Beeney Waa Run!! Isbeddelka Maamul ee somaliland maaha, Magac magac

Ardeydii Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha ka baxdeyna  suuqyada haddii ay wiilal tahay iyo hablo tahay ay guryha la yuururaan Aqoontii!! Maamul Waddani ahi haddii uu jiro, Xooggan iyo Aqoontan dihin waa looga faa’ideyn lahaa oo lagu meeleyn lahaa Da’yartan

Maanta waxa kaadhka cas loo taagayaa, Mas’uuliinta beenta kala xishoon waayey ummaddii u dooratey xilalka ugu sarreeya Dalka ee inay wax uun xraashaan, huursdaan, Xeeladeystaan mooyaane aan waxba ku soo kordhin Dalkan!! Waxa aanu si kor u hadal iyo go’aan leh cod ku direynaa Maamul faal iyo Foox aqoon tahay, ha la yeelo aan hantidii, aqoontii fulin lahayd
iyo Nidaamkii loo fulin lahaa, midna jirin , Dawladi kuma samaysanto!!

Waqtigii Siyaasadda Doqmuhu direyska soo gashan jitey ayaa la gaadhey oo Dorashadii la filayey, saddex bilood oo ayaamo la’ ayaa ka hadhey, waxa durba soo baxaya baaqyadii wax ma taraeyaasha. Mid yidhaahda , sidii hebel, Dastuurka ha loo furo Riyaale oo ha la doorto mar sddexaad!! MId yidhaahda ,”Aan isa saamaxno oo ha loo jadiidiyo xilka madaxweynaha!!” iyo qaar kale oo daahu u go’ay, oo dareemey guuxa Bulshada. Madaxydan Madhan ee calooshooda la ciyaarka ah, Garte waxa ay Danta isu-rooneyashu tahay ee maxay u garan waayeen , Culyka aqoon yahanka soo saarraa 18ka sannadood ee ay sasabo iyo Madax buuxin rag aan u qalmin Mas’uuliyadba oo tooda uuni dhibeyso, ay sasabo, mslaxaad iyo indho ka laalin gacan togaaleyska ay Hantidii Dalka ee Guurto iyo Maguurtoba lahayd loogu talax tegey bal in ay waxuun ummadda u qabtaan oo wax hagaagaan.

Arrintu marka ay Gaadhey in Ummad soo jireen ah oo Xadaari ah, Madaxweyne Xilku ka dhammadey, xeelad Miskiin ugu dheggaando kursiga isaga oo hantida ummadda ugu tagri falaya si shakhsi ah marayana Dantii guud iyo Dugsiyadii carruurtu wax ku baranayeen in uu xaraasho!! Gole aan cidi soo dooran oo inta wax qortaa ku yartahayna sidii Afweyne Duuduub wax ugu ansixiyaan oo ay isku af-gartaan gacn saarka!! Shellilaah yaa sheekhal Riyaale , Kordhi dee aan kordhinnee!!? Waxaanu si insaaf ah, xaqsoor ku jiro ugu bandhigeynaa Saddexda Musharrax ee Hoggaanka Dalka u tartamaya, in uu mid waliba ummadda u sheego, taariikh nololeedkiisa waxa Dalka iyo Muwaadiniinta u qabtey. Maamulkan Hay’adaha Samofalku waxa ay Bulshada ay u soo gurmadeen iyo Muwaadiniinta gudo iyo Dibadba joogtaa, waxa ay qabteen sheegta , taasu kama iibsameysee, uu sheego 8 sano uu dhaklaarey Madaxtooyada waxa ay Maamul ahaan u qabteen Dalka !!

Maaha Doorashadan in magac Magac magac ku beddel ay tahay ee Mas’uul kasta oo Dalkan Xil u qabtaa , waa adeege Bulsho, Maamuus, mushar iyo Gunnooyinba Bulshadu Cashuu ahaan u bixiso, qarannimaduna waxay ku dhisan tahay awoodda iyo Jiritaanka Bulshada ee inta yar ee Xafiisyada fadhida ma aha!! Maanta Bulshadu waxay la xisaabtanmeysaa Musharraxii xilka soo hayey iyo kuwn xil sugayaasha ah, haddii Alle innagu simona, mid walba ay si hufnaan iyo xaqsoor leh ula dhaqmi doontaa. Waxa aan shaqeyn doonin hab dhaqankii Shuuciga ee wax-magaradka sacabka wax lagu korodhsan jirey!! Waxa aan shaqeyn doonin Dillaaliintii dhirta Madaxtooyada ku hoos shixi jirey. Muwadinku si uu u fahmo ujeeddooyinka loo guntan yahay bal ha dhugto
baahiyaha Dalka iyo Bulshada.

