Weerarkii UCID,Isdifaacii KULMIYE & Wadhidii UDUB ka raacday Jaamacada Hargaysa
Weerarkii UCID, Isdifaacii KULMIYE iyo Wadhidii UDUB ka raacday Jaamacadda Hargeysa
Hargeysa (Jam)- Siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbul-xaakimka UDUB, ayaa si kulul isugu weeraray xaflad loo sameeyey shalay qallin-jabinta dufcaddii shanaad ee ardayda Jaamacadda Hargeysa.
Ardaydan qallinjabisay oo tiradoodu dhammayday 250 arday oo dhammaystay saddex kulliyaddood oo kala ah Ganacsiga, Sharciga iyo Sayniska, kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo gabadhaba, waxay waxbarashadaa wadeen muddo afar sanno ah.
Xafladda loo sameeyey qallin-jabinta ardaydaas waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad iyo xubno kale oo wehelinayey, mudanayaal ka tirsan labada gole Baarlamaan, aqooyahano, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, ardayda qallin-jabinaysay iyo martisharaf kale oo tiro badan.
Madashadaas ujeedadeedu ahayd in lagu sii sagootiyo ardayda qalijabisay oo maamulka jaamacadda ee hagayeyna ay ka dalbeen masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka qaybgalay in ay yareeyaan hadalada siyaasadda ah, ayaan sidaa noqon, balse isu rogtay goob aan waxba la isula hadhin oo weerar iyo weerar celis ku dambaysay, isla markaana keentay in masuulkii u hadlayey xisbiga talada haya ee UDUB lagu oriyo.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ardaydaa guddoonsiiyey shahaadooyinka, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey, waxa uu ugu hambelyeeyey ardayda qallin-jabisay oo uu ugu duceeyey in Ilaahay ku anfaco cilmiga ay barteen, iyaguna dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan. Waxaannu xukuumadda u soo jeediyey in ardayda ugu horreysa imtixaanaadka loo raadiyo aqoon dheeraad ah, gaar ahaan shahaadada Master-ka.
Md. Axmed Yuusus Yaasiin waxa uu u soo jeediyey maamulka Jaamacadda Hargeysa in Kulliyadda Sayniska lagu daro qayb deegaanka iyo ilaalintiisa lagu barto, taas oo wax badan ka tari doonta in dadku bartaan deegaanka ay baabinayaan dhibta ay keenayso. Waxaannu kula u soo jeediyey ardayda dhammaysatay qaybta Sayniska inay keenaan fikir lagu joojinayo geedka la jarayo oo khasaare ballaadhan deegaanka ku haya.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa kale oo isaga oo dabajoogay hadal uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali ku sheegay inay si fiican u sii sagootiyayaan xukuumadda haddii ay talada ka helaan, kaas oo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in dhaqanka Afrikaanku madaxdooda hore u sagootiyaan uu yahay caydiisa oo sheegsheegaan, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dhaqanka Afrikaanku ku sagootiyaan madaxtoodu waxa weeye tuug buu ahaa, dilaa buu ahaa iyo qaatil buu ahaa, laakiin marka uu dhinto ayey yidhaahdaan geesi wadani ah buu ahaa, hadda waxaan leeyahay walaalkay Faysal kaas uun ha nagu sagootiyina. Haddii aynu nahay masuuliyiintii waddanka waxaynu shacbiga ka codsanaynaa inay inooga duceeyaan kursi jacayl. Waxaanad ogaataan in kursiga uu ku fadhiisanayo uun nin samada laga ogolyahay ee aanay cid kale ku fadhiisanayn.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in dalku yeeshay jaamacado badan, balse weli tayadoodu xun tahay oo aanay jirin tayo fiican oo ku soo kordhaysaa. Waxaannu xusay inay inta badan hormarka ay is hortaagaan dadka aan markaa xilka wax ka hayni.
