu dhiibtay markaan doonana kaa qaadi kara iyo guhaad iyo jeesjees kale oo joogto ah.
Haddaba iyada oo ay waxaasoo dhami jiraan ayaa dhawaan gobolkii Selel loo magcaabay xubin shisheeye ah oo aan sida la sheegay u dhalan S.Land balse laga soo waariday dalka Djibouti, taasoo ah tallaabo loogu dhawaanayo madaxwaynaha Djibouti , inkasta oo aan la garanaynayn faa`idada gobolkaasi la dhaafsaday illaa imika.
Dhinac kale beelaha Somaroon oo la yaqaan tiro ahaan inta ay leegyihiin iyo baaxadda deegaannadooda ayaa golaha barlamanka Somali Land ku leh 13 kursi oo kaliya oo qayb ka ah 82 ka kursi ee ka koobanayahay golaha wakiillada Somali Land halka ay lafta Jibriil Abokor –Isaaq oo kali ahina ku leedahay in ka badan 20 kursi.
Ugu danbayn dadwaynahaasi la dulamay ayaannu halkan ka tacsiyaynaa waxaanan leenahay ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo dhulkiinnii la qaatay hana idiinku baddelo wax ka khayr badan,,, aammiin aammiin.
Saylici press




August 9th, 2008 at 5:28 pm
dhaman shacabka samaroon waa inay baaqkasoo raaan raintaa qadan waaga ah adii anahay qurba joogtaa reer awdal arintaa waxaan kaqadanaynaa go aan lakiin dhaqdahqaaqu waa inuu kabilawdaa gobloka dhexdiisda baaqa oysoo dirayaan dhamaan qurba joogtaa rer awdal gaar a haan norway waxaan kasoo dagaynaa dhawaan saylac dalkayagana waan daafacaynaa
August 9th, 2008 at 5:42 pm
cidii kusoo xadgudubta dhulka samaroon waxay lakulmidoontaa cawaaqib xun kasay dhaxalsiin doonto inaa laga tir tiro gabalka anaguna waxanhaya ururka dhalainyarada rer wadal ee norway waxanan leenahay rayaale arintaa ka fiirso adiikale shacabku waa kadhiidhiyi doonaa anigoo kuhadlaya magaca dhalinyarada a qurbaha reer awdal
August 10th, 2008 at 5:29 am
adeer kuulasta,wadadii cadeyd cagta caarney.AWDEL OO XORAHA
August 10th, 2008 at 7:30 am
Horta adigu daacad ka noqo cida aad sheegayso inaad magaceeda ku hadalayo. Maalinba sheeko ayar oo niyaadaad ku jirta adeer ha la soo kalihin baan ku oran lahaa. Baroortu orgiga ka wayn, barina waxaan ku arari Samaroonka aad ka hadlayso adoo magacyo u kala bixinaya. ;pppp
August 10th, 2008 at 2:59 pm
asc wr wb walalayaal dad waxaa jira xumaha ka shaqeeya sida shabakadan saylici oo kele waxaan leeyahay dhul la qaatay ma jiro iyo wax dhintay toone ee umada somaliland ee nabada iyo rayn raynta ku nool halkursi oo laga wareejiyay ha u gubina kursina aqaan ayaa lagu fadhiistaa ee maaha anaa u dhashay markaa ilaahay ha iníi salhlo !!!!!!!!!!11
August 10th, 2008 at 5:25 pm
walaal marka hore waxaan leeyahay horta sida aan arkayo waxan socdaa ma iicno waxaab ka danbneeya ninkaa madaxwaynaha isku sheegya ee ina rayaale markaa waxaa la yidhi dameeraha ma cuni jirin waraabuhu ee waa is dhadhansiiyeen kadib ayuu bilaabay cunitaankooda waxan uga socdaa gobolka salal hadii mararka soo socda loo magacaabi lahaa nin ka soo jeeda beesha ciise aan wala dagno dlka djibouti ceeb mahaateen laakiin isla markiiba waa waab dhagta gali karin markaa horta ragani waxna inoom ogollo anaga la dagan dalka djibouti ee ku dhalayanay ayayna noo ogolaynb iska dhaaf waxkaleee ganacsi yar oo suuq markaa bal hada samroon wayne arintaasi ha ka fiirsado gaar ahaan maxad case waayo xabaal iyo xero geelba nin laa xaadh xaadha
August 11th, 2008 at 3:00 pm
