Toloow Colka Ma La Joojin Lahaa: Haddii C/Raxmaan Saylici Uuna La Tartameen C/Raxmaan Aw-Cali?
SALLI CALAA NABI walaalayaal, xabaalbaa innoo danbaysa xisaabina aakhiray taallaaye yaynaan xaqa iyo xaqiiqda iska indho tirin. Haddiiba ay jirto wax lagu sheegi karo colaad ama cadho ama tuhun iyo tafaraaruq ka dhex taagan bulsho weynta beelaha Samarroonka Awdal. Xaqiiqda ma guuraanka ahi waxay tahay, inay cadhadaasi ka bilaabantay tartankii C/Raxmaan Saylici, uu la galay C/Raxmaan Aw-Cali ee jagada madaxweyne ku xigeenka xusbiga KULMIYE.
Hadaba Su’aashu Waxay Tahay: Ma laga yaabaa haddii aanu C/Raxmaan Saylici la tartameen C/Raxmaan Aw-Cali in colaadaas ama tuhunkaas yimiday la joojin lahaa ?.
Jawaabta oo koobanina waxay tahay:
Kolleyba qof kale ayuunbaa la tartami lahaa C/Raxmaan Aw-Cali; Saylicina ma ahayn qofkii kaliya ee la tartamay. Professor Imaaciil Muumin Aare tartanka wuu ku jiray wuuna ka hadhay, isagoo uga tanaasulay midnimada Awdal iyo walaalkii C/Raxmaan Saylici. Mana jirin wax cadho ah oo ay la yimaadeen beeshiisii iyo taageeriyaashii professor AARE . Docda kale (besides), haddii uuna Saylici tartanka galeen waxa dhici kari lahayd in qof kale oo beeshiisa ka soo jeedi gali lahaa, lagana yaabo inuu ku guulaysan lahaa. Haddii taasi dhici lahaydna lama odhan kareen C/Raxmaan Aw-Cali ma sameeyeen sidii uu sameeyay, taageerayaashiisuna ma cadhoodeen, colaadan/cadhadan taalina ma timaadeen.
Si kastaba ha ahaatee; waxay noola muuqataa in cadhada iyo colaada beelaha Samarroon isugu goohayaani ka dhalatay tartanka lagaga badiyay C/Raxmaan Aw-Cali. Colaadaasi kaliya waxay ku dami karaysaayina wuxu yahay, C/Raxmaan Aw-Cali iyo taageerayaashiisa oo aqbala in xilku meerto yahay, loolankii jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi KULMIYE dhexdiisana doorkan maanta ah lagaga adkaaday, maalin kalase u furan tahay. Isla markaana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka beelaha Samarroonka Awdal.
Haddii taageerayaasha C/Raxmaan Aw-Cali ay isaga qabyaalad ku taageerayeena, dee waa sideeda, oo waa la garan karaa. Maxaa yeelay, qabiilka iyo qabyaaladu waji loogu soo hagaago ayay leeyihiin, dawana way yeelan karaan haddii xeerka iyo dhaqanka lagu dabbaqo, oo geedka la wada fadhiisto. Haddiise ay xusbi iyo siyaasad ku taageerayeena, xisbigii wuu jiraa, siyaasaduna malaha saaxiib rasmi ah iyo cadow rasmi ah toona, iyadna taasi ha ogaadaan.
Hadal iyo dhammaantii; aad iyo aadbaanu u diiddanahay inaynu nidhaahno midnimada Samarroon ama badbaadada Awdal waxay ku xidhan tahay nin kaliya oo siyaasadiisa ama damaciisa wax ka badala. Balse, haddii ay ka maarsan waydo oo ay qasab nagu noqoto in qof kaliya ama koox kaliya farta lagu fiiqo. Sida qaalibka ah, waxa la odhan karaa, waa C/Raxmaan Aw-Cali Faarax iyo taageerayaashiisa, dadka looga baahanyahay inay mideeyaan oo isu soo dhaweeyaan bulshada walaalaha ah, iyagoo xaqa iyo xaqiiqdana wada aqbalaya.
Cabdiqani Yusuf Cateeye
Email: hiildanyare@yahoo.com
Filed Under: Opinion




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto















