G/X.UCID: Faysal Cali Waraabe “Weli safar midho dhalay oo uu Madaxweyne Rayaale dunida ku soo maray taariikhda laguma hayo.”
![]()
(Bidix: Faysal Cali Waraabe Midig: Axmed Maxamed Max amuud [Siilaanyo])
hadhwanaag 2008-10-02 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-
Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay safarkii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dhawaan ku tagay dalka Faransiiska, jarmalka iyo ingiriiska mid macno daro ahaa oo wax faa’iido ah oo uu ka keenay aanay jirin, isla markaana uu kharash badan ku baxay.
Sida waxay ku sheegeen Wareysi kooban oo ay xalay Weriyaha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-janaale] khadka Mobile-ka gacanta kula xidhiidhay si gooni gooni ah labada Guddoomiye Xisbi Mucaarid, si aanu wax uga ogaano aragtiyaha ay ka aaminsan yihiin axsaabta mucaaridku Safarakii Madaxweyne Rayaale dhawaan ku tagay dalalka ka Faransiiska, jarmalka iyo Ingiriiska iyo waxa uu ka keenay haday tahay faa’iido, Horumarba iyo dhinaca qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland.
Hadaynu ku horeyno Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo aanu wax ka weydiinay sida Xisbigiisu u arko socdaalkii Madaxweyne Rayaale kaga soo laabtay dalal ka mid ah Yurub dhawaan. Waxa uu yidhi “Wax Alla wax horumar ah oo Safarkaasi sameeyay ma jirto ee siduu isaguba inoo sheegay ilkihiisa ayuu soo samaysanayay, dabadeedna meelahaas ayuu iska soo maray oo waxoogaa lacag ah ayuu soo kharash gareeyay, kolayna nin weyn oo meel soo maray Xafiisyo hoose wuu iska sal-salaamayaa.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Socdaalka uu Madaxweyne Rayaale dhawaan ku soo maray wadamada Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska mid aan wax faa’iido ah ka keeinin. “Markaa wax uu ka soo qabtay iyo wax uu ka soo kordhiyay midna ma jirto.” Ayuu yidhi
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka weydiinay in hadalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ka dambeeyay Safarkii Madaxweyne Rayaale ku tagay Faransiiska oo ay Jabuuti isku wanaagsan yihiin iyo dalal kale waxa uu yidhi, “Arrintan caqligiisa ayuu ka keenay, safarkii Madaxweynuhu ku tagay Faransiiska wax Alla wax macna ah oo ku jiray ma jirin safar khaas ah ayuu ahaa oo uu ku tagayay Jarmalka si uu Ilkaha u soo hagaajisto,”
“ Faransiiskana si uu dadka u jaha wareeriyo ayuu dad reer Somaliland ahi casuumad yar oo hoose ay uga soo dhameeyeen.” Ayuu intaasi raaciyey Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday inaanay jirin safar uu Madaxweyne Rayaale dibada ku tagay oo wax midho dhala keenay jirin, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Weli safar midho dhalay oo uu Madaxweyne Rayaale dunida ku soo maray taariikhda laguma hayo.”
Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-janaale]
Hargeysa/Somaliland
E-mail: Janaale94@gmail.com
Xigasho: Hadhwanagnews



