Shacbiyoow: Kii shaqadiisa rubuc kamida sameeya ayaa toban sano amaan hoorsada (TIINKA iyo Boorama)
Warqad ku socota Madaxwayne Daahir Rayaale iyo Shacabka Awdal iyo Selel
Shacbiyoow: Kii shaqadiisa rubuc kamida sameeya ayaa toban sano amaan hoorsada (TIINKA iyo Boorama)
Madaxwaynow: Gabiilayna Gaduursi umagacaw oo qodobka sinaanta ku qaad (Danaysi)
Salaamu calaykum Shacab iyo madaxwaynoow
Ku: Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.
Mudane madaxwayne waxad ogaataa waxan xaq ku soconayn hadaad xaqdaro ku socod siiso oo aad isticmaasho awood uu ilaahay ku siiyay in if iyo akhiraba lagaala xisaabtami doono.
Mudane madaxwayne waxad kalood ogaataa qofka shacab masuul u ihi inuu dadka usimanyahay oo ay sokeeyi hiisa iyo shisheeyihiisuba kuleeyihiin xaq isku mida.
Waxanad ogaataa inayna sax ahayn in aad ku dulmido dad sobob la xidhiidha xigtanimo ama isku halayn aad isku halaynayso dadka aad kadhalatay oo aad dabadeedna xaqooda dulmido.
Waxa kalood ogataa mudane madaxwayne in aad if iyo aakhiraba kanoqon doonto masuul marka xilkaagu dhamaado wax kasta oo aad xeerisay. Ama wanaag ku xeeri ama xumaan ku xeeriyoo.
Mudane madaxwayne waxa kale oo aad ogaataa in aad masuuliyadeeda leedahay xeerkasta oo aad soo saarto kaasi oo dalka wada daga dhibaato aan dhamaan dhex dhigaya hadaad joogtiyo hadaad tagtaba. Sidoo kale waxad ogaaataa in aad leedahay wanaaga uu keeno xeer aad adu samaysay oo isku soo jiida dadka wada dagan dalka aad madaxwaynaha u tahay.
Waxanad ogaataa xadhka aad isku xid xidho haday murgaan oo dib loo furiwaayo dhibaatana ka timaado in markasta lagugu xasuusan doono.
Mudane madaxwayne hadaan usii daadago nuxurka fariintayda. Dhawaan waxad magacawday gobolo aad dalka ku soo biirisay, hadaba inkasta oo aan ahay wadani marka horeba aan ku qanacsanayn sida loo magacaabay gobolada hadana waxa timid in aad gudoomiya yaal u magacawdo goboladii aad bixisay.
Gobolada aad gudoomiyayaasha umagacawday badidood waxad umagacawday dad udhashay gobolada ay xakumayaan. Laakiin mudane Madaxwayne waxa aad iyo aad su,aalo badani uga taaganyihiin gobolka Selel oo aad dhawaan umagacwaday gudoomiye cusub iyo waliba guud ahaan la dhaqankaaga ku aadan dadka kasoo jeeda Awdal iyo Selel gaar ahaan dadka ku abtirsada Gadabuursi.
Su,aalahaa qaar kamidihi waxa weeye mudane madaxwayne sobobta aad udhayalsato amaba aanad xil iskaga saarin dadkan muwaadiniinta ah oo aad dulmiga iyo dacatiga iyo quudhsi ugu horseedo?
Dacatiga iyo dulmiga kuwa ugu yaryar anoo soo qaadanaya waxa kamida hadii uu geeriyoodo boqorka ugu sareeya Gadabuursi in aanu waxar kaaga duwanayn halka aad boqasho ugu tagto tuuga hargaysa ku dhintay. Tusaale (XASSAN SHEEKH MUUN) (SHEEK MUUSE GOODAAD)
Waxa kaloo kamida dadkii galbeedka duufanaduku la yeen. Waxa kasii daran dhalintii bada ku dhamaatay.
Waxa taa kasiidaran anigoo kuu oqoonsan madaxtinimadaada guud maxaa waxtar ah ee aad ku maamushaa maanta Awadal iyo Selel ee aad u sheegan
Macnahaygu maaha malaga nafta qaada laxaajoo oo naga jooji ilayn bili aadan baadtahay oo awood umalihide, laakiin xasuusta ayaa ah wax qiimo wayn, lagaamana rabo mid gaara ee waxa lagaa rabaa uun ta aad masuulka ku hayso.
