Maryan Mursal Ciise Ayaa 100% Dhaanta Madaxweyne Rayaale Markay Timaad Waxqabadka Ummadda
Maryan Mursal Ciise waa fanaanad ummadda somaaliyeed meel kastoo ay joogaan ba aad iyo aad ay u ciseeyaan oo la jecelyahay. Marka laga tego xagga fanka, waxyaabaha dadku Maryan Mursal ay ku jecelyihiin ee ay ku qaddariyaan markaan dadyow farabadan arrintaa ka waraysanay waxa ka mida oo ay noo sheegeen, in maryan mursal ay tahay gabadh aad iyo aad nafteeda u kalsoon oo aaminsan inay wax qabsan karto.
waxana tuusale ahaan ay u soo qaateen mar laga eryey shaqadeedii fanka oo taxi ay carruurteeda ugu shaqayn jirtay habeenkiina iskaroga si ay ula tacaasho biilka reerkeeda. dadka aqoonta Maryan u lihi waxay intaa ku dareen oo ay sheegeen in maryan tahay ruux aad u dabeecad wanaagsan oo nool-nool hadaladeeduna ay cadcadyihiin iyagoo dadka qaar ay dhageysteen maryan oo dood BBC da laga sii daayey ka qaybqaadatay, taasoo lagaga hadlayey mawduucii ahaa quudhsigu qiil ma leeyahay, oo ay sheegeen inay u bogeen sidii doodeeda ay u dhiibatay.
markaan intaa ka tegno, waxa jirtay in dhawaamahan ba sheekada Maryan Mursal saxaafadda somaliland aad waxay uga qoreen xagga waxqabadkeeda ku aaddan Dusiga ay Hargaysa ka dhiseyso oo dadku aad ay ugu ammaaneen, xagga fankeeda, heesta cusub eey somaliland ay u qaadday, martiqaadka dawladda somaliland iyo madaxweyne Rayaale fanaanadda ay u fidiyeen, hadyadihii qaaliga ahaa iyo shahaadad sharaftii Marwo Huda Barkhad Aadan ay maryan siisay. arrintaasi oo reer Awdal dareen gaar ah ku dhalisay.
Haddaba, mar an dadweynaha ku nool magaalada Borama arrintaa wax an ka weydiinay, Maxamad sigad, oo ka mid ah dillaalinta suuqa xoolaha ka shaqaystaa wuxu yidhi ” wallaahi iyadoo ruux dumar ah haddiiba ay garatay inay dadkeeda wax u qabato waa naag geesiyad ah Maryan, anigu niman ahayna duco ayaan ugu darayaa Maryan in ilaahay ka jasaai siiyo aakhiro, waayo waa u sadaqad iyo xasanaad ay la baxday.”
Nin markaa garbtaagnaa ninkaa hore oo isagana suuqa xoolaha ay ka wada xoogsadaan Sigad magaciisana xasan shire ku sheegay ayaa isna wuxu yidhi “ dumarku iskuma wada jiraane Maryan Mursal waa libaaxad ragga qaar dhaanta sida Rayaalahan xaraan iyo xalaalba qooshanaya een ifkana waxba an kula bixin aakhirana waxba anay kaga horreyn. waayo, dalkuu wax ka dhacay mooyaane, dadka iyo dalkuu wax u qabtay maan maqal, cidina ma tidhaa. waxa keliya ee u sheegtaana waxa weeyi seddex doorasho ayaan qabtay. Waxwalbase waxa kaaga daran reer Awdal qaar baa kulaba dagaalamaya hadaad tidhaa Rayaale muxuu jidkan yar ee dila innogu dhiso waayey. laakiinse, berigii dhawayd ee aaskii cabdi Xasan Buuni u yimid ayey calooshu wada xanuuntay markuu isaga baxsaday oo jac u ku dhigay, isgoo dhulkii kaloo dhan soo wada kormeeray ayuu reer Awdal ku gacansaydhay inu la joogo sacaadna allaha ka yeelee, imikana sool iyo sanaag ayuu tegayaa ayaa la lahaa. reer Awdal inay dad yihiin iyo inay doofaar yihiinna ma kala yaqaan oo sidaa indhaha aw uga lelinayo ayaa ka dhab ah halkaasuuna ka taaganyahay waanay istaahilaan inu sidaa u dhaqmo, aad baanan ugu diirsadayarrintaa.” ayuu xasan hadalkii kaga baxay.
Eddo Timiro Samaale oo iyadana la weydiiyey bal siday u aragto waxqabadka madaxweyne Rayaale ayaa waxay tibaaxdey” gabiley ayuu dhakhtar u dhisay baan maqlay, waxa kaloon maqlay Maryan Mursal ayuu xoolo aduun siiyey intaba inu wax siiyo kama xumi, ee kuwan reer Awdal ee jacayl ay u qabaan magaciisa ninka soo qaada dadka ku laynaya ee wada xiiqsan miyuu intaa Maryan reerkooda u qabatay in le’eg isna isaga aamusiiyo hadduu wax kale u waayo.” Timiro waxay qoonsatayba waxbay qoonsatay markaasay tidhi” waar ha i dambaajininee bahalka xaggaa iiga leexi” iyadoo gacanta isga fogaynaysa mic ga.
