Dhanbaal Hanbalyo Oo ku socda shacbiga degan magaalada Tog-Wajaale

Anigoo ku hadlaya magacayga Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine) ,deganna carriga Ingiriiska,una
dhashay magaalada Tog-Wajaale,waxaan marka hore salaan sharaf iyo qadarinba mudan u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland,meel kast oo ay joogaanbba.,  Anigoo fursaddan ka faaideysanaya , waxaan mahadnaq iyo salaan u dirayaa dhammaan ,saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland,oo runtii qayb laxad leh ka qadata ilaalinta
sharafta iyo karaamada dalkeenna.

Haddaan u gudbo dulucda qoraalkaygan,waxaan hanbalyo iyo taageeraba u dirayaa dadweynaha degan Tog-wajaale , ee ka dhiidhiyey fool xumooyinka iyo xeeladaha uu adeegsado,maamulka usha boocda ku tukubaya,kuna jira maalmihiisii u danbeeyey, kuna fashilmay  dhaartii iyo ammaanadii ay umaddu u dhiibatay.

Anigoo ka trisan xisbiga Kulmiye,milgo iyo sharafna u haya dhammaan taageerayaasha iyo
Guddomiyahaba,Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo,waxaan aad ugu diirsaday geesinimada ay dareenkooda ku  muujiyeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye,tuseenna  sida aanay raali uga ahayn Riyaale iyo kuwa degaanka ka soo jeeda ee baal maray rabitaanka ummadoodii , una adeegaya

danahooda gaarka ah,hungurina ku doorsaday  sharaftii iyo wadaninimadii, magac xumana u soo jiiday dadka sharafta leh ee degaanka ku nool.

Maahmaah Somaliyeed baa u hore u tidhi, “Nin soori kaa qaaday,waa nin seefi kaa qaaday,” taana waxaa maanta ka dhigan,kuwa maanta Riyaale u raadinaya taageero ,iyagoo ay dhex joogaan ,una muuqato ,dhibta uu maamulka Riyaale umaddan baday,waa nasiib darro iyo af kala qaad.
 
Runtii aad bay ii damqaysa,waana wax ninkii inuun damiir wadani nimo iyo garasho bani aadanimo ku hadhay , garan karo halka xaalku  marayo maanta,umana baahna inaan halkan ka sheego dhibaatooyinkaas , waana mid ay ka siman yihiin shacbiga Somaliland,haddii aan laga hor taginna,Somaliland meel dheer baa laga raadin.
 
Akhristaw bal aan ku weydiiyee,umaddan ilihii dhaqaalaha laga baabiiyey,biyo la’aanta iyo darxumada la silcaysaa,dhalin yartii rajo xumo uga tahriibayso, dekadahoodii la  curyaamiyey,xoolahoodii ajanabi loo xidhay,xaga juglayn,car juuq dheh iyo xadhig dhameysteen, maxaa la gudboon ?.
 
Jawaabta adaan kuu dhaafi,se aan tusaalana kuugu daro.Waxaa la xaqiijiyey in isu soo baxii Tog-wajaale ka dhacay,dad badan baa xoriyadoodii laga qaaday, oo ay ku jiraan hooyooyin UMUL ah ,oo caanihii ilamahooda siin lahaayeen ka da’ayo, loo dhoofiyey saldhiga dhexe magaalada Gabiley !!!!!
 
Marnaba kumaan seexan,Somaliland ayaa dadkii naf iyo maalbba u soo huray,ay mar labaad arxan darradaa loo geysan.Waxaan kula dardaarmayaa shacbiga Tog-wajaale iyo dhamaan shacbiga Somalilandba , inay iska dul qaadaan dulmiga lagu hayo,ilaahoodana ka baryaan inay helaan xukun caadil ah oo ay xaqooda muwaadinimo ka helaan.

Waxaan mar labaad leeyahay , Hanbalyo  Tog-wajaale,iskana ilaaliya  xeeladaha ay adeegsanayaan damiir laawayaasha degaanka u dhashay ee maamulka gabal kiisii dhacay taageerada u raadinaya.

Waxaan idinku dhaafayaa dhammanba  akhristayaashiina sharfta leh,heestan wadaniga ah ee magaceeds la yidhaa Naftii Hure:
 
 
Waxaan ahay naftii hure
Neecaw qabaw iyo
Nimco iyo barwaaqiyo
Sabad kagu nagaaduyi
Noloshaba illoobee
 …………..

Nacasaw gumeysigan
Nabarada qarsoon niyo
Nacaan iga hadhayn niyo
Igu reebay naafada
Nabad lama wadaagee
……………..

Nidar baan hore u maray
Niyadeydu waa meel
Haddii aanan soo noqon
Calankeyga nuurow
Allahayaw ku nabad geli
……………………..

Aamiin Aammin Aamiin
 
 

Mujaahid:Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Birminghma  UK

Filed Under: Hanbalyo

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.