Maxaad u Qaban Kartaa Falastiin?
Ku taageer walaaladaa Falastiin codkaaga, maalkaaga iyo dareenkaaga.
1-Ka soo qayb gal banaanbaxyada ka dhacaayaa magaalooyinka UK ee hoos ku qoran. Waxa banaanbaxyada horkacaaya siyaasiin, aqoonyahanno, heer qaran, gobal iyo degmaba ah, iyo dadweynaha UK oon kala lahayn jinsiyad iyo diin. Waxa ku kulmaaya dad damiirka aadmigu walaaleeyey. Dad u jiidhnaxaaya dilka, dhaawaca iyo cunaqabaynta lagu hayo maati, waayeel hawl gab ah iyo abeydin naas nuug ah, dumar xaamil ah, bukaan-jiif, indhoole aan arag wax ku habsaday iyo dhegoole aan maqal kooxa argagaxa leh ee dadku ka cararaayo.
Si gaar ah waxa aan u farayaa reer Cardiff oo laba jeer mudaharaadyo ka dhacayaan wiigan. Kan hore waa berri 12 duhurnimo iyo Taalada Nye Bevan Statue. Waxaa Jimcaha iyo oo uu ka dhacayo Jimacaha 9th January 2pm. Green opposite Old City hall and National Library.
Waxa xigta caweeys lacag uruurin ah oo dhacaysa Arbacada 7.30 ilaa 11pm cinwaankuna waa sidan:Wednesday 7th Gaza Emergency appeal concert Jan 7-30pm-11pm, Dempseys, Castle St, Cardiff CF10(Opposite Castle)
Banaanbaxa heer qaran ah oo London ka dhacaya ha moogan waana sabtida soo socota oo ah 10ka kala xidhiidh halkan oo guji: info@palestinecampaign.org
2- Waxa iyana hoos ku qoran warqad saanbal ah oo aad u diri karto xubnaha barlamaanka dalkan UK iyo Yuruba, oo ay ku jiraan Golayaasha Sharcidejinta ee Wales iyo Scotland. Waxaad se mudnaanta siisaa Barlamaanka Guud ee UK Westminister Parliament, House of Commons.
3- Qaadac oo ha iibsan alaabta lagu soo sameeyo Isreal iyo U.S.A. Ogow in Isreal ku nooshay taageerada aan xadka lahayn ee Maraykanka, kolkaas yaan maalkaaga loo adeegsan dilka maatada iyo shacbiga aan is daafici kareyn.
4- La xidhiidh ururada Yuhuudda ah ee nabad doonka ah iyo samafalayaasha Yuhuudda. Qoraal iyo dood la wadaag, kuna biiri codkaaga. La safo Yuhuudda wanaag doonka ah. Booqo websiteyadan ay leeyihiin.
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
Cardiff
Tuesday 6th January 2009 12Midday to 1pm Nye Bevan Statue.
Wednesday 7th Gaza Emergency appeal concert Jan 7-30pm-11pm, Dempseys, Castle St, Cardiff CF10(Opposite Castle)
Cardiff
Tuesday 6th January 2009 12Midday to 1pm Nye Bevan Statue.
Wednesday 7th Gaza Emergency appeal concert Jan 7-30pm-11pm, Dempseys, Castle St, Cardiff CF10(Opposite Castle)
Friday 9th January 2pm. Green opposite Old City hall and National Library.
National demonstration Saturday 10 January central London. Details available soon. Please organise coaches to London, and send us information to info@palestinecampaign.org
Filed Under: Ogeysiis




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