“Maalin dhaweyd waxaan maqlayey jaamacadda odhat baadha ayaa la geliyey, waaban yaabay oo waxaan idhi waar dawladdaba odhat lama geline jaamacadda odhatku muxuu ka dhexqabnayaa. Way fiican tahay in wax la ogaado, laakiin maaha in lagu shaqaysto oo qof dan lihi odhat la geliyo jaamacadda, waanan baadhay arrintaa oo labada qolaba waan la sheekaystay, waxaanan ogaaday in ay iiga kac tahay meeshu ee aanay jirin wax kale. Horta haddii aannu qabano tallada waanu ku noqonaynaa manhajka aad wax ku barataan oo waanu bedelaynaa mid UNICEF noo soo samaysay dhigimayno,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe
Guddoomiyuhu waxa uu kula dardaarmay ardayda in aanay cabsan oo dhammaan axsaabta qaranku ay heshiis ku yihiin Diiwaangelinta, Komishanka iyo Doorashooyinkaba, balse ay ka soo wada horjeedaa jabhadaha la doonayo in la sameeyo.
“In aynu innagu qori isku qaadanaa waa inaga xaaraan, waxaynu leenahay distoor waa in aynu dawladda waqtiga la siiyey ku eegnaa waxay qabatay oo aynu cod ku bedelnaa ee maaha in qoryo la qaato oo dadka la kiciyo. Maanta ninka intuu gaadhi kurta ka jaro jabhad samaystaa horta yuu weerari lahaa, anigu waxaan garan la’yahay halkuu weerari lahaa, waayo waxaynu nahay qaran Somaliland la yidhaa ee qabaa’il ma nihi. Markaa waxaannu leenahay wallaalayaal cagta u dhiga dawladda haddii aannu ka helnana si fiican baanu u sabootiyi doonaa.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Hargeysa ay dalka wax weyn u qabatay oo soo saartay dhallinyaro badan oo aqoonyahan ah, kuwaas oo mustaqbalka dalka Somaliland iyo aayihiisa gacanweyn ka geysan doonta.
Md. Siilaanyo waxa uu sheegay in horumarka dalka Somaliland gaadhay ee dhinacayda nabadgelyada, dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska iyo ka horaga falalka waddanka lagu shirqoolayo ay ammaantiisa leeyihiin shacbiga reer Somaliland, balse buu yidhi; “Haddii aynu run ku hadalno innaga oo intaas oo dhan ku faanayna, ma qarin karno inuu madmadow badani inaga muuqdo, waxa inoo muuqda doorashooyinkii oo dhawr jeer dib-u-dhacay, taas oo masuuliyadeeda aannu saarayno dawladda ku meel-gaadhka ah ee maanta taagan, waayo maamulka inoo dhisani maaha kii aynu dooranay ee shantii sanno way ka dhammaatay. Heshiiskii berigii dhaweyd aannu gaadhay ayaanu ku heshiinay in dawladda ku meel-gaadh ah oo doorashooyinka ina gaadhsiisa noqoto, laakiin maanta qodobo badan oo heshiiskaa ka mid ahaa oo dunida iyo caalamku nooga makhraati ahaa sida in aannu gudiyo samaysano dawladdii aad bay uga warwareegaysaa oo way muuqataa.”
Md. Axmed-siilaanyo waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay dalka ugu yeedhayso ballaayo aan joogin, taas oo ah buu yidhi wax aan la aqbali karayn, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaanan maanta dawladda ka akhrisanaynin dacaayadaha ay iyadu dalka ku wado, dunida maanta waxa ka socda dhibaatooyin farabadan oo aynaan doonayn in ay saamayn inagu yeeshaan. Haddii haddaba inagu isku soo hoggaamino dhibaato oo aynu dalkeena ku bixino in argagixiso ka socoto oo ay dawladda afkeeda ka soo baxdaa ma xalaal baa? Mayee maaha ee waa xaaraan.”
