Waxaan Mahad Gaara aan u Dirayaa Ururada lagu Najaxay Sida (AMOUD FOUNDATION) iyo (IQRA)
Waxaan talo gaara siinayaa walaalkeen axmed Sh. Faarax iyo xulafadiisa oo waxqabadka AWDAL IYO SELEL laga qabto ama laga qabandoono xanuun xun ka qaada.
Waxaan salaamayaa walaalaha xorta ee caqligooga fiican had iyo goor kaashada ilaahayna ka baqa, waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka salaamu calaykum.
Waxaan halkan ka salaamayaa aanan ku faraxsanahay waxay qabteen ururada kala ah (Amuod Foundation iyo Iqra/Read).
Amoud foudation waxay qabatay halkan laguma soo koobi karo ooy kaqabatay Awdal iyo soomaaliya oo dhan; Haddii aan wax yar ka taabtaabto waxa ka-mida waxay ka qabteen awdal JAAMACADA (AMOUD) ooy kaalin aad u wayn aay ka qaateen iyo dhakhtar aad u wayn ilaahaybaa wayne ay ka dhiseen magaalada boorame xaga bariga oon anigu indhahayga aan ku soo arkay aadna aan ugu farxay iyo iskuulo fara badan oo Boorame ku yaala oo halkan lagu soo koobi karin ayuu urur kaasi qabtay wanaagna waxay ka helayaan ilaahay.
IQRA hadii iyadna aan ka warano waxyaabaha aay qabteen, iqra iyadu waxqabadkeedu wuxuu u badnaa xaga waxbarasho inkastoo xaga caafimaadka ay xitaa kaalin wayn ka qaadatay. Iqra waxay ka biloowday waxqabadkeeda dhulka xeebta kadib markii dawlada soomaaliland aay indhaha ka qabsatay ayey dadkii deegaankaa daganaa aay isxilsaareen ooy dhisteen iskuulo macalimiintana ilaa iminka aaynu joogno aay bixiyaan. Iskuuladaas oo ku kala yaala ilaa lowyacado ilaa gabilay agteeda ilaa Afcas.
Iminkana waxay wadaan iskool layiraahdo (GEB HIGH SCHOOL) oo dhismihiisu socdo indhahaygana aan ku soo arkay, waayo iskuuladan iminka aay wadaan ee gacanta aay ku hayaan waa fasalada koowaad ilaa sideedaad, markaa si aay u galaan dugsi sare ayey iqra abaabushay inay dhisaan iskool boordina dhismuhuna wuu socdaa, ilaahayna ha u fududeeyo.
Waxa kale een ku faraxsanahay ururada kale ee daacadnimada loo wado ee horumarka wada.
ururka ARDAA waa urur iminka soo kacaya ilaahayna ha u fududeeyo hawsha aay wadaan. Marka wax laqabanayo wuxuna yahay dad caawino u baahan ilaahay hortii ayaa wax loo qabtaa, hadaanad jecleysan dadka waxa wada waxa laga eega danta guud, hadii aay taasi aad kari waydo ururkale samayso.
Waxaan leehay (AXMED SH. FAARAX IYO XULAFADIISII HORE IYO KUWAN CUSUBA) hadii walaal ururkani ini dhibaayo ururkale samaysta oo magacaad doontaan u bixiya.
Ilaa markii ururka la sameeyey ee lagu qabtay Menasota, USA. ayuu Axmed Sh. Faarax iyo xulafadiisu ay aflagaado bilaabeen ilaa iminkana aay wadaan, wax waa ladiidi karaa laakiin dadka shaqsiyaadka cayda waa laga daaya Axmedoow, ficiltinku wuu fiicanyahay walaal laakiin adigu waxaad u qaadatay ficiltinkaagii dhinaca xun ee caydaa.
Barigii laysku haystay jaamacada camud ee la’isku fahmi waayey dadkii ka cadhooday ficilkii aay sameeyeen waxuu noqdayin jaamacad kale lasameeyo taa soo la yiraahdo (ELLO AMERICAN UNIVERSITY) Borame ayey ku taalaa waana lagu wada farxay arday badanina waay ka dhigataa waana wax loo baahanyahay.
Markaa sida aan wax u aragno Axmed Sh. Faarax iyo xulafadiisu waxay ficiltankoodii aay ka dhigeen in dadka aay caayaan shaqsi shaqsina aay u caayaan, taasina maanta dadkeenu uma baahno Axmedoow hadaanad wax u qabanayn walaal aflagaadada jooji ilaahayna waxaan kaaga baryeynaa adiga iyo xulufadaaduba inuu ilaahay ini soo hadeeyo.
ururkastoo daacadnimo lagu wadaana wuu shaqayn sida ururada kale laakiin hadii ururka loo samaystay waxyaabe kale ogaada inuu ilaahay idin arkayo meelna lama gaadho. Ardaa waa urur shaqayn doona ilaahayna ha u fududeeyo dadka maamulka haya dulqaadna ha yeeshaan.
Salaamu Calaykum.
Rashiid Cabdi Bakal.
Ottawa, Ont – Canada








June 29th, 2009 at 10:36 pm
waxan salamaya bahda saylicipress, waxan aad ula yaabay ninkan axmed sheekh la yidhaa iyo cida la xuluufo ahi halka ay kal qaadeen ururka muxuuse ururada kale kaga duwanyahay, muxuuse dadk is xilqaamay e eyidhi waxan wax u qabanayna dadkagayagii mxuu ceebta ula daba joogaa iyo aflgadada, inkasta oo aanay cidi u joojinayan isaga uunbay u tahay dhibaato.
waxba qaadi mayee dadaala walaal.
hanbalyo ururka ardaa, ilaahay ha idin garab galo.
July 2nd, 2009 at 10:06 am
Marka hore waxa salamayaaa bahda saylicipress iyo akhyaarteeda waan idin salamayay waxana kaloo salamayaa mudane bakaal Walaal Dad aan waxba ahayn in laysku daaliyo maha, Cumirkan ahmed sh farax iyo caruurtiisa abdilaahi xaaji ciise iyo ina xamaaal wax laysku daaliyo maha waa losers waa dad nololsha ka dhacay qof kaste waxa uu guda wan la soconaaa ahmed xaaskiisa ayuu maamuli kari wayay waaba carurtood yar yar ee caaloshii la ciyaaarada ah walaahi hadii ay joojin wayay qoralada lagu caayaya dadka waxa ka heliyaan iyaka ayaa og,mida labaad in lays barbar dhigo maha carurtan iyo camudkooda mudane absiiye iyo mudane bakaal,markaasi wakhtiga in layskaga lumiyo dad aan waxba ahayn ma wanagsanaa walaalyaaal iska dhaafa hadal qaadkooda madama wax ay yihiin aayba iska yar cumirka iyo carurtiiisa
July 2nd, 2009 at 10:11 am
ahmed sh farax iyo carurtan qorol baradka ah, Ee Uu ku shaqaysto in laysku daaliyo maha ahmed waa kuma waala wada ogyihin caruurtan kalena waala yaqanaaa waxay yihiin iyo waxay gudaanba,lakiin waxay ka heleen ayay leeyihiin,cayda dadka kale ee layska caayayo iyo qabiiltanka haya iyaka ayaa og lakiin saylicipress waxa usoo jeedinayaa inay wakhtiga iskaga lumiyaan maha ahmed shaydan farax iyo abdilaahi xasid ciise iyo Ina xamaa