Boosaaso oo laga dhisay Maxjar Xoolaha laga dhoofiyo (Mee rasaaseey meeday rageedii)
![]()
![]()
![]()
Maxjarka laga dhoofiyo Xoolaha oo Laga Dhisay Magaalada Boossaaso kaasoo ay Iska Kaashadeen Shirkado soomaali iyo Carab iskugu jira.Maxjar waa meel loogu talagalay in lagu baaro xoolaha loo dhoofiyo wadanka dibadiisa taas oo ay shuruuud ka dhigtay hay’adda caafimaadka xoolaha
aduunka si loo koontoroolo caafimaadka xoolaha tagaya wadamada horey umaray.Soomaaliya burbur iyo dagaalo kadib waxaa illaahay dhaxalsiiyay inay nasiib u hesho in shirkad carbeed oo lagu magacaabo aljabiri iyo imaarada ra’sul khaymah ay maalgalin ku sameeyaan maxjar caalami oo laga dhiso boosaaso, runtiina illaahay fadligiis iyo dadaal dheeraad ah oo ay muujiyeen (ex shirkadda alfurqaan)Shirkada somali livestock & trading co. & dawlad goboleedka puntland khaas ahaan Madaxwaynaha puntland Gen Maxamud musse xirsi ayuu ku suurta galay in laga dhiso maxjar caalami ah oo u dhigma maxjarada ugu horumarsan aduunka.
Dhisida maxjarka boosaaso waxay tahay guul aad iyo aad u wayn oo u soo hoyatay bulshawaynta soomaaliyeed ama la dhihi karo waa xorayn ganacsiga xoolaha oo intii burburka lagu jiray si aad ah u dhaawacmay, runtii maxjarku wuxuu noqonayaa mid ku guulaysta in xoolaha soomaaliya aan wax cudur ah oo ka dhaca geeska afrika lagu cilayn bal lagu daraasadeeyo cudurada geeska afrika laguna talaalo wixii ay u baahdaan dawladaha qaata xoolaha nooca tallaalka ay u baahan yihiin.
Maxjarku wuxuu culays aad iyo aad u wayn ka qaadi doonaa ganacsatada xoolaha nool dhoofiya kuwaas oo ku khasaaray suuqyada carbeed oo xoolaha loo dhoofiyo intii burburku jiray, laakiin nasiib wanaag waxaan illaahay ka rajaynaynaa hadii la furo maxjarka boosaaso oo aan isleeyahay waxaa ka haray maalmo tirsan in laga xoroobayo ama loo baxayo iftiin dhaqaale oo nadiif ah lagana baxo mugdigiii cabsida iyo khasaaraha dhaqaalaha ku dhisnaa insha alllaaaah.
Maxjarka boosaaso wuxuu ka kooban yahay 65 xero oo xeradiiba ay qaadi karto 5000 oo neef ari ah, shaybaar casri ah iyo xafiisyadii maamulka, waana qaybtii ugu horaysay insha allaah waxaa ka dambeeya afar qaybood oo kale oo ay ka mid yihiin xerooyinkii lo’da iyo geella
Maxjarka Bosaaso wuxuu ku guulaystay aqoonsiga hay’adda caafimaadka xoolaha aduunka oo loo soo gaabiyo OIE, isla markaasna waxaa kale oo aqoonsaday labadii dawladood oo wafdigii ugu horeeyey u soo dira maxjarka boosaaso kuwaas oo kala ah dawlada imaaraadka carabta iyo saldanada cumaan isla markaasna ku dhawaaqay in ay xoolaha soomaaliya oo soo mara maxjarka boosaaso ay qaadanayaan.
Sawirada waxay kala yihiin xerooyinkii iyo shaybaarkii oo dhakhaatiirtiii ay joogaan
wali waa socotaa mahad maxamed faarax
Xaafiiska Warqabadka Allwadani Somalia