Dhawr iyo toban Doox ayaa biyaha Roobka , Badda ku dara, had iyo jeerna biyaha oo nolosha ah, waa mushkilad dadka , Xoolaha iyo Duurjoogtba haysata. Nasiib darrada jirta , biyahan , Aqoontii lagu joojin lahaa ee loogu qaban lahaa si loogu faa’ideeyo Dalku wey dhex joogtaa, qalabkii iyo Farsamadii waa la hayaa, Maamulkii Dalka u damqanayey ayaa maqan ee meel marin lahaa!! Waxa jirta musiibo ka jirta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dadka aqoonta leh ee lagu aamini karo awoodaha fulineed ee Maamulku ay aad ugu yaryihiin, sidoo kale waxa jirta Layiyo saraakiil ka bannaan Ciidammada oo dhan, Ardeydii Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha ka baxdeyna  suuqyada haddii ay wiilal tahay iyo Guryaha haddii ay hablo tahay ay la yuururaan Aqoontii!! Maamul Waddani ahi haddii uu jiro, Xooggan iyo Aqoontan dihin waa looga faa’ideyn lahaa oo lagu meeleyn lahaa Da’yartan, laakiin waan loo jeedin!!.

Maamulka waxa ka soo yeedha marar badan, Waxba ma dhex yaallaan Dalka!! Waxa hubaal ah in Dalkani Saddex Dawladood oo leeg isaga uu kafeynayo Dakhligiisu, weliba ay wax uga soo hadhayaan haddii shuruuc dhaqaale muujin iyo Hantidhawr awood dastuuri ah oo ka gacan bannaaneysa Digdigta Maamulka sida ku taalla Dastuurkeena daaqadda laga tuurey iyo Garsoor dhab ah oo xor ah leh. Alle haddii aynu ka baqeyno, sidee dhaqaale Dawlad lagu kiciye uu uga soo baxayaa, Maamul lixdiisa Gobol midba lacag Gooni ah leeyahay, dhoofkii xoolaha qiime aanay Adduunka ka joogin oo dhuljka yaalla Carab sharci darro loogu xidhey, Shidaalkii sharikad ajnebi ah oo Macaash doon ah loogu xidhey sifo aan Dastuuri ahayn!! Warshadihii Dalkan ee Laas-Qorey Budhcad Badeedda Maamulka Puntland looga hadhey oo ay iska Maamulato!! Haddii intan oo keliya la saxo, Ballan Allee , in Riyuhuna ay barqo fadhiisan dhereg, qasabadaha mugdiga ah ee Dakhliga yar ee soo xerooda maanta uu maro ee iyo
 hgbadda jinka uu la leeyahay Maamulku eenaan maqal mooyee, lacagtaasi inta ay leegtahay, meesha ay ku baxdo, sida ay u baxdo cid ka warrami krta aan dalka laga heleynna ay meesha ka baxdo oo Xisab xidh iyo Miisaniyad qaran oo Bulshada iyo Dalkaba kor u qaadda hab dhaqan dhaqaalahooda wax aan ahayn aan Goleyaasha sharci Dejinta laba horgeyn, iyana aanay dhegeysan eeginna , Miisaaniyad aan Bulshada wax adeegyo ahi ugu jirin, Dalkana dibu-dhis ugu jirin. Dakhli iyo Kharaj isleeg oo aan inta Maamulka u shaqeysa dhaafeyn ee Askarigan aad mooddo in sababta loogu dhiibey maaliyadda ay ahayd in uu ka dhammeeyo, illeyn shaqadiisu wax la toognayo ayey ahayde uu hor-geeyo Goleyaasha!! ilaa macallimiintii mushar u mudaaharaaddo, shaqaalihii Dawladda bilo ka maqan yihiin, caasimaddu biyo la’aan u Mudaaharaaddey, Biriishkii labaad ee Caasimaddu qabyo dhawr sannadood yahay!!

Somalidu waxay tidhaahdaa qof weyn tag lama yidhaahdo, ee wax uu ku tago ayaa la tusaa.!! Waa dadkii xayada iyo Iimaanka lahaa kuwaasuye bal Kuwii ka mas’uulka ahaa Muraaro Dillaacan, oo haddana u soo fooldhaqdey in dib loo doorto maleeya!! Quud aan jirin , Qoryo u guro sow maaha?!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed.

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.