Gabadh aad u da’ yar oo magceeda inay noo sheegto ka warwareegtay in badan xishood dartii ayaa waxan weydiinay bal sida ay u aragto wadada dila iyo borama haddii Rayaale dadka u dhsiso? iyadoo qosol ka qaaday su’aashaa iyada ah, dhawr jeerna qosol dartii hadalka dhammayn kari weydey ayaa ugu danbeyntii waxay tidhi ” wado u noo dhiso ayaad ka hadlaysaane Odayaashan dhinatee u tacsida u dirayey ee ilaahi lahaa u qaatay een ka samirnay inu isaguna ku jiro ayuuna ogaynba, oo isagoo nool reer Awdal samir iyo iimaan waa hore ka qaadeen. teeda kale Rayaale marka dadku ay weydiiyaan wuxuu wax innoogu qaban laayahay, odayaasha Awdal buu been ka sheegaa oo wuxu yidhaa odayaasha Awdal wax noo qabo ima yidhaadaan ee wax na sii ayuubay i yidhaahdaan. waxa dadkiisu u baahan yihiin Rayaale waa duqaase wuu iska garanayaaye, eedda u leeyahay ayuu raadinayaa cid aw iskaga riixo oo siyaasad buu ka deyayaa sidaa, akhas caleek dheh”.
Gorod ibraahim indhacase, ayaa isna yidhi” samaroonku wuxu soomaliland ku dhex lahaa magac iyo sharaf, maantase waxa dhegteenni iyo sharafteenniiba dilay ninkaa qawleysatada ah ee kaabelaadarayaasha u madaxa ah iyo tuugtan wasiirada u ku sheego ee guryaha iyo iibka jagooyinka isku wada haysata, aamin danbe oo nin samaroona xil lagu aamini karaana haba yaraatee wuu inaga dhintay oo isgaa dilay. waxanan maraynaa heer ay habruhu dadka samaroon u habaaraan Rayaale waxyaabaha xun ee u samaynayo awgeed , sidaa darteed anigu waxan ku talin lahaa haddii inuun wax la iga qorayo samaroon waxba yaanu cidla ku dhammaanne talo danbe ha la isugu noqdo, oo ninkaa yaan cod danbe la siin, taasaanan ummadda ku dhex socon karaynaa dadkana aan kaga qabsan karaynaaye dhibaatada u ku hayo, haddii kale ceebi waa ina daanweyne intuu meeshaa fadhiyo Rayaale inagana waxba inooguma filna oo dadkale ayaa magaciisa ku danaysta oo dan gaara iyo wax wadacunba u la leeyahay, dadkaasaana maskaxda ka haysta una inaga jecelyahay nasteexna u ah, maalinta se doorashada ayuu rabaa inu iskeeno oo sidiisii doonayaa inu indhaha innoo soo marmartee ninkaa ha laga adkeysto wuxu yahayna ha la tuso ayaan anigu odhan lahaa.”
hadal isku soo wada xoomiyoo , dadka reer Awdal ee waraysiyadaa nagala qaybgalay waxay ka siman yihiin oo ay dareensanyihiin in docdii u kaga xigay Rayaale dhaxani uga soo gashay, waxa kaloo ay ka siman yihiin fikradda ah in Maryan Mursal Ciise 100% ay dhaanto Madaxweyne Rayaale markay timaad xagga waxqabadka ummada wax loo qabanayo, iyadoo weliba sidaa ay Maryan ruux dumara ay tahay.
Cumar Kaahin – freelance Journalist
Borama – Awdal








July 6th, 2009 at 2:33 pm
waar maanta waxaad socotaan ma daahir rayaale iyo waxaad is agkeenteen maryan mursal , maryan mursal horta wax ka sheegimaayo laakiin iniga ayaan ini jeedaa kuwan webkan qabyaaladaysan wax ku soo qoraya waxaad sheegtiinba ma daahir uunbuu ka hadlayaa bal warku waaka badanee maad soo urursataan ma a daahir rayaale oon ini ogayn inaad nooshihiin iyo inaad dhimateen ayaad ku daasheenee ka warama waar yaadaheen dad tolaan nahee dee caydu mafiicnee ninkan madaxwaynaha qaranka ah kadaaya caydan aad daba wadaan eed marna leedihiih waa sidaa marna waa sidaa horta mid waad ka hadli kartaad wax uuqaban waayey laakiin dee gabdhaha ayaa ka fician ha odhananina dee webkan horta nin ayaad u furteen ninkana waxaa ka dhexeeya doorashi dee doorashadu hagaadhee iska samra sadkiinbaad qaadeysaanee sawniga daaaley ee lacagtiiyo iyo caydiiba iniga dhamaatey hadhoow marka uu daahir helo toloow maxaad samayndoontaan ilayn wey iska cadahay inuu daahir heleyee dee sidiiniibuu ini xidhxidhi kkkkkkk intaasina kaftan ka dhiga waxba hay haynina tolbaan nahee kkkkkkkkkk byeeeeeeeeee
July 7th, 2009 at 1:36 pm
mursalow nebi muuse calayhi salaam wuxu yidhi doqoni ha hiilin, hiilna ka doonin daahirna waa sidaa, ninka daahir tol moodayowna waa tu kaa go’an, waanad danbarisaa maanta xumaanteeda. daahir qabyaalad samaroon kuma haysto ee waxqabad baa laga rabaa, in samaroon xisaabtamaana ma xuma.