Waa Maxay Sobabta Hargeysa Looga Keenay 200 oo Bolis ah oo Borame loo Geeyey?

Su’aasha koowaad waxay tahay maxaa ciidanka loo gaynwaayey halkii shiftadu fadhiday ee loo geeyey meel ayna shifto joogin. Waxaan anigu u fahmay marka shiftadu weerarka bilowdo in shacabka dhinaca galbeed la oodo si ayna ugu gurman dadka aaga ku jira ee difaacaya weerarka bariga ka imanaya.

aad ayaan ugu faraxsanahay mudaharaadkaa sida wayn loo abaabulay ee ka dhacay Borame – inagu ma dilo shacab aan hubaysnayn.

Sidaad u ogsoontihiin waxaa shalay weerer aan la’ogeyn sooqaaday koox jibriil obekar ah aaga ceel bardaala, halkaas ooy ku dileen oday curyaana oo beertiisa dhex hurda. Markii la’ogaadayna intay baxsadeen ayey jidgooyo ay samayeen. War-kan waxaa noo soo sheegay dhalinyar-
reer Awdal ah oon anigu la xiriirnay.

Waxay noosheegeen in dad hubaysani aay dhex joogaan gabilay iyo kala baydh inta u dhaxaysa, halkaasay aay kala dageen baabuurta ka imanaysa hargaysa iyo boorame, dadbadan ayay kala degeen aayna ku dileen wadada agteeda qaarkalena waala’laayahay afarta nin ee ladilay waxay kala ahaayeen,
NIN JIBRAACINA IYO NIN MAKAYL AH IYO AADAN YOUNIS IYO REER NOUR.

Magacyada dadka maqan lama hayo eey kaxaysteen meel ay joogaan war looma hayo. Markaa su’aashu waxa weeyi waa maxay sababta ciidanka loo geeyey boorame iyo ruqi inta u dhaxaysa eenan ciidan loogu dirin meeshan baabuurta dadka lagala dhaadhacayo?

Ciidanku waxuu ku eegyahay dhinaca galbeedka ee meeshii ay shaqaaqadu ka jirtay ee dhulka gadabuursigu aay degaan. Halka dadka kale ama jibriir abokerku aayna dawladu joogin oonan ciidan lagayn hadii la’geeyana aayna waxba ka qaadayn waayo waa iskuwada qolo.

Sababta ciidanka loo geeyey deegaanka Gadabuursigu waxa weeyi in gurmad loo soo dirin dadka aaga ku jira ee ceelbardaale shiftada horfadhiya anigu sidaas ayaan u fahmay.

Samaroon marhore ayey qalad sameeyeen, iminka qalidkii mid ka xun ayey ku socdaan hadii layeelan waayo (plan B) walaahi magaca eebe ayaan ku dhaartee meesha ragani aay inagu wadaan  inayna cidi inaga soo faqayn, iyagoo waliba kaashanaya walaalkaa.

Markaa waxaan leehay walaalahayga qurbo joogaa iyo inta gudaha joogtaba in arinkan loo fiirsado indhahana la kala qaado hadii aay waxdhici lahaayeen sidii looga dabaalan lahaa, dawladani cidna makala jeclo iyada waxaa u roon in aay tiraahdo abaaraa dhacay dagaalana wayjiraan ee doorasho madhacayso, taasaa iyada u roon.

Laakiin anigu marabo in ciidan dadkayga uun ilaaliya lakeeno halka kuwa kalena aay ka gowracayaan dadkayga aqbalimaayo taas. Waana la’iskaga danbayn, hadii aay soomaaliland dunto cidii aay ka dumayso waa lagaranayaa. Qaran cunsuriyad ku dhqamaya maanta oo aan la ictiraafin ma waxaan sugnaa inta ay noqonayaan Koonfurtii Afrika ee jinsiga madow gubaysay misa waxaan sugnaa inta dila ay noqonayso West Bank?

