Jawaab ku socota ina Daahir Obsiiye:
6 .oct.2008:- Aadbay u mahadsan yihiin bahda saylicipress sida wanaagsan ee ay noogu soo gudbiyaan wararka iyo fikradaha dadkaba.waanan ku amaanayaa.
Jawaab ku socota ina daahir obsiiye:
ASlamu calaykum
Sida dhabta ah ma jecli inaan ka hadlo mawduucyada noocan oo kale wakhtikhayadan barakaysan ee ciida ah, laakiin marka lagugu dhaqdhaqaajo dacarta ayaad adiguna shubmaysaa,
Horta Xuseen daahirow hadalkaagu wuxuu u muuqdaa mid wanaagsan hadii uu wanaagaasi kaa run yahayna ajarbaad ku leedahay, hadii wixii carabka uun laga odhanayay tahayna waa hal bacaad lagu lisay, sababta aan taa kuu leeyahay waxa weeyi marka aad leedahay “tolkayaga maxamed case yayna u malayn In laga xun yahay doorashada m/ku xigeenka xisbiga kulmiye ee ay ku soo bexeen balse jibriil yoonis way soo dhawaynayaan” hadalkaagaas run ayaa la moodaa, sida dhabta ah se kama turjumayo ficilka ay samaynayaan beeshaadu, laga soo bilaabo maalintii uu c.raxman saylici cadeeyay inuu isku sharaxayo jagada m/ ku xigeenka ilaa maalintaa maanta ah ee aan joogno waa la iskawada ogyahay falalka argagixisnimo ee ay ku kacayso beeshaadu, waxaanse filayaa waxaa ka guulaystay dulqaadka beesha zaylici ka soo jeedo, oo iyadu warkaaba dhag jalaq u siin, taasina sida aan anigu u arko ma qabto niman aad tol tihiin. Waxaase kuu fiicnayd adiga ahaan inaad nasteexo u jeediso beeshaada ood aad ku tidhaahdid : tolkayow nimankan bahabar celi waligoodba way u hogaansanaayeen cid kasta oo maamulka haysa, isla markaana way u dul qaadanayeen hagardaamo kasta oo ka soo gaadha maamul xumadaa, ee maxaad idinku jibriil yoonisow u xaasidaysaan haday maanta ku soo baxeen jagada m/ku xigeenka kulmiye? Maxayse biiyeen haday isa sharaxeen? Damacagooguse ma mid xunbaa mise waa mid wanaagsan? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo la mid ah inaad waydiiso beeshaada adigoo nasteexo uga dhigaya ayaa kuu qumanayd inta aad leedahay yayna moodin tolkay in laga xunyahay, waar waa laga xun yahay oo sidaa aan hore kuugu soo sheegay waa laga gubanayaaba!!! Tallow ma dayrkii makay gubeen nimankan reer libaaxlay, miyayna ahayn nimanka samaroon ugu dagaanka badan oo mudnaa in gurigooda iyagoo fadhiya bilad sharaf lagu siiyo sida wanaagsan ee ay tolkood (jibriil-yoonis) ugala soo shaqeeyeen maamuladoodii? mise beeshan samaroon bayna ka mid ahayn? Siday wax u jiraan.
Walaahi anigu ma ihi nin bahabar celiya laakiin maalinta aan beesha jibriil yoonis ka xumaaday waxa weeyi maalintii ay soo dhaweeyeen ina awcali, ceeb maaha in la soo dhaweeyo qof leh title shakhsiyadeed laakiin sababta isaga oo ah haad geed waayay loogu soo dhaweeyey boorama maxay tahay? Kaaga darane odayadan UDUB ee is daba yaacayay maxay ahaayeen hadii ayna wadin xumaan iy qabyaaladi. Sawkii waligiiba imanayay maxaa loo soo dhawayn waayay, sowtiise bahabar cili iyo samaroonba u sacab tumayeen maalintuu ahaa m/ku xigeen, sowtii iyada oo jibriil yoonis oo daahir rayaale ka raacay nimankii tacsiyada ugu tagay ahaayeen maxad case, waar ninyohow hadalka aad sheegaysaa haduu runkaa yahay orodoo tolkaa u caqli celi oo ku dheh ha isku dirina nimankan tolkiina ee idin jecel ee waligiinba idinku daba socday hogaanka dalka ee aad hayseen, maantase hadaad wax tustaan dee horaa loo yidhi rag waa laba qarqar oo la kala gooyay,
Ugu danbayn waxa weeyi runtu fanto maaha ee ha la iska daayo beer laxawsiga iyo badhbadha madhan, hadii wax la isku ogol yahayna faraha ha laga qaado nimankaa bahabar celi hadii ayna samaroon wax isku ogolayna, dee bal dumaanka ha la tunto. Nin durbaan tuntay ilaaq dalbaye.
Nabad ahaada idaylkiinba
Cadoosh wacays beeljaaje001@hotmail.com
saylicipress damiin kama aha qalinka qoraaga



