Prostop aalad cusub oo saacad gudaheed sigaarka kaaga joojinaysa.

Shaki kuma jiro in sigaarku yahay cudur aad iibsanayso oo waliba dhaawaca dhamaan unugyada jidhka oo dhan , Afuufida sigaarku dhibaato weyn ayay ku haysaa malyuumad qof oo ku nool daafaha dunnida sannadba sannadka ka dambeeya waxaa sii kordhaya dadka caba sigaarka iyo kuwa joojinaya sidaa darteed dadka caba sigaarku waxay u kala baxaan labo qaybood :
A) kuwa afuufa Qiiqa ( Afuufayaasha )
b) iyo kuwa kuwa aan cabin ee lagu ag afuufo
 
Mudooyin badan waxuu dagaal u dhexeeyay Shirkadaha soo saara Sigaarka iyo  wasaaradaha caafimaadka ee wadamada caalamka  iyadoo shirkadaha sigaarka soo saara ay sameeyaan Xayaysiisyo iyo maadooyin kordhiya hamuumka xaraarada sigaarka halka Dhakhtaraduna ay isku dayaan wacyi galin iyo dhiiri galin in sigaarka la iska daayo iyadoo intaasna ay barbar socdaan in caqliga iyo cilmiga la isku daro lana soo saaro farsamo loo adeegsado Technolgiyada  aalad casriya oo lagula dagaalamo dabargooynta Sigaarka waxaana dhow jeer la soo saaray Xanjo iyo balastaro lagu joojiyo sigaarka loona isticmaalo qaabkii loogu talo galay iyadoo taasna ay waxba ka tari wayday inay dhinto hamuumka iyo xaraarada sigaarka, hadaba maqaalkan waxaan ku soo qaadanaynaa warbixin yar oo gaaban oo jariirada Telegraf ee Holland ay ku qaadaa dhigayso qalabka cusub ee PROSTOP oo lagula dagaalamayo joojinta sigaarka
 
 Waa maxay PROSTOP ?
Prostop waa aalad shucaaca oo lagula dagaalamo Sigaarka keentayna guul natiijo wax ku oola leh baadhitaan madaxbanaan oo uu sameeyay DR: Breteler van de Radbouw oo wax dhiga Jaamcada UMC  Nijmegen ee Holland UMC qaybta Physiology Clinic wuxuu cadeeyay in daraasadka Prostop uu yahay mid guul buuxda laga gaadhay , wuxuuna ku daray baadhitaankana waa natiijo faa’iido weyn u leh caalamka dhamaantii hadaba Inta anaad isticmaalina Prostop qalabkan PROSTOP ee casriga ah  dhakhtarku wuxuu ku la yeelanayaa wada hadal dheer oo khuseeya xaladaada  guud ee caafimaad waxaana ugu muhuumsan su’aalahaas kuwa hoos ku xusan
 
Wax fikrada maka haysataa Soft laser PROSTOP ?
Goorma ayaad bilowday sigaarka ?
Imisaa sigaara ayaad cabtaa maalintii?
ma isku dayday inaad joojiso ?
waa maxay ahmiyada aad ka leedahay Prostop ?
ma leedahay wax Xasaasiya ( Alergi ) ?
ma leedahay Sokorow iyo dhiig kar ?
Maxaa ku dhaliyay inaad sigaarka joojiso ? goormase ayay kugu dhalotay joojinta sigaarka ?
wada haladkaas ka dib waxaa warbixintada loo gudbinyaa Soft Laser Computer sidii aad u bilaabi lahayd
 
 Isticmaalka aalada PROSTOP iyo qiimaha macaamilka
qiimaha macaamilka hal mar oo kaliya ayaad bixinaysaa € 179
ka dibna qalabka Shucaaca ee PROSTOP wuxuu dhakhtarku ku  jiifinayaa sariir isagoo adeesanaya dariiqada qalabka aalad yar oo shucaaca  ayuu kaa taabsiinaayaa Dhegaha qaybtooda sare ee haweenkii hore Kuusha ka luli jireen , hadana waxaa lagaa taabsiinayaa Dhegta dhexdeeda oon ahayn gudaha laakiin xaga godan ah,mar kale ayaa waxaa laga taabsiinyaa labada gamcood  halka Suulka iyo farta murdiso (Murugsato ) iskaga  yimaadaan ee muruqa baabacadu ku yaalo, dhudhumadada dushooda iyo labada garbood  mana aha irbad ama cirbad mana laha xanuun iyo wax dhaawacaya caafimaadkaaga saacad dabadedna ma jirto xaraaro iyo waxhamuuna oo ku qabanaysa inaad sigaarka cabto
 
Isticmaalka shucaaca PROSTOP ka dib
Marka baadhitaanku kuu dhamaado dhaktarku wuxuu kugula talinayaa in aad iska ilaliso waxyaabaha kulul ee firfircoonaysiiya in nokotiintu kacdo ee keena hamuunta sida Shaaha, Kaafeega ( Coffee), Qashirka, sactarka , iwm. isla markaana aad cabto biyo badan si Nikotiintu uga maydhanto dhiigaaga.
 
Cadadka dadka caba sigaarka iyo inta isticmaashay aalada PROSTOP ?
Cadadka dadka caba sigaarka oon la koobi karayn laakiin hadii aan soo qaadano daraasaadkani wuxuu sheegayaa tirada dadka reer Holland waa 16,000,000 waxaa caba sigaarka 3,700,000 oo qof waxaana daayay 250,000 oo qof oo isticmalay shucaaca PROSTOP soft laser Methods 
 
Dhinaca soomaalida  cabta sigarka iyo kuwa isticmalay aalada PROSTOP
 
cadadka somaalida Holland ku nool waa 60,000 oo qof waxaa sigaarka caba 25,000 oo qof waxaana daayay 10 qof markay isiticmaaleen PROSTOP dadka siticmaalay shucaaca PROSTOP waxaa ka mida ABOKOR XIRSI oo ka mid ahaa ciyaartoyadii kubbada laliska ee Somalia oon deris nahay wuxuuna ii sheegay inay fududahay oo ayna lahayn  xanuun wuxuuna ku daray hadalkiisa hada waxaan si fiican uu quutaa cunto ka badan markii aan sigaarka cabi jiray waxaanan seexdaa hurdo ka badan tii hore wuxuuna ku daray hadalkiisa sigaarku waa cudur waxaanan cabi jiray 30sannadood markii aan isticmaalay aalada Shucaaca prostop waxaan ku daayay saacad gudaheed  waa ILLAAHAY MAHDII ayuu ku gabo gabeeyay hadalkiisa
 Xisaabta kharashka ku baxa sigaarka
Tusaale: Qiimaha baakidhka MarLboro waa € 4.60
            365 Maalmood x  4.60 = € 1679,00
            Qiimaha dawada Sigaarka Prostop waa €179
            € 1679 – € 179 = € 1500
            waxaad badbaadisay € 1500 sannadkiiba

Waxaaba wanaagsan in qofku iska daayo sigaarka mar hadii isaguba uu bartay oon lagu khasbin cabitankiisa waa mid ka mida talooyinka dhakhaatiirta PROSTOP

Qalinkii : Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )
              Amsterdam / Holland
              wixii faah-faahina kala xidhiidh www.prostop.nl

Filed Under: News

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.