Xadiiskii Xudeyfe iyo Hadalkiisii ..
Xadiiskii Xudeyfe iyo Hadalkiisii
<< Asxaabtu Nabiga N.N.K.H,waxa ay waydiin jireen khayrka iyo meelaha uu ka dhowyahay, Albaabadiisa iyo ajarka ay ka helayaan, Anniguse ” Xuddeyfe” waxaan weydiin jiray Nabiga S.C.W.Sharka iyo Albaabadiisa, si aanan ugu dhicin ugana gaashanto >>
Waxaa haboon Casrigan Fikradaha iyo mabaadi’du hirdamayso inaynu aqoon u lahaano
- Cadowgeena iyo Qaybihiisa kala duwan
- Noocyadiisa kala duwan iyo wajiyadiisa kala midabka ah.
- Aragtiyadiisa iyo Afkaartiisa uu ku adeegto
- Xeeladihiisa iyo majarah uu dhigayo
Sidoo kalena ineynu ogaano Cidda u fulinaysa ama ka danbaysa dhibaatooyinka aynu u jeedno ee horteena yaalla.waxaa kale oo aynu u baahanahay inaynu wax kasta oo aynu qabanayno u lahaano Aqoon iyo si aynaan ugu dhicin boholaha uu cadowgu inoo qoday.
Waxay faa’iido inoo keentay aqoontaasi iyo ogaanshahaasu waxaa kuugu filan inaad kala ogaato.
- Cida inaga soo horjeeda iyo inta inala jirta
- Kuwa inaga hoos shaqysanaya iyo basaasiinta dadban
- Kuwa danta inala sheeganaya, hadana danaha kale uun wada
- Inaynu kala ogaano Ciidankeena iyo magacyadiisa Ciidamo kalle iyo Dirayskooda ta lagu kala saro marka marxaladu qadhaadhaato.
-Inaynu Xisbi Illaah ka garano ka shaydaanka iyo ka haddimada
Waxaynu joognaa casri aan Nolosha laguu ogalayn inaad daba socod iyo dib u dhac labada mid noqoto mooyeee wax kale. hadii waqti iyo fursad ku haboon laguu helana lagu talo jiro in dhulka laga qariyo, sidaa awgeed waxaa haboon inaynu baraarugno oon kala ogaano Xuubka Caaradu dadayso iyo xaqiiqda hoos taal.
Allah wuxuu Nabigiis ku yidhi isagoo uga digaya cadowgiisa danta la sheeganaya ee Afka iyo Dhulka la wadaagayay: (( Kuwasi waa Cadowgaaga e’ ka digtoonoow)). innagana sidoo kale ay inagu socoto oo layna leeyahay kuwani waa cadowgiina ee ka digtoonaada,ogaadana afkaartooda iyo mabaadi’dooda.
Waa Bilaahi Tawfiiq.
Qoraalkii : Abuu Khalid Buraale iyo Sh. Ma’axmed xassan C/laahi ./ Buuga Cadowga Islaamka
saxid: Sh.Maxamed osman