Hadaan u usoo laabto ficilka ugu danbeeyay ee aad Selel ugu magacawday gudoomiyah bal mudane madax wayne waxad dadka ka qancisaa cidaad latashatay ee dagaanka ka soo jeeda qabiilkay doonaanba ha ahaadeene (CIISE Iyo GADABUURSI) mise adiga uunbaa madaabaad gobolka ka soojeedo iska gaadhay go,aanka.
Hadaba hadii aanad cidba la tashan oo aad adiga uuni iska gaadhay go,aanka waxad ogaataa in aanad adu maanta gadabuursi iyo ciise hargeysa ujoogin oo aanad matalin.
Dadkani waa dad shacaba oo kamida dadka aad maamusho guud ahaan,
waa dad leh madax dhaqameed dhibta kala saarta,
waa dad leh xildhibaano ay soo doorteen (Representatives)
waa dad mutacalimiin leh
waa dad dawlado hoose iyo dad u taliya leh in kastoy iska magic uyaal yihiin oo anay kuwa waxtara ahayn
waa dad musheekh leh.
Bal hadaba aniga oo aanan waxba ka sheegayn shakhsiyada iyo dhalashada ninka aad umagacawday Selel waxad shacbiga ka qancisaa sobobta ay ku aqbalaan iskagana dhawraan in ay faraha iskula tagaan imikiyo mar danbaba.
Gabagabadii mudane madaxwayne haduu jiro oo aad Selel ku qaaday qodob layidhaa sinaan oo sheegaya in aanan dalka la kala xigin oo ninkastoo Somaliland ihi meeshuu doono dalka madax ka noqon karo. Oo aanay jirin degaan ukala badnaasho iyo cod lagu kala baxayaayi ,isla markaana anigoonan waxba ka sheegayn su,aala ka qabin ninka aad Selel umagacawday wadaninimadiisa waxan kaa codsanayaa in aad Gabiilayna nin gadabuursiya Gudoomiye uga dhigtaa Burcana nin Dhulmahanta ah Booramana nin ciisa ah.
Ku: dadka reer Selel iyo Awdal
Dadyahaw masaakiinta ihi waxan idiin sheegayaa in aanad kala lahayn ku masuul ah iyo ku shiciba taasina ay sobobtay in sidii doono la iniga yeelo.
Waxa hubaal ah oon la danfiri Karin in gobolada aan magacaabay ay dagaan Ciise iyo Gadabuursiba laakiin maaha in maamulkooda lagasoo dhiso hargaysa iyada oo aan la xeerin sida loo dago iyo cida munaasib ku ah.
Mana aha in layeelo wax waxgaradka reera iyo xeer beektida reeru aanay ka fadhiisan wa,ayo dhib iyo is nacayb uunbaa ka imanaya waxaan laga wada ahadalna dhibtiisuu leeyahay.
Mida kale sadex todobaad ayaan Borama kasokeeyaa mana aha meel maasuul iyo dad utaliya leh.
Maamul gobol iyo mid dagmo oo saani ushaqeeyaayina majiro ee waxa kuwaas oodhan ka wanaagsan oo uga waxqabad badan dadka shirkadaha private ka ah.
Taasina waxa keenay shacabka oo aanan kala garanayn xidhiidhka iyo waxa ay isku yhiin iyaga iyo masuuliyiinta muumulka uhaysaayi.
Kii shaqadiisa rubuc kamida sameeya ayaa toban sano amaan hoorsada, waxayna amaantaasi ilawsiisaa shaqadiisa iyo waajibaadka saaran.
Tusaale ahaan mayarka boorama waxa lagu amaanaa hal kiiloo mitir laakiin magaaldana qashin iyo tiin ayaa iskala baxay iyo waliba dhagax kamana hadlo kuwaa ee waa iska dhaga marshaa.
Booramana sadex todobaad ayaan ka sokeeyaa ninkii wax su,aal ka qabana waan ka qancin
Gabagabadii waxan jeclaa in aan qoraalada reer wadal/selel iyo Somalilandba iska dhaafo horayna taasaan ugoostay laakiin cad meelxun kaabaxay la iskama gooyo waana bulsho aan ka mid ahay xumaan iyo wanaagba.
Cabdale Farah Sigad