“Waxa la soo qaadqaadayey oo dawladdu had iyo jeer sheegtaa baabuur baa kurta la jaray, horta baabuurta madaxa la jaray anigu indhahayga kuma arag weli wax arkayna ma arag, marmarka qaarkood waxaan is idhaahdaa waa la abuurayaa, laakiin waxaan halkan ka caddaynayaa waxaan maqlayaa dad loo duur-xulayee anigu waxaan ahaa ninkii 80 cod oo weliba boobka iyo tuugada ahaa kaga tagay nabadgelyada dalka ilaalinteeda, aniga, xisbigayga iyo inta iga taloqaadataa halgan hore ayaanu u soo marnay qadhaadhkiisana waanu naqaanaa, xabbadi waxay tahayna waanu naqaanaa maanta cod baanu wax ku doonaynaa ee xabbad wax ku dooni mayno. Haddii waxaa la sheegayaa jiraan waanu dhaleecaynaynaa shuqul aannu ku leenahayna ma jiro, wixii la socdana dagaal baanu ka xignaa in aannu ku qaadno weliba. Uma baahnin oo taageerada dadka ayaanu haysanaa oo aannu hubno in aannu doorashada ku helayno. Maxaa iskaga af-dhigay dawladdeenii dalka xukumaysay iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland ee lahaa argagixiso ayaa Somaliland joogta ee qolyihiinii wax bam garayn jirtay kaalaya na bam gareeya miyaa, waa wax laga xishoodo.”
Sidoo kale, Mr. Cumar Jaamac oo ku hadlayey magaca xisbiga UDUB, ayaa waxa uu sheegay in aqoontu tahay waxa lagu qiimeeyo horumarka dal kasta, taas oo uu ku hambalyeeyey ardayda qallin-jabisay oo uu u rajeeyey inay noqdaan qaar mustaqbalkoodu wanaagsanaado. Isaga oo ardayda qallin-jabisayna u soo jeediyey inay ka qaybqaataan horumarka dhinacyada kala duwan ee dalka.
Cumar Jaamac oo u muuqday nin u kacay u jawaabidda Axmed-siilaanyo waxa uu ku dooday in xisbiyada qaarkood oo aannu si cad u magac dhabin ay doonayaan in lagu noqdo qabiilkii, kuwaas oo wada buu yidhi shirbeeleedyo, isla markaana ay taageersan yihiin baabuur la sheegay in kurta laga jaray oo la soo qabtay.
“Maanta axsaabta qaranku inay taageeraan shir beeleedyo oo ay bilaabaan in hub dib loo soo saaro gaadiidka oo ay inagu celiyaan tii 1991 - 92-kii uma baahnin. Waxa wax aad looga naxo ahayd oo aad talafishanada ka daawateen in afar gaadiid ah oo hub la saarayey oo axsaabta qaar taageerayeen laga soo qabtay miyiga oo ay maanta lagu hayo, waa ayaan-darro in aynu maanta dib hub ula galno miyiga,” ayuu yidhi Cumar Jaamac.
Haseyeeshee markuu hadalkiisa halkaa marinayo ayaa waxa madashii ka bilaabmay qaylo, foodhi iyo sawaxan lagaga soo horjeeday hadalladaas, taas oo keentay in aannu sii wadan Karin khudbadiisii oo uu halkaa ku joojiyo.
Wasiirka Waxbarashada Md. Xasan X. Maxmuud Warsame (Xasan-gadhweyne) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ardayda qallin-jabisay ku dhiirigeliyey aqoonta ay barteen iyo sidii ay u sii wadan lahaayeenba, isaga oo tilmaamay inay nasiib u heleen aqoon heer jaamacadeed, taas oo aanay helin in badan oo la mid ahi. Wasiirku waxa kale oo uu ka xogwaramay xidhiidhka ka dhexeeya Wasaaraddiisa iyo jaamacadaha dalka oo uu tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo wadashaqayn iyo talowadaag ku salaysan.
“Waan ka xumahay halkani Khayriyadii maaha, meel bay leedahay siyaasaddu, xisbi waliba xarun buu leeyahay meel Khayriyada la yidhaa oo inaga dhexaysaana way jirtaa, waxaan ka rajaynayaa saddexdayada dhinacba in aan halkan lala iman arrimihii aynu khayriyada ka odhan lahayn, aynu u aragno in halkan aqoonyahan joogo, kuwaas oo leh aragti siyaasadeed oo ka fog waxaynu ka hadlayno,” ayuu yidhi Wasiirku.
