CIID MUBAARIK: Bahda SayliciPress.net Waxay Hanbalyo Gaadhsiinayaan Dhamaan Akhristayaasha

CALGARY – Dhamaan shaqaalaha shabakada wadaniga ah ee SayliciPress waxay hanbalyo iyo bogaadin  gaadhsiinaysaa akhristayaasha sharafta leh oo si wayn uga qayb qaatay sidii dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ay uga hirgali lahayd in “Xoriyatal qawlku” yahay xuquuq asaasi u ah umad walba oo aduunka ku nool sidaasi darteed ay haboon tahay in la xoojiyo in wanaaga la isku waaniyo shacabkana laga difaaco kuwa ka faa’ida dhibka umada.

Hanbalyo iyo bogaadin ayaan si gaar ah ugu gudbinaynaa dhamaan meelkasta oo ay joogaanba shacabka “Adal Sultanate” oo laga bilaabo Ahmed Guray ilaa Xaaji Diide Ilaa maanta ka taagnayd caasimada Saylac iyo guud ahaan degaanada Awdal. Maamulka Adal oo dhisnaa mudo gaadhaysa 1000 sano inkastoo masaajidka qiblatayn ee magaalada Saylac ka dhisani intaa aad uga da’ wayn yahay.

Shacabka Adal meel kasta oo ay joogaanba waxaan ilaahay uga baryeynaynaa inay nabad iyo badhaadhe ku waraan iyo caafimaad qab.

Sidoo kale guud ahaan shacabka Somaliland ilahay ha’usoo celiyo nabadii iyo sharaftii ay kusoo caano maaleen ka hor baryahan coladeed iyo xasilooni darada.

SayliciPress Head Quarter – Calgary, Alberta

Filed Under: Hanbalyo

About the Author

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.