Bal ila eega Jamhuuriyada Somali-sky ee ka Go’day Somaliland
Bal ila eega Jamhuuriyada Somalisky ee ka Go’day Somaliland. Gobolka Awdal wuxuu la midoobay Somaliland maalintii Qabyaalada 18 May 1991kii markaas ooy kula bahoobeen qabyaalad iyo qabiil wax lagu qaybsado laguno boobo.
Hadaba natiijada xeerbeegsigii Qarankii Qabyaalada 1991kii lagu heshiiyey ee Somaliland waxay ilbixisay qabiiladii oo indhaha kala furay & waliba qabiiladii oo tarmay ahna mid Illaahay loogu mahadnaqo, waxaana abuurmay xusul duub in qabiilkii uu gaadhay meeshii lagu xisaabshay waxaana ka dhexdhashay Jamhuuriyada la magacbaxday Somalisky oo iyaduna ku salaysan Qabiil .
Jamhuuriyada Somalisky waxay xubin ka tahay :- Ururka Qudhumada Qabiilada Midoobay
- Ururka Hantimaroorsiga
- ururka ku digashada danyartaJamhuuriyada Somali-sky waxayna ka koobantahay Wasaaradaha hoos ku qoran oo hoos yimaada dhiiga qabiilkaMagacaanta Wasiirada iyo Wasaaradaha
Beesha Gadaboursi
1.Reer Axamed
wasaarada Borama anigaa leh
2.Muusafiin
Wasaarada Borama adigu ma lihid
3. Reer Nuur
Wasaarada wada Nuur iyo kala nuur
4.Jibraacin
Wasaarada labada Gole: Faarax Nuur iyo Maxamuud Nuur
5.Reer Maxamed
Wasaraada dib u xoreynta Maxamed Casaha iyo Kadeedka
6.Reer Farax yoonis
Wasaarada xidhiidhka Hirta yonis Cismaan iyo Golaha killinka 5aad
7.Makayldheere
Wasaarada Iga garbax
8.Bahabar cabdala
wasaarada iska kay qabo ,ii qabo, nakala qabta
9.Reer Dudub
wasarada Inawada keena
10.Bahabar Celi
Wasaarada Foodhinta iyo Saylacdii duntay
11.Gadaal dhal Jibriil Yoonis
Wasaarada sow ma joogno jibriil badhtankii
12.Xeebjire
Wasaarada cadaan u dhac
13.Habar yuusuf
Wasaarada ninkii roonbaa reerka u hadhi
14.Faroole
Wasaarada farta ha igu fiiqin hadaanad faroole ahayn
15.Dhagoweyne
Wasaarada Samaroonimadu waa muqadas
16.Bahabar Muuse
Wasaarada waa labo cali oon ceeblahayn
17.Abrayn
Wasaarada Mashxarada iyo wilwilaha
18.Bahabar abokor
Wasaarada Xidhiidhka Big nation
19.Bahabar Aaden
Wasaarada Gadabuursi ha is barto
Beelaha laga tiro badanyahay waxayna heleen Kuraasta ugu wanaagsan oo Somali-sky bixiso waxayna ku dhimanaysa gobnimo iyo sharaf mar hadii dawladu u badantahay beel kaliya
Beelaha laga tiro badanyahay
Beesha Reer Sheekh Isxaaq
20.Habar Awal
Wasaarada Ganacsiga
21.Habarjeclo
Wasaarada Maaliyada
22.Habar jonis
Wasaarada Arrimaha Dibeda
23.Ciidagale
Wasaarada Xanaanada Xoolaha
24.Arab
Wasaarada Hidaha iyo Dhaqanka
Beesha Ciise
25.Reer Geedi
Wasaarada Horumarinta reer Miyiga
26.Mamaasan
Wasaarada Dib u dejinta
Beesha Daarood ismaaciil
27.Dhulmahante
Wasaarada Gaashaandhiga
28.Warsangali
wasaarada Hawalaha Maraakiibta iyo Dekedaha
Wadaniyiinta laga itaal roonaadey
29.Madigaan
Wasaarada Beeraha
30.Daal jirre
Wasaarada Macdanta iyo Biyaha
31.Gabooye:
Wasarada Awqaafta diinta iyo Garsoorka
Dhaarta xilka Qabyaalada
waxaad ku dhaaranaysaa Mijin jaada markaad xilka qabanayso
in danta qabiilkaagu ka horeyso dananaha Qaranka qabyaallada
Shuruud Bilowga xafiiska Shaqada
ku ducayso ama ka ducayso
Mustaqbalka Qabyaalada Somali-sky iyo Somaliland Daawo filimkan,
daawasho wacan – Halkan riix (http://salalnews.com/news.php?readmore=719)
Soomalidu waxay isku haysataa Madaxweyne Qabyaaladeed sidaas darteed dawlada Somali-sky malaha Madaxweyne. waa ninba meeshii ka dirSoomaalay garaadlay halkeed ku socotaan ?
Mahdi Farah Aden
Mahdi GhandiSource: Salalnews








November 21st, 2008 at 10:04 am
waa qiso la yaab leh. sida hadey tahay halke ayaan u socona? laakiin waa yaab Midgan ma qola mise waa qowl lawada isticmaalo?
January 25th, 2009 at 4:14 pm
marka hore isaaq waxa uu isku camirey kuraasida dowlada dhinac walba marka la eego samaroon waxa laga dhigey minoratiy marka danbena is dad dulman baa loola dhaqmayaa rayaale danta beesha samaroon ma metalo waxaa la eegi bal markuu ka dhaadhaco xilka mustaqbalka reer awdal sidey ey noqon doonto ama si xaq ah baan wax ula qeybsan umada somaliland ama wax yaabo kale oo halis gelin kara aqoonisga iyo dowlada somaliland baa dhici kara siyaasadu waa wax is bedeli kara meel fog baa wax laga eegaa in uu samaroonku isku soo jeedsado maaha ee dadka reer awdal ha masgax furnaadaan