Guddida Dhexdhexaadinta Xisbiga KULMIYE Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Go’aamo Iyo Talooyin
Guddida Dhexdhexaadinta Xisbiga KULMIYE Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Go’aamo Iyo Talooyin Ay Ku Soo Afjarayaan Wadahadalada
25th, 2008 NewsHargeysa-(Lug)–Guddida Dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga KULMIYE ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aamo iyo talooyin ay ka gaadheen arrinta, isla markaana ay doonayaan inay ku soo afjaraan khilaafkaas.
Go’aamada guddidu ka gaadhey khilaafka oo qoraal ah waxay guddidu ugu dhiibeen labada dhinac kulan gunaanad ah oo ay caawa ugu qabteen Hotelka Ambassador. Wuxuuna go’aanka guddigu u qoran yahay sidan:
“Guddida dhexdhexaadinta khilaafka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ay magacaabeen dhinacyadii uu u dhexeeyey khilaafkii ka dhashay doorashadii musharaxiinta Shirkii Golaha Dhexe ee Burco, kalsoonina u siiyey inay sulux iyo isu soo jiidid dabadeed ka soo saaraan go’aan lagu xallinayo khilaafkaas,laguna mideeyo xisbiga iyo Golihiisa dhexe.
GUDDIGU; isagoo ka duulaya kalsoonida lagu siiyey dhammaystirka khilaafkaas, maskaxdana ku haya in xal waara loo helo khilaafka ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee Burco.
GUDDIGU; isagoo muddo rogrogayey, dhegeysteyna dhinacyada khilaafku u dhexeeyey doodahooda oo murtida gundhiggeedu ahaa: dhinac leh waa in Shirkii Golaha Dhexe dib loogu celiyo, maadaama laba musharrax iyo tiro xubnaha Golaha ah oo ka maqan la doortay musharraxiintii Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka xisbiga ee doorashada dhow. Iyo dhinaca kale oo ku doodayey shirkaasi wuxuu ku dhammaaday si sharciga xisbiga waafaqsan, musharraxiintana lagu doortay, sidaa darteedna lagu celin mayo, wixii kale ee tabasho ah wax-ka-qabashadeeda iyo xallinteedana diyaar baanu u nahay.
Guddigu markuu baadhis dheer ku sameeyey sidii wax u dhaceen maalintii u dambeysey, wuxuu ogaadey in shirka oo furmi lahaa 23/08/08 maalin dib loogu dhigay laba xubnood oo ka maqnaa Hoggaanka xisbiga, isla markaana uu furmay 24/08/08. Sidoo kale maalintii u dambeysey shirka ay ka maqnaadeen laba musharax oo u sharraxnaa jagada Madaxweynekuxigeenka iyo taageerayaashooda oo ka cabanayey waxyaabo ay tabanayeen, hase yeeshee, aan loo joojin shirka. Waxay guddiga ula muuqatay in caado shirka lagu wadey maalintaas aan lagu dhaqmin, taas oo eeddeedu ay dusha ka saaran tahay Shirguddoonkii Golaha Dhexe iyo Hoggaanka Xisbiga.
GUDDIGU; Isagoo ka duulaya maslaxadda xisbiga, tixgelinayana wadajirka iyo midnimada xisbiga:
WUXUU SOO SAARAY GO’AAMADAN:
Wuxuu go’aamiyey in go’aanadii ka soo baxay shirkii Golaha Dhexe ee Burco sidoodii loo daayo, lana ixtiraamo, marka laga reebo sixitaan iyo dheellitir lagu sameeyo Guddida Fulinta ee Xisbiga.
Marka Qodobka hore la dhammaystiro ee ay tanaasulaan musharraxiinta jagada Madaxweynekuxigeenka ee dhinacyada gacanta laysu saaro, in la qabto shir xisbiyeed turxaanbixineed oo xisbiga laysku raaciyo.
SOO JEEDIN:
a) In mustaqbalka marka xisbigu talada ku guuleysto uu wax ka beddelo qaab-dhismeedka dowladeed ee hadda Dastuurku tilmaamayo, isla markaana la abuuro Jagada Ra’iisul wasaare awood leh, si talada dalka looga wada muuqdo. Taas oo wax weyn ka taraysa wadajirka iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee Dalka. Diyaarinta qaabka uu isbeddelku yeelanayo iyo fulinta xilkaas waxaa u xilsaaran Guddoomiyaha Xisbiga iyo Shirguddoonka Golaha Dhexe, waxaana la gelinayaa barnaamujka xisbiga.
b)In labada musharrax ee aan nasiibka u yeelan in loo doorto jagada musharraxiinta Madaxweyne-ku-xigeenka oo ah odayaal aad ugu culus xisbiga maqaam sare laga siiyo hoggaanka iyo talada xisbiga.
Guddigu isagoo ixtiraamaya dhinacyada magacaabay, wuxuu ku talinayaa inay raacaan go’aanada ay danta u arkeen, kuna salaysan maslaxadda caamka ah ee xisbiga”.
Xubnaha Guddiga go’aanka soo saaray:
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Guddoomiye
Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere), Xoghaye
Maxamed Jaamac Cabdi Xubin
Shariif Abokor Dhuuxyare Xubin
Dr. Ismaaciil Cali Jaamac Xubin
Eng. Cabdi Biixi Taar-wale Xubin
C/laahi Carab Ismaaciil Xubin
Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed Xubin.
faafin Lugahaynews



