Gabadh todobaadkii 4-cisho wax aragta, sadexda kalena indhool ah
Gabar todobaadkii 4-cisho wax aragta, sadexda kalena indhool ah
La dabacay 30 Sebtambar2008 soo tabin 01Oktoobar 2008: - Taqaatiirta dalka Ustaralia ayaa ku guul dareestay in ay cadeeyaan oo ay wax ka qabtaan gabar u dhalatay dalkaasi oo oo todobaadkii afar maalin si toos ah wax u arkeysa halka sedexda kalana aysan wax arkeyn oo indhahaba ay isku laabmayaan .
Warbaahinta dalkaasi ayaa laga soo xigtay in taqaatiirta ay ku wareersan yihiin arintaasi iyadoo tani ay ku noqtay xaaladdii ugu horeeysay oo ay arkaan .
“afarta maalin ee todobaadka ugu horeeysa si caadi ah ayay wax u arkeeysa laakiin sedex kala indhaha dam ayay leeyihiin”, ayuu ku war bixiyay mid ka mid ah dadka la ehelka ah gabdhaasi .
Gabadhaasi oo lagu magacaabo Natli Adler oo 21-sano jir ah ayaa haatan ka niyad jabsan dawo la`aanta soo wajahday iyo warka ka soo yeeray taqaatiirta oo ah in aysan arintaani wax ka qaban karin oo xitta qalab lagu ogaado hayn.
Dhacdadaani ayay gabadhani ku bilaabatay markii ay jirtay da`da 17-aadka , waxa ayna sheegtay in arintaani markii ugu horeeysay ay aragtay ay ay ahyed xilli ay hurdada ka soo toostay oo ay ku baraarugtay in indhaha aysan kala qaadi karin .
Xigasho Calanka
Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com



