Xubin Ka Tirsan Garabka Dhallinyarada Xisbiga Kulmiye Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Waxba Ka Qaban Weyday Lacag S/land Ee Boorama Ka Socon La’
Borama-(Lug)-Xubin ka tirsan garabka dhallinyarada xisbiga Kulmiye ee G/Awadal ayaa xukuumadda madaxweyne Rayaale ku eedeeyey wax qabad la’aan, been iyo ballanqaadyo fuli waayey ciddii hadda kaddib sii rumaysata ballanqaadyadaasina ay tahay cid an wax kala garanayn .
Bakaari Ibraahim Rijaal kana mid ah dhallinyarad xisbiga kULMIYE ayaa sidoo kale waa uu xukuumadda Rayaale ku eedeeyey inay ilaa maanta waxba ka qaban laadahay lacagta Somaliland ee ka socon la’ Boorama isla markaana dhaawaca lacagtaasi soo gaadha awgeed suuqyada lagu daadiyo cidina qaadanayn isagoao arrimahaasi ka warramayana waxa uu yidhi
‘isku sheegi maynno horumarka iyo horumar la’aanta xukuumadda Rayaale .Ilaa maaliantii la doortay ilaa maanta ayey ku jirtay ballanqaadyo ityo been waxba ka fuli waayeen .Rayaale isagoo Boorama jooga ayuu ku dhaartay inuu jidka Dila iyo Boorama wax ka qabanayao kaddibna wax ka qaban doono jidka Lawyacaddo iyo Boorama .Waxan la soconaa inay Rayaale Boorama ugu dambaysay maalintii la doortay ilaa maantana uu ka sugayo reer Boorama ka sugayaan inay doortaan, cidda ku fikiraysa doorasho reer Boorama Rayaale mar kale doortaan waa la arki doonaa .Lacagta Somaliland maanta Boorama ugama socoto sida dalka intiisa kale .Dhaawac yar oo soo gaadha lacagtaasi dalku waxay keentay in suuqyada lagu daadiyo oo cidina kaa qaadanm weydo, haddii ay dawlad hagaagsan tahay baankeedaa beddeli lahaa balse meeshan baan wax la yidhaa oo lacagtaasi daryeelaayi ma jiro, arrintanaina waxay sii kordhisay fakhriga iyo baahida reer Boorama haysata ee ay weliba ugu biireen abaaro aan cidina ugasoo gurmanin oo dad iyo duunyaba saamyeey .Waxan umadda inta wax garanaysa leehay Rayaale waa la bartaya ee bal cid kale ha timaaddo .”.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Xg: Lughayanews-Borama