Md. Xasan X. Maxamuud Warsame, waxa uu si gaar ah u naqdiyey hadalkii Guddoomiyaha UCID Faysal Cali ee ahaa in jaamacadaha manhajka ay u soo diyaariyaan hay’ado, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Saaxiibkay Faysal Cali-waraabe, horta isku reer Xamar baanu ahaan jirnay meelna waanu ka wada shaqayn jirnay Injineerka, berigii hore hadalkiisu sixitaan buu ahaan jiray, laakiin iminka waxaad moodaa inuu waxoogaa darbado marmar ridayo. Xukuumaddu ma diidana in la naqdiyo oo la sheego madmadowgeeda, maxaa yeelay sixitaan bay noo tahay haddii ay jirto, haddii kalena waa been baanu leenahay. Jaamacadaha UNEICO uma diyaariso manhajka ee jaamacado kale ayay ku wada xidhan yihiin.”
Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Md. Maxamuud Garaad Maxamed oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dimuqraadiyaddu tahay in qof waliba aragtidiisa sheego sax iyo khaladba, balse ay ardayda la gudboonayd inay mid waliba dhegaystaan oo aanay midna ku qaylin midna u sacabatumin.
Md. Garaad waxa isaga oo dabajoogay hadalkii Axmed-siilaanyo ee ahaa in 80 cod oo xaaraan ah uu uga tagay nabadgelyada dalka awgeed, waxa uu yidhi; “Guddoomiye Axmed-siilaanyo arrimuhuu ka hadlay waxa I taabtay markuu yidhi 80-kii xaaraanta ahaa, horta Guddoomiye luuqadaa waan ka bedeli lahaa, aniga oo waqtigaa ka tirsanaa Komishanka mid baanu ku mahadinaynaa taariikh leh oo afrikaanku waa la iga helay maba qaato 80 ama kumanaan ha lagaaga helee. Aniguna waxaan markhaati Ilaahay hortii kala kacayaa in cododkii la soo hooyey ee la saxeexay uu 80-ka cod ka soo baxay.”
Ku-simaha Guddoomiyaha ahna ku-xigeenka dhinaca Maamulka Mr. Maxamed Maxamuud Faarax oo magaca Jaamacadda ku hadlayey ayaa ka waramay horumarkii ay jaamacaddu gaadhay muddadii ay jirtay ee sideeda sanno ahayd, isaga oo tilmaamay in dadaal dheer ay ugu jiraan sidii ay waxqabadkooda u sii horumarin lahaayeen.
“Waxaan idiin sheegayaa in kooxdan qallin-jabisay ay raad ku dayasho leh jaamacadda kaga tagayso, waxa la tabi doonaa firfircooni joogta ah oo ay lahaayeen, waxa la tabi doonaa daraasad iyo xal u helida dhibaatooyinka jaamacadda ku soo kordha, waxa la tabi doonaa abaabulka dood cilmiyeedyada iyo sarraaxadda ay ku waajahayeen wixii soo baxa,” ayuu yidhi Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacaddu
Hormoodka dhinaca waxbarashada ee Jaamacadda Cabdirashiid Gaaxnuug oo halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey lixda kulliyadood ee jaamacaddu ka kooban tahay iyo qaabka ay wax u dhigaan, kuwaas oo kala ah ganacsiga, sharciga, culuunta, daraasaadka islaamiga, caafimaadka, culuunta kumbuyuurka, iyo koorasyo kale oo gaagaaban. Waxaanay ardayda dhammaan kuliyadahaa dhigataa dhan tahay 2050.
Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in sannadka soo socda ay ugu magacdareen sannadkii tayeynta Jaamacadda, isla markaana ay wax ka bedeli doonaan manhajka ardaydu wax ku barato, iyaga oo ku soo kordhin doona maadooyin xidhiidh la leh deegaanka dalka. Sidoo kalena ay siyaasad cad u sameynayaan habka imtixaanaadka jaamacadda. Waxa kale oo uu sheegay inay sannadka ku soo kordhiyeen jaamacadda laba kulliyaddood oo kala ah mac-had lagu baranayo xalinta khilaafaadka oo jaamacado dibada ahi ka caawinayaan iyo mac-had kale oo lagu baranayo Qur’aanka oo ay ka caawisay dawladda Sucuudigu, kaas oo waxbarashadiisu bilaash tahay.
Waxa iyaguna munaasibadaa ka hadlay hormoodada saddexda kulliyadood ee ardayni ka qallin-jabisay ee kala ah ganacsiga, sharciga iyo sayniska, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay aqoontoodu iyo siday uga soo gudbeen.
xigasho: golisnews



