Khilaafkii Xisbiga kulmiye dhexdiisa oo lasoo Afjaray:
Khilaafkii xisbiga kulmiye dhexdiisa oo lasoo Afjaray:
Canada : 29Sept,2008:- Waxa beryahan ka oogneyd xisbiga kumliye xiisad iyo khilaaf ka dhashay shirkii Burco ee lagu doortay Musharaxa madaxweynaha xisbiga oo ah Mudane Siilanyo iyo Musharaxa Madax/weyne xigeenka oo loo doortay Eng:Seylici. Waxa labo musharax oo utartamayey jagada Madaxweyne ku xigeenka oo kala ahaa Cadami iyo Tolwaa shirkii ay ka baxeen iyagoo soo jeediyey cabashooyin la xidhiidha habka doorashada. Prof: Ismaiil oo isna jagadaas utartamayey ayaa isna buuxda u taageeray labada musharax oo kala ah: Mudane Silaanyo iyo Eng:Seylici.Khilaafkaasi inkastoo uu muddo jiitamay dadweynaha reer S/land mucaarid iyo muxaafidna ilgaar ah lagu eegayey sida loo xilidoono.ayaa waxa uu ku dhamaday isku tanaasul ay garowsadeen kooxdii ka cadhowtay shirka intoodii badneyd oo uu ku jiro mudane Cadaani oo qiyaastii dhan ilaa 50 xubnood oo ka mid golihii dhexe ee kulmiye.Waxa weli hadhsan dhowr xubnood oo aan Tanaasul sameyn oo ku jiro Tolwaa ,Dhagaweyne.iyo Dixood .
Gudoomiyaha Xisbiga Mudane siilaanyo aya shaaca ka qaaday in khilaafkii xisbigu dhamaaday imikana lo diyar garoobo sidii doorashada hawlaheedii loo geli lahaa.Taageerayaashana xisbigana ugu baaqay in gacmaha isqabsaadaan beri ilaa galbeed.Waa arin soo nooleysay rajadii xisbiga oo aad moodeysay inay mugdi gashay.waxa hadaaba habooneyd in taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee qoraalada soo qoraa halkii ay gubaabo iyo tirtirsiin hor leh ay shacabkooda gelin lahayeen.una sheegi laahyeen in xisbigii xilaafkaas ka gudbay.taasina xoog siyaado ay siin doonto xisbiga oo ah waayo aragnimo ay dheeryihiin khilaafka
doorashada murunkeeda oo qeyb ka ah dismaha xisbi dimoqraadi ah oo aan weli soo marin labada xisbi ee kale.Waxan runtii anigu aaminsanahay inuu xisbiga Kulmiye yahay xisbiga qudha ee qaan gaadhay (poltically Mature ) marka aad eegto duruufaha soo maray iyo doorashooyinka dhexdiisa ka dhacday iyo khilaafka iyo duruufaha kale ee la xidhiidha herdenka dhexdiisa oo aan soo marin labada xisbi ee kale.Xisbigu tartaankaas iyo herdankaas dhexdiisa ka dhacay kuma burburin ee waa ka badbaaday ,xoog iyo itaal iyo waayo aragnimo hor leh ayuu ka korodhsaday oo dimoqraadiyadda curdinka ula jaan qaaday ,waxay siineysaa awood dheeraad ah oo anay weli soo aan marin labada xisbi ee kale.dad badan ayaa filayey in xisbigu uu ku burburi doono khlaafkan u dambeeyey oo foodda ay is dareen madaxdii xisbigu.waxay aheyd xaalad adag laakiin lama huraan ah in la maro,khatarteedana way laheyd laakiin maanta xisbigu jahadii toosneyd ayuu cagta saaray tasoo beri iyo galbeed uu isku xiray.Meeshana ay ka baxday sidii doorashdii 2003 in shakhsiyaad la sharfo iyadoo indha laga qarsaday madaxdii xisbiga ukeeni laheyd taageerda u ku guleysan lahaa.marka aan leeyahay lama huraan bay aheyd in xisbigu marxaladan khilaafkan maro .waxa soo waajahday xisbiga in mar labaad khaldkii 2003 lagu celiyo oo shakhsi laga door bido guusha xisbiga.xisbiga golihiisi dhexe waxa uu qaatay qaraar ka duwan kaas 2003.khilaafkana way filayeen waayo shakhsiyaaddii guuldarada keenay2003 ayan weli ka quusan in xisbiga ay markale xagal daaciyaan. nasiib wanaag maanta xisbigii wuu gartay khaldkiisii wuuna saxay.Taagerayasha xisbiga ee wax soo qoraya Weli waxay ka hadlayan shakhsiyaad way madax salaxayaan.kama hadlayeen waxa xaqiiqda oo sidii taagerayaasha xisbiga loo dhiirigelin lahaa ee loogu sheegi qaraarka golaha dhexe badankiisu qaatay oo ka duwan kii 2003 lagu guul dareystay.