Ugu danbayn waa in lasoo qabtaa dadkii ficilkan fulaynimo ku dhaqaaqay oo sharciga la horkeenaa – shacabka Awdalna ayayna dad aan hubaysnayn wax yeelayn ayaan ku soo gunaanadayaa.
Wabilaahi towfiiq

Rashid Cabdi

Filed Under: Report

About the Author

Comments (8)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. NUUR says:

    waxa ay ahayd reer boorama inay shalay ku mudaharaadan ninkaa ciidanka watay ee soo dhaafay dad la afduubay oo badhna la laayay badhna weli aan lahayn meel ay ku sugan yihiin isagoo aan danaynayn daadkaa la afduubay ee uu kusoo cararay dad boorama iskaga nool oon waxba loo dhimayn mida kale waxa ay ujeedadu ahayd in boorama uuna gurmad ka tegin dadka reer awdal ee ceelbardaale ka dagaalmayana dhabar jabin lagu sameeyo wayna dhacday oo maanta waxa na soo gaadhay warar sheegaya in ciidanku ay dileen nin ka mid ah beesha dilla 3 ay dhaawaceen kadib markii ay ay jabiyeen maleeshiyada beesha gabiley abaanduulihiina ay ka dileen qorigiisiina ay ka qaateen

  2. Hibo says:

    HORTA ARTICLEKAN MA WAXA QORAY REPORTER WEBSITEKU LEEYAHAY, HADUU QORAY WEBSITEKU DAMBI WEYN AYUU KU JIRAA WAAYO WUXUU KALA GARAN LAAYAHAY ROLEKIISI OO WAXA ISKA DHEX GASHAY SAXAFNIMADI IYO CAADIFADI, HADUU QOF MADAX BANAAN YAHAYNA WAXAN LEEYAHAY IS DEJI OO SHAYDAANKA ISKA NAAR WAXAN AAD SHEEGAYSANA CIDNA KAMA FIKIRAYSO EE CUQDADA ISKA SAAR

  3. asalaamu calykum waraxmatulaahi wabarakaatu bacda salaam waxaan jeclahay inaan dhamaan usoo gudbiyo dadka udamqanaaya dadka kudhaqan gobolka awdal amaba udhashay meelkasto oo uujoogo inay kudadaalaan dhinaca saxaafada oo usameysataan sida dadka lamidka ahiba usamaysteen maadaama ay dadka ugu aqoon badna yahiin waxaan inidnkula talinayaa dadan intaad web kudaalaysaan waxaa kafiican inaad dadkan labaabiiyay eee taariikh ahaan iyo maskax anaaba loobaabiiyay aad u soo kab taan

    plzzzzzzz waxaan coddheer iyo mid gaabanba ugu soo gudbinayaa nimankan website yada qoroow kudadaala hal idaacad oo dadka soogbta

  4. muse says:

    reer borame isdajiya calanka buluugan aad la wareegaysaana iska dhiga, dadku waa isdilaa waxakan mar qudhaa idin kiciyay ee calanki bari hore iska tuurnay la soobaxdeen waa ayaandaro. Dalku dawlad ayuu leeyahay iyo sharci kalana hagaaya wixii isqabsadana kala saarayaa sifo sharci ah.

    miyirka uso noqdaa reer Borame

  5. Askar says:

    Yaan dadku been isku sheegin, meesha dadka lagu laayey maaha yurub ama north Amerika meesha waa Africa, caqli meesha kama shaqeeyo ( IT IS EYE FOR AN EYE). Dadka falkan sameeyey waa hamaj xoolahaa ka caqli badan, ma fahmaan nabada iyo waanwaanta markaa waa in la iska celiyaa. Wax nabad la yidhaa ma jirto dagaal sokeeyaa bilaabmay, gadabursina waa inuu dagaal dheer u diyaar garoobaa . Waxaan la derisnahay dad hamaj ah oon caqli kaa kexeeyaa jirin, markaa waa inaad xoog iskaga celisaa

