Gudoomiyihii Gobolka Selel oo Geeriyooday – Selel oo ka Mid ah Gobolada Dahir Rayale Iska Magacaabay
SAYLAC – Saaka subaxnimo ayaa sii heer qaran ah loo aasay guddoomiyihii gobolka Selel, alle ha u naxariistee Cawaale Ismaaciil Xasan oo labo maalmood ka hor ku geeriyoodey waddanka Djibouti, waxaana aaska marxuumka ka soo qaybgeley masuuliin ka kala socday Somali Land iyo Djibouti.Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay tacsi qarameeddaasi oo ka dhacdey magaaladan Saylac, xisbiyada siyaasadeed ee SomaliLand, salaadiin, culimaa`u diin, madaxda degmooyinka gobolka Salal iyo dadwayne kale, sido kale waxaa soo galbiyay maydka masuuliin ka tirsan dalka Djibouti.
Cawaale Ismaaciil Xasan oo aan wax carruur ah ifka kaga tegin ayaa la sheegey Inuu ahaa nin daacad ah kuna caanbaxay hawlkarnimo iyo gacan furnaan, dhammaan dadwaynihii ka soo qaybgeleyna waxa ay taxi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka tegey marxuumku, waxayna si gaar ah u xuseen ooridii ka hadhey oo la yidhaa Nuria Axmad.
Gobolka Selel oo ka mid ah gobolada 14ka gaadhsiiyey tirada goboladii shanta ahaa ee dalka Somaliland ka koobnayd markii uu dumay qarankii Soomaliya 1991 kii.
Gobolkan lama ictiraafsana dhinaca Awdal iyo dhinaca xukuumada Somaliland ba sida aan loo ictiraafsanayn 8 deeda gobol ee kale ee Dahir Rayale iska magacaabay
Warka Dulucdiisa – Xigasho – Lughaya