Wax yaabaha aan layaabay ee inta badan la soo qorayey waxa ka mid Tolwaa oo dadka qaarkood ay gaarsiiyeen maqaam ah inuu xaq u leeyahay inuu mansabka kasta isaga lagu sharfo madaam uu soo dagaalamay .waxan isweydiin leh ma waxa uu udagaalamay aad mansab aad ku heshid gar iyo gar daro? mise dulmi uun buu ka dagaalamay oo mansab aan shuruud u aheyn?
Qofka Dulmi ka gilgishaa if iyo akhiroba abaagudkeedu leeyahay.
Hadaadse Mansab aan ku helo shardi uga dhigtid waxad u dagaalantay mansab iyo darajo
Laakiin dulmi kamaad dagalamin,markaad mansaabkaas gaartana waxa caado ah inad dadka ku dulmido.
Qoraalo la soo qoray waxa lagu talax tagay sidii uu ku soo baxay magacani Tolwaa oo loo nisbeeyo in Tolkii uu keligii ka soo baxay oo uu waayey cid tolkii ah oo arinkaa ku taageerta taasina ay amaan iyo naceyb inta usoo jiiday.habase ahatee waxan idiin sheegaya in Tolwaa uu tolkii halganka ka horjoogsaday.ragii ugu horeeyey ee ka qeyb galay halganka waxa ka mid ahaa Yussuf SH Ibraahim (Quraab).oo ahaa siyaasi caan ku ah gobolka Awdal oo ka mid ahaa Barlaamankii Dawladdi Cigaal ee Somaliya oo laga soo doortay Dilla 1968.Malintii Qaraab talaabay ee uu ka soo hadlay Idaacadii jabhadda Snm ee Harar, xamar way gariirtay shaqaalihii xukuumadda ee reer Awdal waa la guuxay wax dadka taabanyana wuu ka hadlay.ka dibna waxa uu ugudbay dagaankiisii oo ah Awbare . halkaas oo uu xidhiidh la sameyey duqeydii gobolka taasina gobolka way gilgishay waxana uu ku talajiray inuu ciidan xoogle abuuro sarakiil ciidan iyo rayidba leh waa la xidhiidhay.Arintaas Tolwaa ma jecleysan waxan uu dareemay nin ka caamsan kana magac weyn inuu meeshii yimid waayo isaga xataa cidi ma aqoon oo sarkal hoose(Gaashanle ayuu ahaa) reer Awdal waxay barteen magaciisa markii la soo galay wadanka inta badan.Quraab waxa uu markiiba lagu daray golihii dhexe ee Jabhadda SNM waxana uu raacay Siilanyo yo siyaasiintii kale ee rayidka aheyd ee ay saraakiisha calancasta iska soo horjeedeen.Tolwaa iyo sariikiishii kale ee calan castu waxay bilaabeen in Quraab la mijo xaabiyo oo aanu ku guuleysan arinkiisa .waxana la abaabulay olole lagu weerayo beelaha Reer Nuur oo la iska horkeenayo dadka dagaanka .wanay ku guuleyseen taas oo dagaalki sokeeya ay beelaha is dhalay ayey dhaliyeen.Ka dibna quraab waxa lagu amray inaanu hoos usoo dhaafin Diridhabe.Hadii qorshahaa quraab aan Tolwaa iyo taageerayaashiisu aanay mijo xabin waxa dhici laheyd in Rer Awdal ay halganka safka hore ka laheen ,dagaal sokeeye ma dhaceen Dillana ma burburten. Markaa Khilaafka maanta socota ee Tolwaa aanu ogeleyn nin reer Awdal Mansab ka helo Kulmiye lagu keeno guusha waxay uun la mid tahay tii uu halgankii rer Awdal ka hor joogsaday .Quraab arinka waxa uu iiga waramay 1993 mar aan tagay S/land ka dib shirkii Borama isagoo wasiir u ah dawladii cigaal.maanta wuu dhintay laakiin rag reer Awdal oo nool baa jira oo galay jabhadda SNM oo Tolwaa soo basaasay oo laga soo qabtay Ethopia oo xukuumaddi loo soo dhiibay oo xagga ilaahay iyo tooda oo gelin uun ku badbaaday oo Hargeysa Cawa idin jooga oo xaqaaiqaa ka marag ah.(Dr:Yasiin Abu Raas ) aya ka mid iyo qaar kaloo badan.
Markaa wax badan baan ognahay oo aan iska indha saabna hadaan reer Awdal nahay lakiin qoraalada rakhiis ka waantooba .danta xisbiigiina ka hadla iyo sidad guusha lagu gaari lahaa iyadoo gacmaha la is heysto beri iyo galbeed munaafaqaadaa dadka lagu kala qoqobayo ee guul dararada keenta hala fogaado.
Mihamed Dhiirane
mohameddrn@yahoo.ca
dhiirane
wixii faahfaahina kala xidhiidh Dhiirane