  6. Subagleh says:

    Arintani waa dagaal cad oon geedna loogu soo gaban (declaration of war).. Ragbaa mudo dheer ku baaqayay sidii umada Adal empire ay xoriyadeeda iyo jiritaan keeda udifaacan lahayd.. Dadkan an wax kudarsanay dawlad marabaan mana yaqanaan. Waadad jilib yar oo waliba u doonayo gubal iyo wax dhiiraada iyo dhul balaadhsi. Halka imika laleeyahay gubalka Gabiley 500 u mayl oo wareeg wuu ka yar yahay. Lixdankii waxa jiray laba wasiir oo Isaaqa iyo laba dadka kala ah. Waxa lagu qaybsaday 50/50. Maanta wax walba buqulkiiba sideetan iyaga qaatay. Waxa halkan ka socdaa dhul boob mansab, dhul, doonyo, emikana waxa kudar samay waxshinimo iyoo bahalnimo aan hore loo arag. Arintan waxay ubaahantahay dig dig in gacan lagaga jawaabo. Dadkan an la dhaqmaynaa hal luqo ayay yaqaanaan, waa luqada xooga iyo kulufka colaadeed. Waxa loo baahanyahay arintani waa waxshinimo aan geed loogu soo gaban,Waa fascism, Cunsiriyad iyo isir nacayb gaamuray. Reer Adal empire the war is on. Wake up.

  7. AWDALGIRL says:

    MUUSE ADIGA MAXAD SAMAYN LAHEED HADII DADKAGA GARDARO LAGU LAAYO. DAD MASUUFUR AH OO AAN WAXBA GALABSAN MARKA JIDKA LOO GALO , SIDEE IDOOR LOO AMINI KARA OO BUSINESS LOOLA SAMAYSAN KARAA WAXAY CADAYSTEEN XUMAANTA KU JIRTA MAR LABAD DADKA DAGAALKA KA DHAXEEYO MA JIDKAY JOOGEEN MAY KUWII LA DAGALAMAYAY DOONTAN,MIDA KALE MAY XABAD KU DHUFTAAN MAXAY U QALEEN DADKA WHY?? THAT IS IT FOR ME NO MORE SOMALI+LAND HADII GADABUURSI NAF LEEYAHAY GOBBOLKODA HA GOOSTAAN CIDNA CID IMAKA SOMALI UMA TALISO QOLO WALBA GOBOL KOODA WAY GOOSTEEN WAA IN AAN GOBOLKEENA GOOSANA HADII HADHOW SOMALIWAYN LA HELANA OK HADII KALE MEESHEENA AAN KU IKAANO CALANKA WAA CALANKII AAN KU BARBARNAY WAN JECELAHAY WAA CALANKII SOMALIYED MARKA KAN SADEXDA NOOC AH MA AQOONI KII IRAQ BUU U EGYAHAY MARKA DOONI MAYNO LA SOCO MUUSE

  8. SUCAAD says:

    SALAMU CALYKUM,, WAXAN HALKAN KA AKHRIYEY WAX AAN KA YAABAY RUNTII WHY KILL PPL AAN WAXBA KU GAYSAN JUST BICOUSE WAA GADABUURSI BAA LOO DILAY WHY ,LAKIIN WAXA KA DARAN MA MADAXBANANTIHI REER BORAMOW WHY DAD BANAN BAXAYA XABAD LOOGU RIDAY EE WIIL LOO DILAY MARKA LABA JEER BAD DHIMATEEN ADUUN SI NABADA BAA LOO BANANBAXAA MARKA WAX LA DIIDO HADII DADKA BANAN BAXAYA RABSHADO SAMAYNAYN XABAD IN LAGU RIDAA WAA QALAD NIN WIILKA DILAY GAROONKA POLICEKA HORTIISA HALAGU DILO WAA HADIII AAAD DHIIG LEEDIHIIN ,, MIDE KALE MA MADAXBANNAN TIHIIN RER BORAMAOW MAXA POLICE HALKII DHIBTA KA DAHCAYSAY AAN LA GAYNIN LOO KEENAY BOORAMA .. AAN IDIN SHEEGE MARAYKANKA AAD ARAGTEEN GOBOL KAASTAA ISKII BUU ISKUGU TALIYAA DADKA GOBOLKA U DHASHAY BAA MEESHOODA KA TALIYA IYAGOO HAL WADAN ISKU AH LAMA SOO GALI KARO BOORAMA CIIDAN ISAQNA LAMA KENI KARO REER BORAMOW TASHADA DHULKIINA U MADAX BANANADA .. WA BILAAHI TOWFIIQ

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.