Waar ilaahay ha laga baqo qof walbaa wuxuu leeyahay 3 M square oo lagu aaso nina raaci maayo qabiil ee waxaa raacaya waa camalka aad falato salalna waa dhul umada islaamka oo dhan ka dhexeeya
ee qabiil yaanu jar idinka tuurin
August 11th, 2008 at 3:43 pm
waxan aad uga xumahay in cise dhulkaya iibsado oo uu ka iibiyo daahir layaale iyo mrawadiisa huda barkhad iyaga oo waxwalba ka hormarsanaaya dantooda gaara rabana in ay aduunka korkiisa ku maamulaan xaaraan iyo danaysi gaara anagu hadaanunahay qurba joogata awdal iyo salal waxan marnaba aanan nuqaadankarin in dhulkayaga laga iibiyo ina cumargeele. taariikhduna waa wareegto xilkuna waa wareego ee sidaa haloo ogaado awalbaan waxan layaabanaa isda loogu maheriyay gabilay dila ii oo khiyaamay reerdilaa iyada oo aywaliba kasoo jeedo marwada madax waynaha huda barkhad halkaana waxa ka muuqata in wax la danaynaayi aanay jirin ee ay tahay in dantooda gaarka aywataan
August 11th, 2008 at 7:55 pm
Run ahaantii waa wax aad looga xumaado waxa uu ku kacay riyaale taas oo uu ka dambeeyo geele , laakiin waxaan waydiinayaa riyaale ninkan reer jabuuti ah ee aanan wadanka u dhalan ee lagu keenay damaca ISMACIIL CUMAR GEELE meesha iyo cida uu xukumi doono ,way ka go an tahay dadka reer salal in ay talaabadaas ka timid ninka jabuuti ka taliya ka hor tagi doonaan , waxaanan u sheegayanaa kuwa ku riyoonaya in gobolka salal uu Riyaale siiyey ay ku hungoobi doonaan damacoodaas, waa in talaabo kulu arinkaas lagag jawabaa, riyaale QULJEED sii hadii uu ku mehersaday GEELE….
August 12th, 2008 at 1:29 am
walaalayaal gobolka awdalmarhore ayaa la iibiyey iminka lama iibin.
waxaa lo,iibiyey gobolka markii badhasaabka awdal,la sameeyey badhasaab ku xigeen laga dhigay ninka ciise markaasaa gobolku iib,ahaa.
laakiin waqx laiskaga hadhayo noqon maayo
August 12th, 2008 at 8:05 am
Waa maalin madow, waa tariikh madow. waa go’aan madow
‘NIN DHIRBAAXO QUUDHEED DUGSADAY DHAQAYADEED MAALYE
DHASHAADAY SUGTAA XAAJADAAAD DHOWRSADTAA ABIDE
HADAAD DHIMATO GEERIDU MARBAY NOLOSHA DHAANTAAYE’
Haday cadaalada SOMALILAND ay tahay in qabiil dhulkii inta laga qaado la gudoonsiiyo mid an dhulkaba daganayn CADAALADAASI HA DHACDO.
Salaamu Calaykum
August 12th, 2008 at 4:01 pm
Nimaan warankaagu galin weedhaadu ma gasho ee ka tashada,
hadal wax ku qaadimaysaan eh.
August 12th, 2008 at 7:35 pm
waa maxaad idiiin diiday inaad dhulkiina xorowsataan
August 13th, 2008 at 11:08 am
aniga oo jooga sweden waxaan aminsanahay in dhul awdal leedahay ayna ciise qaadan karin waayo ciise intuu imaado xeebta samaroon dhulka laabi maayo waxaan aminasanahay in uu dhacayo dagaalkii 3 sadexaad ee dunida taasna halagu daro taariikhda iam jibril yonis
August 13th, 2008 at 11:14 am
asc waxaan ku bilaabayaa marka hore salaan mar labaad waxan joga dalka holland waxaan ku daraa fikirkayga waxaan leeyahay dadka moodaya in dhul laga qaatay ee qaylinaya oo baroortoodii laga maqlayo raskanbino ila lawyacado ee leh ha naloo soo gurmadoo ee nafka dayaya in dawlada somaliyeed iyo ajanib u soo gurmadoo wxaan leeyahay kalsoonidii samaroon lahaa waad masaxdeen iyo ragoodii laga baqayay ee 1 nin ee samroon uu u dhigmayay 100 ciise ah mee waxaan odhan lahaa beesha maxad case kalidiin dhulka ma lihidna waan inila leenahay taasna ogaada aniga oo ka soo jeeda beesha habarcafaan
August 13th, 2008 at 11:24 am
