Sir fakatay oo loo xidhay RADIO GALKACAYO
Maadaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cade Muse wuxuu amar ku baxshay in iridaha loo laabo, Idaacada Gaalkacayo ,Radio galkacayo oo ah Idaacada ugu firfircoon Ismaamul goboleedka Puntland lehna Dhegaystayaal aad u fara badan waxay ooda ka rogtay sir xasaasi ahayd ooy qorshaynayeen Madaxda ciidamada Puntland
Markii uu booqashada ku imanayey Cadde Muuse Magaalada Gaalkacyo axadii dhoweeyd waxaa dhamaan heegan la gashay Ciidanka magaalada oo dha n waxaana ciidan lagu wareejiyey bakhaarkii kaydka Hubka ee Magaalada Gaalkacayo waxaana hubka badankiisa loo daadgureeyey saldhig gaara oo loogu talo galay.
Madaxda qaarkood oo aha kuwa jecel nabada kana tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxay sheegeen inay ka biyo diideen talaabada uu qaaday cadde muse isagoo Dhamaan hubkii yaalay Magaalada gaalkacayo loo daadgureyey Xuduuda Somaliland waxayna sheegeen in Puntland abaabulayso dagaal ka dhana xukuumada Rayale Kahin oo xoog ku haysta Gobolka Sool magaalada Laas-canood. waxayna ku soo beegmaysaa wakhti Cadde muuse isku diyaarinayo doorashada Madaxtinimda Puntland oo la qaban doono January 2009.
iyo doorashada Somaliland oo la qaban doono sannadaka dambe , waxaanad maqli doontaan in ciidamada somaliland isku diyaarinayaan difaac ama weerar si dadka looga jeediyo doorashada.
hadhow ha odhan la iima sheeegin. Somalind maxay kala socotaa ababulkan sidayse ugu diyaargaroobeen ?
Gorowe.saylicipress
Filed Under: News




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















