Rayale oo Rajaynaya Inuu Guulaysanayo Tirada uu Samaystay Darteed

Kadib markii xukuumada Dahir Rayale ay komishanka doorashooyinka iyo ka diwaangalinta gacanteeda kusoo xushay marka laga reebo dhawr qof oo xisbiyadu keeneen. waxa loo badinayaa inay Somaliland ka dhacayn doorasho xalaal ahi sobobtana waxa leh goboladii naaxiyey natiijada doorashada.

Madaama oo dawladu gacanta ku hayso tirokoobta, diwaangalinta, iyo codka shacabku bixiyo waa’ayo cida saxaysa ee eegaysa in tirada codadka gacanta lagu hayaa ay sax tahay ama ay waafaqsan tahay inta qof ee dhabtii cod bixisay maalinta doorashada?

Tusaale ahaan magaalada Hargeysa doorashadii lasoo dhaafay waxa ka codeeyey 259 kun oo qof imikana waxa la’hayaa 417 kun oo qof; 200, 000 oo qof hadii ay u codayso xisbi aan ahayn UDUB oo ah tirada runta ugu dhow ee Hargeysa; 217, 000 ee qof hadii ay dawladu qaadato ayaa ka horjoogsanaya madaama oo marka horeba dawladu gacanteeda ku samaysay tiradan. Guusha Hargeysana ay xukuumadu ku qaadato sidaas.

Arintaa ku shubashadu waa suurto gal inay ka dhacdo Burco lafteeda oo la naaxiyey tirada shacabka marka loo eego 120 kii kun ee 2005-shantii codeeyey – sida shacabka badankiisu aaminsan yahay.

Sidaasi darteed xukuumadu waxay haysataa oo shacabka qaarkii siiyey tiro aan xad lahayn oo aan dad cod dhiiba loo hayn oo sida ay doonto dawladu u isticmaali doonto;

Shacabka ayaa markasta dulman hadii uu waayo xukuumad talaabada ay qaadato lagula xisaabtamo sidaasi darteed hadii doorasho qabsoonto natiijadu waxay noqon mid keenta wareer ka badan kii doorashadii hore dhacay; Sidaas waxa aaminsan waxgaradka Somaliland badankooda.

Wararka ka imanaya Caasimada Borame ayaa sheegaya in niyadjab laga qabo sida shacabka Somaliland ugu kala duwan yahay jihada dalku ku socdo. Sida sawirada lagu daabacay shabakaduhu sawireen xafiisyada diwaangalintu ma’lahayn jid isku mid ah oo ay isticmaalaan halka goobaha qaar laga diiwaan galinaayey dad xitaa maqan ama magaalo kale ka qoran.

Hawsha ugu wayn ee u taala shacabka inta aaminsan in doorasho xalaali ka dhacdo dalka ayaa ka walwalsan halka ay ku danbayn doonto shacabkan ku mashquulay gobolada beenta ah iyo tirada aan xadka lahayn ee ka fog waaqiciga shacabka Somaliland intuu tiro dhan yahay iyo habka fikirka hurda ku dhisan ee gobolo bixinta ee xukuumada Rayale kolba lafhoose jeeni u tuurtayclafo kalena u ooyayaan anagaa hadhnay.

Shacabka iyo aqoonyahanka qaar ayaa ka walwalsan sidoo kale sida mucaaridku uusan shacabka ugula hadli karin arintan cakiran ee dalka waajahday – mid doorasho iyo midan ah in aan xukuumada laga hor iman karin talaabo kasta oo ay qaado iyadoo mucaaridku uu ka baqaayo inuu cod ku waayo.

Waxase meesha ka baxay in shacabka hogaanka loo qabto oo marka horeba loo kala cadeeyo waxa sax ah iyo wixii qaldan iyo siyaasada mucaaridku uu kaga duwan yahay xukuumada Rayale si looga fogaado baqasho aan meel jirin iyo gobolo ku salaysan laf-laf hoose.

Ugu danbayn rajada Alle lagama quusto ayaa inta shacabka soo hadhay aaminsan yahay; oo dalka waxa laga yaabaa in ilaahay soo hadeeyo oo doorasho daacad ah oo qofkastaa hal mar codeeyo in ay ka dhacdo; natiijo caafimaadqabta oo horumar wadataana ay dalka kasoo baxdo si looga hor tago saansaanta colaadeed ee bariga ka taagan ee Cabdilahi Yusuf horkacayo, dhinaca Itoobiya oo aan sidaas u xasilnayn iyo niyadjabka galbeedku uu bariga ka qabo.

Galbeedka - galbeedka gudihiisa inta badan isha ku hayey waxa sidoo kale laga yaabaa inuu markan cirka arkay oo uu ka dabo faylo hogaanka toosan ee danta guud aaminsan.

Badheedhaha Saylicipress.net

saylicipress@gmail.com

Filed Under: Badheedhaha

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.