aniga oo ka soo jeedea qurba jooga beesha samaroon ee dalka sweden iyo norway waxaan soo jeedinayaa in samroon uu yahay mid waxaan odhan lahaa dhulka la leeyahay ciise ayaa qaadanaya ma jirto ciisena dhulkeena iyo xeebta samaroon shaqo kuma laha intuu ciise dhulka imaadana laabi maayo oo anaa usoo dhintay oo ragaygii ku aasan yihiin alaaya raxmee maantana u jooga hadii ay dhacdana inuu la imaado damac iyo soo jiidasho hala ogaado waxaa dhacaya dagaalkii 3 aad sadexaad ee dunida hana la ogaado dhulka in loo siman yahay aniga oo ak soo jeeda bal waynta JIBRIIL YONIS
August 13th, 2008 at 2:45 pm
Anigo oo ka mid ah B.W. Gadabursi ee degan London, Uk,
Kuna Dhashay degmada BOON ee Ka mid ah dhulka la bixiyay ee La Siiyay ciisaha
waxan dhiiri galin weyn oo an dhamman doonin aan gaadhsiina Bulshsa Weynta Gadabursi meelkastow jooganba
“oon le ahay dhulkeena aan dhacsano ilama adeero Dahir Riyaale naftiisa oo kaliya ayuu matalaye ma matalo Bulsha weynta Gadabursi hada iyo ka horba”
inta Ka dib aniga magacaygu Waa Maxamed Rooble Xassan,
diyaarna uma ihi tacsi in aan halkan uga diro bulsha weynta Samaroon ee dhulkooda la iibshay Waayo waxan Qaba ma Gayaan tacsi ee waxay gayaan Dhiiri galin Iyo Baraarujin waayo dhulka uma dayn doona Ciise Sidana looma Waayi doona gobolka waxan qaba shakhsiyan anigu in tacsida la diro marka qof ka dhintay oo aan soo noqod lahayn amba wax ka tagay oo aan kugu soo noqon doonin ayaa tacsida mudan laakin dhulkayagu kama aanu samrin waanan heli doona insha allah, marka waxan odhan laha dib aan isku habaynoo dhinac kastaba.
waxan inta ku darsanaya oo aan u sheegaya dadka taageersan go’aankan dhulka riyaale ku siiyay reer jabuuti, in sida ay reer awdalka Djibouti degani ayna Madaxweyne u soo Dhigan karin dalkaasi amba mayor ayna maamul U soo dhigan Karin reer jabouti inta yar ee degan dhulkayaga Awdal iyo Salalba waayo marti ayay noo yihiin ee maha macnaheedu dhulka ayay le yihiin sida ay Samaroonka Jibouti Degani Jabouti U sheegan waa in ayna Ciisena awdal iyo Salalba u sheeganin hadi kale Rooble Afdeeb kale ayaa soo baxaya waxana hubaal ah in ay Somaliland oo Bari ka shidmaysa iyo Jabuutiyo Erethria ka baqaysa midna ku diirsan waydo natiija dagaal kale oo cusub.
wa bila tawfiiq
cidkasta oo cod igu soo darsanaysa amba dhalisha qormadaydan fadlan halkan igu soo dir
zamaron@fastmail.fm
August 15th, 2008 at 2:27 pm
anaga oo ah qurba jooga dalka holland ee beesh samaron waxaan leenahay ciise isaga oo aan dharba xidhnayn dhulkeena qaadan mayee tusbaxa horay u rga raga jibril yonis ee xukuma hayana waxaan leenahay dee kaligiin dagaalami maysaane anagana maad na masaxdeen mida kale xiniyaha kaa lusha midla mida ayaa aniga ilga lusha ee na ogaada jibril yonissoow abtiyaal aniga oo ka soo jeeda beesha habarcafaan
August 15th, 2008 at 2:28 pm
aniga oo ka soo jeedea qurba jooga beesha samaroon ee dalka sweden iyo norway waxaan soo jeedinayaa in samroon uu yahay mid waxaan odhan lahaa dhulka la leeyahay ciise ayaa qaadanaya ma jirto ciisena dhulkeena iyo xeebta samaroon shaqo kuma laha intuu ciise dhulka imaadana laabi maayo oo anaa usoo dhintay oo ragaygii ku aasan yihiin alaaya raxmee maantana u jooga hadii ay dhacdana inuu la imaado damac iyo soo jiidasho hala ogaado waxaa dhacaya dagaalkii 3 aad sadexaad ee dunida hana la ogaado dhulka in loo siman yahay aniga oo ak soo jeeda bal waynta JIBRIIL YONIS